Sign in to follow this  
General Duke

Utter failure of Puntland...

Recommended Posts

somcan_xarig.jpg

 

Maxaa la gudboon Dowlada Puntland

Waxaa hubaal ah in dowlada Puntland ay kaalin muhiim ah uga banaantahay sidii dhalinyaradaasi looga soo saari lahaa gacanta shisheeyaha.

 

Waxaa la ogsoon yahay in wakhtiga xaadirka ah ay bada Puntland weli si caadi ah uga kaluumeysanayaan Maraakiib ay leedahay shirkada Sirichai Fisheries isla markaana weli ay xiriir wada shaqeyn ah ka dhaxeyso shirkada SOMCAN ee xarunteedu tahay Bosaso, Puntland.

 

Dowlada Puntland waa in ay ku cadaadisaa labada shirkadooda in lasoo xareeyo maraakiibta falalka xad gudubka ah u geystay kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Caluula isla markaana sharciga lasoo hortaagaa.

 

Waxaa sidoo kale dowlada Puntland ay awood u leedahay in ay shirkada SOMCAN baaritaan ku bilwodo falalkii ka baxsanaa sharciga ee ka dhacay xeebaha Puntland.

 

Dowlada Puntland waa in ay si cad uga hadashaa afduubka ay shaqaalaha shirkada Sirichai Fisheries u geysteen sadex kamid ah askarteeda isla markaana gacanta lagu soo dhigaa dadkii ka qeyb qaatay afduubkaasi.

 

Hadii ay tilaabooyinka dowlada Puntland qaadi weyso ama ay ka gaabsato waxaa marka ugu herysa ay noqoneysaa meel ka dhac sharciga, marka xigtana waxay dhabada u fureysaa in Maraakiibta Shisheeyee ee qandaraaska lasiiyo ay la baxsadaan markii ay doonaan askarta la dul saaro oo aan ognahay in aysan xataa mushahar qaadan 7dii bilood ee lasoo dhaafay.

 

Waxaa nasiib daro ah in askartii heeganka u ahayd dalka la isugu daro Mushahar la'aan iyo afduub iyo waliba ka aamusid.

 

Waxaan ugu baaqayaa dowlada Puntland iyo tilaabooyinkaasi ku dhaqaaqdo isla markaana sharciga soo hortaagto mas'uuliyiinta falkaan wax ka ogaa.

 

Cabdifutaax Shirwac

Gaalkacyo, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this