Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somaliland, Galgaduud Central region delegates fly to NRC

Recommended Posts

Gaalkacyo: Ergooyinka Shirka Muqdisho uga qeybgalaya gobalada Somaliland Iyo galguduud oo ka dhoofay Magaalada Gaalkacyo.

 

21. juli 2007

Gaalkacyo(AllPuntland)- Ergooyinka Shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed uga qeybgalaya gobalada Waqooyi galbeed ee uu ka taliyo Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa waxa ay maanta ka dhoofay Magaalada Gaalkacyo.

 

Ergadan oo ka kala yimid gobalada Somaliland ayaa waxa ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen deegaanada dawlada Gobaleedka Puntland,ayagoo ugu danbeytiina maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

 

Mid ka mid ah Ergadan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa wuxuu AllPuntland usheegay in ay ka soo baxeen deegaanada Somaliland dhowr maalmood ka hor,isagoo sheegay in aysan wax baqdin ah ka qabin Maamulkaasi.

 

Dhinaca kale waxaa isla maanta ka dhoofay magaalada Gaalkacyo ergo ka socota gobalka Galguduud ,kuwaas oo beelaha daga gobalkaasi qaarkood umatalaya shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

 

Socdaalka ergada Somaliland ayaa wuxuu ku soo aaday ,ayadoo magaalada Muqdisho ay horay ugaareen xubno gaaraya 80 Ergay oo ka yimid Somaliland ,maamulka Daahir Riyaalana wuxuu horay usheegay in qofkii shirkaasi ka qeybgalay yahay danbiile waa sida uu hadalka udhigaye.

 

Ergay ka mid ah ergadaasi oo aan su'aashaasi weydiiyay ayaa wuxuu ku tilmaamay hadal aan wax qiimo ah laheyn ,isla markaana dadka Soomaaliyeed yihiin dad walaalo ah oo aan kala maarmin talada Soomaaliyana Muqdisho looga taliyo.

 

Waa Ergadii ugu faraha badneyn ee ka soo dhoofta magaalada Gaalkacyo ,ayagoo ku sii jeeda caasumada Soomaaliya ee Muqdisho oo shirka dibu heshiisiinta Qaran beelaha Soomaaliyeed ka socdo.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well it seems even the North West is represented and this is just the beggining of the big dance to stability, unity and peace..

 

Viv the third republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ergadii ugu qayb gali lahayd shirka dib u heshiisiinta Deegaanada Waqooyiga G/gaduud ayaa waxaa ay maanta ka amba baxeen magaalada Caabudwaaq

 

C/waaq, Somalia - Ergadii Shirka Dib u heshiisiinta uga qayb gali lahayd Magaalooyinka Caabudwaaq, Dhabad & Balambale ayaa waxaa ay Maanta ka Ambabaxeen Magaalada Caabudwaaq, Ergadaas oo ka koobnayd 17- Xubnood ayaa waxay isugu jireen Rag & Haween, waxaana Hogaaminayay C/risaaq Geelle Cabdille (Koofiya Dheere.)

 

Inta uusan wafdigaas ka ambabixin maanta magaalada Caabudwaaq ayaa shabakeda Allgedo waxaa u suurtagashay in ay qaar ka mid ah ergada weydiiyaan su’aalo ku saabsan safarkooda ku waasoo ahaa in ay marayaan dhulka & in ay diyaarad raacayaan?

 

Hogaamiyaha Ergada C/risaaq Geelle ayaa waxaa uu Allgedo u sheegay in ay socodkoodaan hada ah ku wajahan yihiin Magaalada G/kacyo ee Gobolka Mudug halkaasna ay kasii raaci doonaan Diyaarad taasoo geyn doonta Magalada Caasumada ah ee Muqdisho, kaddibna ay halkaa kaga qaby gali doonaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay soo qaban qaabisay Dawlada ku meelgaarka ah.

 

Ugu danbayntii ergada maanta ka baxday magaalada Caabudwaaq mar ay Allgedo wax ka weeydiisay inta ay le’egtahay rajada ay ka qabaan in uu najaxo shirka dib u heshiisiinta ayaa waxaa ay ku jawaabeen "waxaan aaminsanahay in 90% lagu guulaysanayo shirkaan ay hada gogoshiisa taalo Magaalada Xamar."

 

 

Zaynudiin - Allgedo/ Caabudwaaq - Soomaaliya.

 

 

Allgedo News Media Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergo ka socota Somaliland oo maanta u duushay Muqdisho

Last Updated::2007-07-21 12:04:38

 

Gaalkacyo:-Wararka ka imanaya magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku warramaya in ---

Ergay ka socota Somaliland ay maanta ka duuleen garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo .

 

Safarka ergadan ayaa waxaa uu la xiriira ka qayb galka shirka dib uheshiisiinta beelaha Somaliya oo ay gogoshiishu ka fidsan tahay magaalada Muqdish

 

Ergadan ayaa ku adkaystay ka qayb galka shirkan inkasta oo maamulka Somaliland uu si wayn uga soo horjeedsaday ka qayb galka Shirka isla markana ku hanjabay in cidkasta oo ka tagta degaanadan kana qayb gasha shirkan loo arki doono Kha'inu wadan isla markana maxkamada la horkeeni doono

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

and i thought i'm in the jokes section :D:D

 

 

So someliland had a meeting ,,, choose someone to represent them in the conference and sent them straight away :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No but the clans have been contacted and they sent those who represented them.

 

No one much cares for the Riyaale Junta, its a clan peace gathering politics is later.

Share this post


Link to post
Share on other sites

so one certain clan was contacted then the have a meeting to sent those said ppl ?? :D

 

 

Well, it can be a very good intertainment for Ali Mahdi for the moment ,,,, that is how to make business :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer why are you against the business of Ali Mahdi? Riyaale has made a tidy fortune from running the secessionist sherade, he earns more than the President of the United States while running a dirt poor unrecognised clan feifdom :D:D

 

Or is it the case of the kettle calling the pot black?

Share this post


Link to post
Share on other sites

looooooooooooooool ,, talking about Rayaale and saying somaliland is qabiil :D:D

 

 

I'm sure someone will submit a voucher of 5 million USD to Ali Mahdi saying i brought some ppl from Somaliland :D

 

malaa isaguna run buu moodi doonaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer, the NortWestern clans are part of the same grand coialition or have you not learned.

Anyhow Riyaale has made around that figure of $5 million ,while giving a great value for the money. US AID or the taxes of the poor people of Norh West Somalia which one is tragic? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

well, i'm glad our leaders gain more salary than the US president ,, is a step forward and soon the world will hear more miracles from Somaliland.

 

We don't have US Aid here ,,, sorry to disappoint you.

 

 

I'm just feeling for the poor guys in the conference ,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ok saxib, I will give up on this one, and I congradulate Riyaale and his family for this cash cow, while at the same time wishing for great things for the badly led people of North West Somalia or Somaliland state of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Its a great development that clans from every region are and will be present in the National Conference, hope there will be no ZamZam type treatment of these noble men.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this