General Duke Posted August 6, 2008 Madaxtooyada oo Markii u Horreysay ka Hadashay Daynta loo Haysta Tallaabo Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday aragtida iyo dareenkeeda ku wajahan qaylo-dhaanta madax-furasho ee ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Md. Yuusuf Ciise Tallaabo oo ku eeddeeyey dawladdu inay ka gaabsatay, isla markaana ka aamustay bixinta kharashka dhan $7000 oo ah lacagta huteel uu ka degganaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Md. Tallaabo oo saddexdii bilood ee u dambeeyey safar caafimaad ku joogay dalka Itoobiya, ayaa waraysi khaas ah oo Isniintii toddobaadka uu khadka telefoonka kula yeeshay wargeysa Ogaal, waxa uu u xaqiijiyey in loo haysto gashi lacageed oo dhan $7000, oo ah lacagtii huteelka uu degganaa muddadaas, taas oo uu xusay in aan loo oggolayn inuu dibedda u baxo ilaa inta laga bixinayo dayntaas. “Waan xidhnahay. Markii hore dawladda ballanqaaday wixii kharash ah inay bixiso oo Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ayaa warqad qortay ay ku caddaynayso arrintaa. Markaa wakhtigii hore Baasaaboorkayga iyo alaabta ayaa layga haystay oo waxay ahayd uun inaanan Magaaladda ka bixin, inta lacagta Huteelka la bixinayo. Imikana waxaan gaadhay heer aan toban cisho ku xidhanahay qolkaygii oo aan Safaaradii oo sadex sakadood noo dhexeeyaa iigu iman, oo aanay Wasiirka Maaliyada iyo Gudoomiyaha Baanka oo Hilton ku jiraa ii iman. Afarta Guddoomiye ee Jaamacadaha Somaliland ayaa Iigu yimi meesha oo waxoogaa lacag ah oo aan ayaamo ku noolaaday i siiyay. Qolada Hoteelka ee i haysata, markii hore Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa la soo hadlay, waraaqna [fax] u soo diray, afkana wuu kala hadlay. Haseyeeshee, markii muddadii uu u qabtay oo ahayd 25 casho ay dhamaatay, ayuu hadana todoba cisho qabsaday. Muddadaasina waxay ku buuxday bishii tagtay 1-deedii, hadana 15 cisho ayuu qabsadey. Balse, Cabdillaahi (Wasiirka Arrimaha dibada) markii danbe siduu u lahaa maantaan soo dirayaa, berri ayaa la soo dirayaa, ayuu markii dambe Telefankiiba goostay. Waxay haystaan qolada Huteelku warqadii uu soo qoray, waxay haystaan balan-qaadkii qoraalka ahaa ee Safaaradda Somaliland. Laakiin, markii dambe way xanaaqeen oo Qareen bay qabsadeen, dabadeedna waxa dhacday in lagu yidhi lama Ogola in ninkan Dublamaasiga ah Jeelka lagu xidho arrintuna, mid heer Maxkamadeed gaadhaye u kaadiya. Dabadeedna waraaqihii ayay Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya geeyeen, waxaanay yidhaahdeen Aqalkayaga ka bixi maayo ee wuxuu noogu xidhnaanayaa qolkayaga, ka dibna waxa la yidhi bal Huteelka uun ha joogo. Huteelkuna meel Daarad ah iyo wax dayr ah oo loo baxo malaha,” ayuu yidhi Yuusuf Ciise Tallaabo oo ka xogwarramayey xaaladda uu hadda ku sugan yahay, waxaannu mar uu ka hadlayey inta uu le’eg yahay gashiga loo haystaa uu inta ku daray; “Ilaa $7000 Doollar weeye lacagta la ii haystaa. Waayo, meesha saddex bilood iyo dheeraad ayaan joogay, bil iyo badh-na waa laygu haystay.” Geesta kale, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Siciid Cadaani Mooge oo uu Jamhuuriya xalay wax ka waydiiyey aragtida xukuumad ahaan ay ka qabaan qaylo-dhaanta iyo eedda ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Md. Yuusuf Ciise Tallaabo, ayaa sheegay in xukuumad ahaan ilaa hadda aanay wax war ah ka warhayn arrintaas, isla markaana ay ku warheleen uun wargeysyada. “Arrinta Tallaabo wax war ah oo aannu ka haynaa ma jirto oo jaraa’idyada ayuun baanu ku aragnay waxa uu sheegayanoo, ilaa iminkana xukuumaddu waxba kamay soo saarin arrintiisa, lagamana wadahadal,” ayuu yidhi Mr. Siciid Cadaani Mooge oo ka warramayey aragtida iyo dareenka xukuumaddu ka qaadatay qaylo-dhaanta ka soo yeedhay Mr. Tallaabo. Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 6, 2008 “Arrinta Tallaabo wax war ah oo aannu ka haynaa ma jirto oo jaraa’idyada ayuun baanu ku aragnay waxa uu sheegayanoo, ilaa iminkana xukuumaddu waxba kamay soo saarin arrintiisa, lagamana wadahadal,” ayuu yidhi Mr. Siciid Cadaani Mooge oo ka warramayey aragtida iyo dareenka xukuumaddu ka qaadatay qaylo-dhaanta ka soo yeedhay Mr. Tallaabo. Secessionist are a bunch of jokers Quote Share this post Link to post Share on other sites