Sign in to follow this  
Xudeedi

Puntland Delegation in Holland and Their Achievements Thus Far..(PICS)

Recommended Posts

Xudeedi   

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawladda Punland oo Ku Qaabilay Wefdiyo Kala Gedisan Dalka Holland.

 

DSC02485-w800-h600-590x392.jpg

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jamac (Ilkojiir) ayaa mudooyinki la soo dhaafey ku sugnaa dalka Holland, wasiirka ayaa Holland u tagay in uu ka qaybgalo shir looga hadlaayey Burcadbadeeda iyo sidii wax looga qaban lahaa isla markaasna cod wada jir ah lo gaarsiin lahaa beesha Caalamka, shirkaas ayaa dhacay 8.12.2009 waxaana ka soo qaybgalay aqoonyahano Soomaaliyeed iyo ergooyin ka socotey beesha caalamka, habeenadadii la soo dhaafey waxaa inta badan warbaahinta kalagedisan ee dalka Holland haystey wefdigii uu hogaaminaayey Wasiirka Arimaha Gudaha Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac isaga oo bixiyey waraysiyo badan, isla markaasna sheegay in xalka Burcadbadeda ay hayaan haddii lala tashanaayo oo la maqlaayo waxa ay soo jeedinayaan.

 

Iskaashatada Maraakiibta Boqortooyada Holland

 

 

DSCF1833-w800-h600-590x442.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Wasiirka Arimaha Gudaha oo la kulmey Madaxda Hayádda shirkadaha Maraakiibta ee Dalka Holland. Wuxuuna halkaasi warbixin dheer uga dhageystay Eng.E.W.Staal oo ka warbixiyey dhibaatooyinka Burcad badeeda u geystaan maraakiibta iyo saameynta ay ku yeelatay hawlahooda ganacsi iyo gadiidka bada.

 

Eng.Staal ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dowlada Puntland kala hadlaan sidii la isaga kaashan lahaa in xal waara loo helo arrimaha burcad badeeda.

 

Sidoo kale wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Gen.Abdullahi Ahmed Jama Ilkajiir ayaa u sheegay mas’uuliyiinta ka socday Ururuka ay ku mideysan yihiin shirkadaha Maraakiibta ee dalka Holland, in dhibaatooyinka sababay burcad badeeda ay yihiin kuwo arrimo kala gedisan salka ku haya, isla markaana dowlada Puntland dadaal ugu jirto sidii ay xal ugu heli laheyd baahida keentay in dhalinyarada soomaaliyeed ay galaan hawlaha burcad badeeda

 

Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf oo Casho Sharaf u Sameeyay wefdiga Puntland.

 

DSCF1795-w800-h600-590x442.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Judge Abdiqawi Ahmed oo kamid ah 15 xaakim ee fadhiya maxkamadda caalamiga ah ee aduunka xarunteedu tahay The Hauge dalka Holland ayaa casho sharaf u sameeyay wefdiga uu hogaaminaayey gen.Ilkajiir.

 

Cabdilqawi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wefdiga ka yimid dalka Soomaaliya isla markaasna soo gaarsiiyey caalamka sida ay diyaar uga yihiin in ay waxkaqabtaan arimaha burcadbadeeda.

 

Casho sharafta ayaa waxaa ka qaybgalay dhamaan wefdigii ka soo qaybgalay shirka oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose Gen. Cabdullaahi Ahmed Jama iyo marwadiisa Farax, Wasiirkuxigeenka Arimaha gudaha Gen.Yusuf Ahmed Kheyr, Prof.Adbiweli M.Ali, Drs.Faduma Yasin iyo qaar kale oo badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

The Minister Meets Elders From Eastern Ethiopia

 

DSCF1810-w800-h600-590x442.jpg

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawladda puntland ayaa kulan la qaatay in badan oo ka mid ah odoyaasha iyo duqeytida jaaliyada dalka Holland, waxa uu warbixin kasiiyey xaladihii u danbeeyay ee dalka Soomaaliya iyo isbadalada ku soo kordhey.

 

Odoyaasha dalka Holland ayaa wasiirka u gudbiyey talooyin wax ku kuwaas oo ku qotoma sidii gobolada dhexe iyo jubbooyinka maamul loogu dhis lahaa, sido kale waxa ay ka wada hadleen dadka u dhashey beesha ****** ee lagu xiro Puntland kuwaas oo wasiirku jawab waafiya ka bixiyey isaga oo sheegay, in dhinacyada isku haya Itoobiya ay u soo talabaan Puntland isla markaasna halkaas isku ugaarsadaan iyada oo ay adagtahay in la kala cadeeyo dhanka uu yahay, waxaana uu ku casumey odoyasha shir ka dhacaaya sanadka danbe magaalada Garoowe in ay ka soo qaybgalaan halkaasna ay ka soo jeediyan talooyinkooda.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmey xubno ka socdey wasaaradda Cadaaladda iyo tan arimaha dibadda waxaana guul ugu dhamaadey dhamaan hawlihii uu u yimid dalka Holland, wefdiga Wasiirka ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah ay u duulan dalka isutaga Imaaraadka carabta halkaas oo uu uga sii gudbidoono Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this