General Duke Posted May 12, 2008 Kooxda Asmara Oo Ku Sugan Jabuuti Oo Labo Garab U Kala Jabay Wararka shabakada wararka allmudug.org ka soo gaaraya Magaalada Jabuuti ee Caasimada Dalka Jabuuti ayaa Sheegaya In Urur-ka Dib u xoraynta Soomalia Xubnihii Ugu Sugnaa Jabuuti ay u Kala Jabeen Laba Qaybood, Wararka ayaa sheegaya In Lada Garab ee ay Xubnuhu u kala jabeen aya kala hogaaminayaan Ibraahim Xasan Cadow iyo Cabdi Raxmaan dheere oo ku wada sugan Magaalada Jabuuti, Ururkaan ayaa la sheegay inay isku Khilaafsanyihiin Qaabka ay wada hadalka ul agalayaan Xubnaha Dowlada Soomaalia ee iyaguna ku sugan Magaalada Jabuuti, Sheekh Shareef ayaa isagu sheegay inaysan Wax wada hadal ah la galaynin Dowlada Soomaalia Isla Markaasn aysan Jirin Dowlad Ka Jirta Dalka Soomaalia oo ay aqoonsanyihiin, Hadalkaan ayaa waxaa ka horeeyay Hadal ka soo yeeray Gudoomiyihii Hore ee baarlamaanka Soomaalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Sheegay inay Aqbaleen Wada Hadal ay lagalaan Dowlada Soomaalia oo ay Tanaadul Ka Muujiyeen Qodobkii ay Shirka Ku Xirijireen, Hada Wararka aynu ka helayno Magaalada Asmara ayaa Sheegaya In Madaxweynaha Dalka Eritrea uu sheegay InaY Xilka Ka Qaadayaan Labada Shariif Hadii aysan Joojin Hadalada Hadalada IS Khilaafsan ee ay Warbaahinta Ka Sheegayaan, ,b>Wixii ka soo Kordha hamoogaan allmudug.oorg, Quote Share this post Link to post Share on other sites