me Posted June 5, 2010 Wufuud balaadhan oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali oo soo gaadhay Buhodle Friday, 04 June 2010 11:35 | Written by Buhodle.net Garaad Jaamac Garaad Cali Soo dhaweeyn taariikhi ay ayaa waxaa galabta magaalada Buuhoodle lagu soo dhaweeyey wufuud aad u ballaadhan oo uu hor kacayo Garaadka guud ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaadka kale ee da'da yar ee isna aad loogu han weyn yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Wufuudan balaadhan ee ay hor kacayeen laba Garaad Jaamac ayaa waxaa magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda loogu soo dhaweeyey si aan hor degaankan loogu arag looguna maqal. Iyada oo ay soo dhoweeyntaasi maanta duhurkii ka soo bilaabatay magaalada Balicad oo wufuudaa loogu qado kariyey. Garaadada iyo wufuuda la socotay oo lagu soo dhoweeyey boqolaal gawaadhi ah oo isugu jirta kuw ciidamada iyo kuwo shiciba ayaa waxaa ku af beeshay garoonka weyn ee kubada cagta ee loo yaqaano Xabado oo ay ku sugnaayeen dadkii magaalada oo goobtaa diyaar ku ahaa mudo dhowr saacadood ah. Garoonkaa oo dadka ku sugani kumaankun kur u dhaafeen ayaa waxaa markii ugu horeysaba halkaa hadal soo dhoweyn ah oo aad iyo aad loogu diirsaday ka jeediyey hogaamiyaha hogaanka xoraynta iyo midaynta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn mudane Saleebaan Ciise Axmed Kaar oo hada in mudo ah ku sugnaa magaaladan Buuhoodle. Hogaamiyaha oo hadalkiisu isugu jiray wacyi gelin, dhiirgelin iyo soo dhaweeyn loogu talo galay wufuuda Garaadada ayaa ahaa mid sidoo kale si toos ah u taabanayey maamulada aynu deriska la nahay ee sida xaqdarada ah ugu tacadiyey dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Hogaanka ka bacadi waxaa hadalkii qaatay Garaadka guud ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali oo si aad u balaadhan ugu mahad celiyey sida heerka sare ah ee loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeedn. Waxaana Garaadku isaga oo hadalkiisa sii wata ku booriyey dadka ku dhaqan gobolada SSC in ay dhowraan adkeeyaana midnimada iyo isku xidhnaata dadka ku dhaqan goboladaas. Waxaa kale oo halkaa iyana qudbado aad iyo aad u xiiso badan ka soo jeediyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Garaad Cali Buraale oo iyana aad iyo aad ugu mahad celiyey soodhaweynta habaysan ee ay ugu talo galeen dad weynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle. Garaad Ibraahin Baaruud Guutaale oo ah garaadka gogosha fidiyey ayaa isna goobtaa si wanaagsan uga hadlay isaga oo Garaadada iyo wufuuda la socotaba gacmo furan ugu sheegay in ay ku soo dhawaadaan Buuhoodlena ku tilmaamay guriga umada SSC iyo kan umada Soomaaliyeed oo dhan. Caawana shucuurta dadka ku dhaqan magaalada Buuhoodle waxaad moodaa in uu yahay mid ay dib ugu bilaabayaan kacaankii labaad ee halgankii taariikhiga ahaa ee Daraawiishta oo lagu hanweynyahay in uu noqondoono mid la gaadhsiinyo umada Soomaaliyeed oo dhan meel kasta oo ay joogaanba. Buhodle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted June 5, 2010 Here is the pics soo dhawayntii Garads to Buhoodle Pictures Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 7, 2010 Isimada, Cuqaasha iyo Culumada Diinta ee Buuhoodle oo ku baaqay inay Isimadu ka baxaan Buuhoodle Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 7, 2010 Dhageyso Khudbadii Garaad Jaamac Garaad Cali Dhageyso Wareysi: Chief Caaqil Abdillahi Yussuf Kooreeye Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted June 7, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: Isimada, Cuqaasha iyo Culumada Diinta ee Buuhoodle oo ku baaqay inay Isimadu ka baxaan Buuhoodle JB keep posting BBC's interview with its notorious baias against people of SSC and denying broadcasting the real news of that part of the world. This shows your true colors of feeding unrelated news to highjack this thread.... Thanks Universal.. Here is the people of Buhodle.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted June 7, 2010 its clear jilibka u dhasay degaanka ma rabaan in degankooda laga abuuro dagaal, and they want the khasuusi out. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted June 7, 2010 Originally posted by Qudhac: its clear jilibka u dhasay degaanka ma rabaan in degankooda laga abuuro dagaal, and they want the khasuusi out. Last straws.. Beg you pardon! Now it's your last card of clan/jilib craps.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 7, 2010 Khadar walaal, Haa isku daalin, kuwan waa xaasidiin, waxa ee ku xunyihiin midnimada iyo isku-duubnida shacabka SSC. Dhamaan dhulka SSC waa la xoreenayaa, taako lagama tagayo, ka naxoo nafta waaya, ama oohin iyo cabaad la dilaaca Quote Share this post Link to post Share on other sites