Sign in to follow this  
Gabbal

Yuweri: Ciidamadeyna way galayaan Somalia

Recommended Posts

Gabbal   

Yuweri: Ciidamadeyna way galayaan Somalia

 

 

Kampala 10, Oct.06 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in dowladiisa ay ciidamo u dirayso Soomaaliya iyadoo eegaysa dhibaatada dadka Soomaaliyeed, balse aysan dano kale oo gaar ah ka laheyn.

 

Yoweri Museveni waxa uu sheegay marka ay ciidamadiisa ay tagaan Soomaaliya in ujeedadooda ugu weyn ay noqon doonto inay caawiyaan maleeshooyinka si loo dhiso ciidan qaran.

 

Museveni ayaa hadalkan sheegay xili uu dhambaal qaas ah ka helay madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele isagoo tix raacayey xaalada Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay aqalka madaxtooyada ee dalak Uganda.

 

Dhambaalkaasi waxaa aqalka Nakasero ee dalka Uganda keenay in wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Maxamed Cali Yusuf Axadii aynu soo dhaafnay.

 

Museveni waxa uu yiri, “xalka keliya ee mushkilada Soomaaliya in ay tahay in la qaado halista hubka uu ku hayo siyaasada, lana siiyo dadka codkooda doorashada.

 

Midowga Afrika iyo IGAD ayaa go’aan ku gaaray in ciidamada nabada ilaalin ah loo diro Soomaaliya.

 

IGAD waxa ay ogolaatay in Uganda ay noqoto wadanka ugu horeeya ee ciidamada u dira Soomaaliya.

 

golaha maxkamadaha islaamiga oo gacnta ku haya magaalada caasimada ee Muqdishu ayaa ku hanjabay inay la dagaalamayaan ciidan kasta oo shisheeye oo dalkeeda soo gala.

 

Museveni, waxa uu u sheegay wasiirka Jabuuti in dagaal oogayaasha soomaalida ay saxeexeen heshiis lagu soo dhisay dowlada KMG, sidaas darteedna qof kasta oo ka soo horjeeda heshiiskaasi uusan wax kheyr ah u wadin dadka Soomaaliyeed.

 

Bayaanka dowlada Uganda ayaa lagu sheegay in maxkamadaha ay isku dayayaan in guud ahaan dalka Soomaaliya ay kula wareegaan qori caaradii, taasina ay tahay mid ka horimaanaysa ujeedada heshiiskii lagu gaaray Nairobi ee lagu soo dhisay dowlada KMG.

 

Madaxweynaha Uganda waxa uu kula taliyey dhamaan qeybaha isku haya Soomalaiya inay raadiyaan xal looga baxo khilaafka jira oo ay meel dhexe isugu yimaadaan.

 

Waxa uu sheegay in Uganda ay la soconayso xaalada Soomaaliya, ayna la shaqeyn doonto wadamada gobolka si loo hubiyo in xal waara laga gaaro dhibaatada Soomaaliya.

 

Shabelle Media Network Uganda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dowladda Uganda oo sheegtay in ciidamada ay u soo direyso Somalia aysan dano gaar ah wadan

 

 

Mogadishu - 10-October -2006-Allceeldheer.com Dowladda Uganda ayaa waxa ay sheegtay in ciidamo ay u soo direyso Somalia, si ay u caawiyaan dowladda Somalia, xilli Maxkamadaha islaamka ay sheegayaan in ciidamo ugandes ah ay ku sugan yihiin gudaha Somalia

 

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamadiisa ay imaanayaan Somalia si ay uga caawiyaan dowladda sidii ay u tababaran laheyd maleeshiyooyinkeeda, balse aanu jirin dano gaar ah oo ay ka leedahay Somalia.

 

Hadalka Madaxweynaha Uganda ayaa yimid, ka dib markii dhambaal uu ka helay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle, iyadoo dhambaalkaasi uu gaarsiiyay wasiirka amuuraha dinadda Jabuuti Max’ed Cali Yuusuf sida lagu xusay bayaan ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Uganda.

 

Ururka goboleedka IGAD iyo Midowga Africa ayaa horey isugu raacay in ciidamo si deg deg ah loo geeyo dalka Somalia, iyadoo dalalka Eritrea, Jabuuti iyo Sudan aysan ogoleyn in ciidamo la keeno dalka Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this