Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed forces retreat in defeat as North Mogadishu is targeted

Recommended Posts

Dagaal Maanta Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

 

 

Horseed Media

Muqdisho

 

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhimatey ku dhowaad 10 kale waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

 

Dagaalka maanta ayaa bilawdey ka dib salaadii duhur iyadoo ay maanta ahayd maalintii 6aad oo ay dagaalo ku dhexmarayaan ciidamada dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

Ciidamada dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa todobaadkan ku dagaalamayey degmada Yaaqshiid halkaasi oo ay ku loolamayaan gacanta ku heynta degmada.

 

Dadka ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka ayaa ah dadka rayidka, waxaana dhinaca kale dagaalku uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa degmooyin badan oo ka tirsan Muqdisho.

 

Barakaca dadka rayidka ayaa weli halkiisii ka socda, iyadoo todobaadyadan ay sii badanayeen qaxa dadka reer Muqdisho dagaaladaa dartood.

 

Ma muuqato ifafaale muujinaya in dagaalkan u dhexeeya dowlada iyo mucaaradka xal loo hayo, iyadoo dhinac walba uu ku doodayo in uu saxan yahay dagaalkana sii wadi doono.

 

 

Source: HR Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoogaga Mucaaradka oo kaabiga ku haya Isgoyska Sanca iyo Maleeshiyaadkii Indha Cadde oo dagaalka ka baxay.

 

Xoogaga Mucaaradka Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda Dowladda KMG ayaa waxoogaa horumar ka sameeyay dagaaladii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, iyagoona lugaha la soo galay goobo cusub oo ka duwan kuwii maalmihii u dambeeyay uu ka jiray is jiid jiidka dagaal.

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay baneeyeen fariisimo qaar oo ay iskood isaga baxeen, taasoo keentay in Xoogaga Mucaaradka ku soo fidaan, waxaana ay ka baxeen Xarunta Degmada Yaaqshiid oo ka mid aheyd goobihii lagu loolamayay gacan ku heynteeda.

 

Inkastoo aan caawa wax dagaal ah socon, hadana dagaalo iyo duqeymo galabta dhacay ayaa ahaa kuwo si weyn u saameeyay xaafadaha ka tirsan Degmada Yaaqshiid, waxaana dagaalada oo ahaa kuwo aad u kululaa gelinkii dambe ee maanta.

 

Kooxaha Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah ayaa ku soo dhowaaday Isgoyska Sanca, iyadoona la arkayay Ciidamada Dowladda oo dib uga soo guranaya dagaalka sababo aan ilaa iyo iminka la xaqiijin.

 

Cabsida ugu weyn ayaa ah in berri uu dagaalku sii laba qarxo, kuna baaho xaafado hor leh, waxaana barakac xoogan uu ka jiraa Xaafadaha Degmooyinka Kaaraan, qeybaha ka haray Yaaqshiid iyo Shibis.

 

Warar caawa aanu helnay ayaa sheegaya in dagaalka ay galabta ka baxeen Maleeshiyaad daacad u ahaa Yuusuf Indha Cadde oo dhowaan Dowladda ku biiray, waxaana sababaha ka bixitaankooda lagu sheegay in dagaalka ay uga baxeen Ciidamadii kale ee Dowladda iyo iyagoo heli waayay saanadihii ay u baahnaayeen ee hubka kadib markii ay ka le'atay rasaasta.

 

Sidoo kale Ciidamada qaar ee Dowladda ayaa iyana la arkayay iyagoo dagaalka isaga baxsanaya oo qaarkood iibsanaya rasaasta iyo hubkooda gacanta, waxaana isku dhex yaac ka muuqday Ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan, halka kuwo aan is aqoonin ay iska dhacayeen qoryaha, taasoo dadka ku noqotay fajaciso.

 

Guulaha Mucaaradka oo ah mid wali u soo biidhaameeya ayaa sii dhiira gelineysa kala qo-qobnaanta Ciidamada Dowladda dhexdooda oo wali aan ka muuqan qaab ay u dagaal galaan iyo hogaan mid ah.

 

Aagaga difaaca hore ee ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa taageerayaba ku jiraan ayaa ah dhabarka dambe ee Isgoyska Sanca, halka qeybaha kalena ay ku jiraan dagaan daga SII SII, oo uu dagaalka maanta ku soo biyo shubtay.

 

Xoogaga Mucaaradka ayaa gadaal marsaday Isgoyska Fagax, Hotel Lafweyn oo ay Xildhibaano degenaayeen, saldhiga Yaaqshiid, waxaana Xoogaga ay dul saaran yihiin Sarta Alxarameyn oo marka loo eego ah istiraatiijiyad dagaal.

 

Dagaalka waxaa uu yahay wali fari kama qodna faanoole, waxayna dhinacyadu yihiin kuwo isu caaboon, shacabkiina uu yahay mid wali la daala dhacayay dhibaatooyinka ka soo gaaraya, waxaana dagaalada ah I jiid aan ku jiidee uu yahay mid labada dhinacba ay shacabka dhexdiisa ku dul dagaalamayaan.

 

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka hadlay dagaladii ugu dambeyay ee Muqdisho iyo qaraxyo ay maanta la eegteen Ciidamada AMISOM.

 

Posted: 6/5/2009 10:34:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa galabta ka hadlay dagaaladii ugu dambeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo qaraxyo ay maanta la eegteen Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

 

 

 

Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay Afhayeenka Cusub ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa waxaa uu kaga hadlay dhowr qodob oo ka hadlaya marxaladaha ugu dambeeyay ee ka jira Magalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

 

 

 

Sheekh ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud kaasoo uu sheegay in Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ay la galeen kooxo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa u adeegaya Ethiopia islamarkaana hugsan Magac ka mid ah magacyada Islaamka sida uu sheegay.

 

 

 

Waxaa uu tilmaamay in ciidamadaasi ay horay ugu soo duuleen magaalooyinka Guriceel.Dhuusa Mareeb iyo Wabxo islamarkaana ay ka barakacyeen sida uu sheegay dadkii halkaasi ku noolaa,waxaana uu tilmaamay in Aroornimadii hore ee saakay Weerar ay ku qaadeen Deegaanka Wabxo Mujaahidiinta iyagoo ka damqanaya sida uu sheegauy dhibka ay ku hayaan dadka Shacabka ah.

 

 

 

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ay ka Jabiyeen Ciidamadii halkaasi horay u heystay oo ay ka qabsadeen gawaari ay ku jiraan Beebayaal uu sheegay in ay ugu tala galeen in ay ku laayaan dadka Muslimiinta ah sida uu carabka ku dhiftay.

 

 

 

Dhanka kale Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin waxaa uu ka hadlay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in ay guulo ka gaareen,waxaana uu tusaale u soo qaatay dagaalkii shalay ka dhacay Agagaarka Fakaaraha Tarabuunka kaasoo uu tilmaamay in ay ku jabiyeen ciidamada dowladda oo markii hore weerarka soo qaaday iyadoo xiligaasi kadin uu sheegay in ciidamada AMISOM ay Bilaabeen Madaafiic ay ku garaacayaan xaafadha dadka shacabka.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay Afhayeenku qaraxyo maanta lala eegtay ciidamada AMISOM xili ay maraayeen Wadada isku Xirta Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM-4 iyo Wadad kale ee Makka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Waxaa uu xusay in qaraxii ugu horeeyay oo saakay ciidamada AMISOM lagula eegtay wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo isgoyska Km-4 ee Magalaada Muqdisho ay Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin kaga dileen ciidamadaasi ilaa 3-askari oo ka tirsanaa.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaraxii labaad oo ka dhacay Agagaarka Hoteel Ambassador Wadada makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho ay halkaasi kaga gubeen gaari ay saarnaayeen ciidamada AMISOM.

 

 

 

Waxaa uu ku celiyay Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere in uu ugu baaqayo ciidamada AMISOM in ay isaga baxaan dalka Soomaaliya,isagoo sheegay in hadii ay arintaasi ka dhaga adeegaan ay mari doonaan halkii ay mareen ciidamada Ethiopia oo uu xusay in ay isku diin ahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar caawa Muqdisho la isla dhexmarayo oo ku aadan dhaawac soo gaaray Indha Cadde.

 

Waxaa caawa magaalada Muqdisho la isla dhexmarayaa warar soo shaac baxay maqribkii oo sheegaya in Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde uu ku dhaawacmay dagaallo galabta ka dhacay agagaarka Fagax halkaasi oo inta badan maleeshiyadiisa maalmihi laso dhaafay ay kaga dagaal jirtay.

 

Warkaani oo aad isku soo taraya inkasoo aan xaqiiqdiisa wali aan la isku halleyn Karin ayaa sheegaya in Yuusuf Indha Cadde ay rasaas qeybta hore ee xabadka ka haleeshay isla markaana dhaawiciisa laga qaaday deegaano ku dhaw Hotelka Lafweyn, waxaase ilo wareedyo kale ay soo sheegeen in naaska iyo garabka dhexdiisa ay rasaas ka martay balse dhaawucu uusan aheyn mid daran.

 

Dagaalka Yaaqshid ayaa caawa gaaray isgoyska Sanca taasi oo muujineysa isbadal weyn oo dhanka dagaalka ah, waxana ay dadka qaar sheegayaan in Ciidamadii Indha Cadde ay ka baxeen fariisinkoodi weynaa ee iskuulki Max’ud Axmed Cali.

 

C/laahi Macallin Mukhtar ayaa hore ugu dhaawacmay dagaalka degmada Yaaqshid waxaana uu kamid ahaa saraakiisha hogaamineysay dagaalada Yaaqshid iyadoona la sheegayo in dhaawicisa lagula tacaalayo Cusbitaal khaas ah oo Madaxtooyada ku dhex yaalla.

 

Markacadey.net,Muqdi sho

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah: Xoogaga Mucaaradka oo lawareegay gacan ku haynta degmada Yaaqshiid iyo Ciidanka Dowlada oo dib ugurasho sameeyey. 04 Jun 2009

Posted to the Web 04 Jun 09, 17:47

 

Waxaa Goordhaw soo gaba gaboobay dagaaladii cuslaa ee mudada 4-ta maalmood ah ka socday xaafado katirsan degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho.

 

War Goordhaw nagasoo gaaray Bariga magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Dowladda Somalia ay baneeyeen dhamaan goobihii ay dagaalada qaraar uga jireen.

 

Goob jooge lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Waasuge oo ku sugan Xaafadda SII SII ayaa Cadaado.com uxaqiijiyay in dagaalku uu qaboobay islamarkaana Rasaas teel teel ah ay ka socoto Sanca ilaa iyo agagaarka Ceelka Cumar Fiyaasko.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogaga Mucaaradku ay gudaha u galen xaafadda SII SII oo kamid ahayd meelaha ay ku xooganyihiin Ciidanka dowladda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay Ciidanka Dwoladda iyo Xoogaga Kasoo hor jeeda ku hardamayeen gacan ku haynta degmada Yaaqshiid oo aan ahayn Istiraatiiji.

 

Ilaa iyo hadda Wax war ah kamasoo bixin dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho.

 

 

Cadaado.com Isha Wararka Somalida

Share this post


Link to post
Share on other sites

The weakest performance I ahve ever seen. They have 4000 AMISOM troop and can not get past Yaqshid. Though we are told its "not important" because they have 14 districts of Mogadishu. They are mistaking 14 blocks for districts. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

You seem to be confused as to the purpose of AMISOM in Somalia.

 

These are peace KEEPING troops, not peace MAKING troops.

 

They're not there to go on the offensive and take over the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You dont have to shout out loud adeer. They were the same when Sharif Ahmed declared "Jihad" on them. The irony is that today the only areas the armed gangs can not get to is the areas these African Union troops are residing in including Sharif Ahme's bedroom :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this