Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Unigga Waddaniyadda Somaliland (Somaliland Nationalism Cell)

Recommended Posts

Unugga Wadaniyadda Somaliland Oo Saaka Hawl-gal wadaniyadeed Oo Balaadhan Ka Fuliyay Dugsiyada Sare Ee AL-Furqaan iyo Future Secondary School oo Ku yaala Caasimadda Hargeysa Ee Somaliland.

 

Unugga Wadaniyadda Somaliland (Somaliland Nationalism Cell) oo ay Aas’aaseen Ardayda Jaamacadaha Somaliland kuna hawlan Wacyi-galinta dhinaca wadaniyadda iyo Adkaynta Nabad galyada JSL, ayaa Saaka Hawl-gal balaadhan Oo wadaniyadeed Ka Fuliyay Madaarisada AL- Furqaan iyo Dugsiga Sare Ee Future Secondary School waxa Sacab iyo Dareen Wadaniyadeed ku soo Dhaweeyay Ardayda iyo Macalimiinta Madaarista Al-Furqaan iyo Dugsiga Sare Ee Future.

 

Ugu Horayntii waxa Barnaamijka furay Maamulaha Madarisada Furqaan Sheekh Maxamed Aadan waxa u Mahad naq iyo soo dhawayn aad u baladhan usoo jeediyay Ardayda jaamacadaha Somaliland ee hawl-galkan wadaniyadeed ka fuliyay Dugsiga sare ee Furqaan oo uu sheegay inay tahay Camal ijtimaaci ah oo loo bahanyahay in mar walba la is baraarujiyo oo wanaaga la isfaro xumahana la iska reebo, Waxa uu intaas ku daray Maamuluhu muhiimada ay leedahay wadaniyada iyo in wadan ka hooyo la jeclaado oo la daryeelo iskaashina la sameeyo inay tahay wax aad u fiican waxan ay dhalinyaradu wadaa waa wax illaahay ajar lagaga helaayo, Waa wax wanagsan in dhalinyarada laga waaniyo Qabyaaladda ,Qaadka, Tahriibka iyo dhamaanba mukhaadaraadka oo dhan .

 

Sido kale Gudoomiyaha unugga wadaniyadda Somaliland Xamse Suldan Aadan ayaa isaguna ka hadlay Ujeedada socdaalkooda iyo Sababaha loo aas’aasay Unugga wadaniyadda Somaliland oo ku hawlan hirgalinta Dareen Wadaniyadeed Oo gaadha Dhamaanba Bulsho waynta JSL, waxanu sheegay inay hada meel wanaagsan arintaasi marayso Bulshaduna soo fahmayso Qiimaha Wadaniyaddu u leedahay Bulshada.

 

Madaxa wadaniyadda iyo wacyi-galinta ee Unugga Wadaniyadda Axmed Maxamed Faarax (Badeed) Ayaa isaguna si qoto-dheer uga hadlay ahmiyadda wadaniyaddu u leedahay Bulshada waxaanu sheegay in wadaniyaddu tahay Diin jacayl, Dal jacayl, Danguud jacayl iyo in wadaniyadda aynu ka hadlaynaa tahay iskaashi, is ahaansho, is dhexgal iyo is aqoonsi Bulshada Somaliland dhexmara.

 

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Aadan Siyaad Cali oo ka mid ah Unkeyaasha wadaniyadda ayaa isna ku dheeraaday xidhidh Iskaashi oo dhex mara Madarisada Furqaan iyo unugga Wadaniyadda Somaliland Hawshana aanay ahayn mid maalin kaliya lagu dhamayn karo laakin aynu yeelan doono xidhiidh joogto ah oo aynu samayn doono Gudi wadaniyadeed oo iskuulka ka hawl-gasha oo ka shaqaysa wadaniyadda, iskaashiga, bilicda iyo horumarinta iskuulka AL- Furqaan ka dibna u gudbi doontaan Horumarinta Bulshada JSL. Sidaas waxa yidhi Aadan Siyaad oo ka tirsan Unugga Wadaniyadda.

 

Sidoo kale Unugga Wadaniyaddu waxa uu hawl-gal kan oo kale ah ka fuliyay Dugsiga Sare Ee Future Secondary School oo ka mid ah Iskuulada ku yaala Caasimadda Hargeysa oo isagana Barnaamij Wadaniyadeed oo baaxadleh ay ka fuliyeen Dhalinyarta unuggu waxana ka soo qayb-galay dhamaanba Ardayda, Macalimiinta iyo Maamulka Dugsiga Sare Ee Future Secondary, waxanay ugu dambayntii ku beereen iskuuladan Min hal Geed oo ay ugu magac dareen “Geedka Wadaniyadda”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bright youth indeed .... and good job there.

 

I'm glad those youth and working hard to strengthen the nationalism in the hearts of the coming generation ..... A strong and meaningful message to the rest of Africa and the world.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Khuraafad ayaad isku aqrisaa, ee bal continue...lol@strong and meaningful message....kkkkk

Recognition sooma socdo anytime soon....they should deal with that reality.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

War inanta xagga bidix xigtaa calankii buluuga bay idiin qarisay. War ninyahow inaad beryahan asaasaqday baan u malaynaa ee bal iska hubi waxaad meesha soo gelinayso mararka danbe smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this