Sign in to follow this  
General Duke

Puntland admin SANAAG elders come to agreement

Recommended Posts

Kulamo ay wada qateen Maamulka Puntland iyo Odayaasha Sanaag oo ku soo Dhamaaday Jawi macquul ah

 

Bosaso:-Masuuliyiinta maamul Goboleedka Puntland oo Si wayn uga Hadashay Xaalada Gobolka Sanaag iyo kulamo dhexmaray isimada nabadoonada iyo Cuqaasha Reer Sanaag oo ku soo Dhamaaday afgarad iyo Jawi Macquul ah.

Waxaa Soconayey 24saac ee aan Soo Dhaafnay Wada Hadalo dhexmarayey Qaar ka Mida isimaad Reer Sanaag iyo Xukuumada Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland kaasi oo lugu lafa Gurayey Xaaladaha Mandaqada Sanaag iyo Doorka Xukuumada Puntland.

 

Qaar ka Mida Nabadoonada Sanaag ayaa waxa ay soo Hor dhigeen Dhaliilo iyo Waxqabadka sanaag sida ay uga gaabisay Xukuumada Sanaag taasi oo Raaligelin ay ka Bixiyeen Masuuliyiinta Puntland isla Markaasina ku Muujiyeen Balanqaadyo Horle oo ay Oofinayaan.

 

 

Talaabooyinka Dhinaca Horumarka ee lugu eedayey Xukuumada Gaar ahaan Madaxwayne Cade Muuse ayaa waxaa ka Mid ahaa Halka ay ku Damaysay Xaalada Lacagtii ay Dekeda Laasqaray Dowalada C/laahi yuusuf ugu deeqaday Meesha uu Geeyey Cade Muuse iyo sida aan laysugu Halayn Karin Waxqabadka Mandaqada Sanaag ee Puntland.

 

 

Waxaa Si wayn looga Hadlay Xaalada Dhanta ah ee Haatan ka Jirta Magaalada Laasqaray iyo Nawaaxigeeda iyadoo Hadafka iyo Hadalka ka soo baxaya Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Sanaag uu ahaa Mid looga Gal leeyahay sidii loo Heli lahaa Hanaanka iyo Geedi socodka Gobolka Sanaag.

 

 

Dhinaca Maamulka Waxaa Hadalo soo Jeediyey isagoo Guud ahaan Hadalaadasi iyo Dhaliilaha Xukuumada loo soo Jeediyey Rumaystay Wasiirka Amniga Puntland C/laahi siciid Samater Waxaana uu wasiirku Sheegay oo Odayaasha iyo Waxgaradka ugu baaqay Inay tageeraan Xukuumada Puntland iyadoo uu Balan cad ku qaaday inaaney Jiri Doonin Xaquuqada Gobolka Sanaag oo Dib loo wayaa.

 

 

Samater ayaa sidoo kale ka ku eedayey Madax wayne Cade Muuse Qaladaad badan oo ka Jira Gobolada Sool iyo Sanaag isagoo ugu Damaytii ay Si wayn usugu fahmeen Odayaasha iyo Waxgaradka Rajo waarta iyo Wax wada Qabasho.

 

 

 

 

 

Maxamed Axmed Ciise

 

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this