General Duke Posted August 2, 2007 Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo gaarey magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland iyo wafdi ballaaran oo ay isimo ka mid yihiin ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wafdiga dawladda federaalka ee uu hoggaaminayo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa saaka ka amba baxay magaalada Garoowe halkaas oo ay muddo toddobaad ah ku sugnaayeen. Dhinaca Puntland-na waa markii ugu horreysey ee madaxweyne ka socda dawlad goboleedka Puntland uu gaaro magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Mas'uuliyiintan ayaa waxaa soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha wasiirrada dawladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir waxana ay haatan ku sugan yihiin xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho. Wafdiga ka socda dawlad goboleedka Puntland ee uu ugu horreeyo madaxweyne Cadde Muuse ayna kamid yihiin isimo ka socda deegaannada Puntland ayaa la filayaa in ay booqdaan kana qayb galaan xarunta uu shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ka socdo ee magaalada Muqdisho. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 Wefdi ay hogaaminayaan Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yusuf iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cade oo Muqdisho ka oo degay. Mogadishu,2 August 2007 (HornAfrik Media) Madaxwaynaha dowladda fadaraalka soomaaliya oo wefdi balaaran oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland hoogaaminaya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho maanta. Garoonka caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo degay maanta Madaxweynaha dowladda ee soomaaliya iyo wefdi ka socda dowlad goboleeedka Puntland oo uu hor kacayo Madaxweyne Cade Muuse Xirsi. Mas’uuliyiin katirsan dowladda fadaraalka soomaaliya ayaa wefdigaasi ku soo dhaweeyey gagada diyuuradaha ee Aadan Cade International airport iyagoo dhanka Madaxtooyada u sii gudbay. Wararku waxaa ay sheegayaan in wefdiga uu hogaaminayo General cade oo markii ugu horaysay cagaha soo dhigay Muqdisho ayaa kulamo la qaadan doonaan Ray’sal wasaaraha dowladda fadaraalka Cali Maxamed Geeddi si markaasi looga wada hadlo xariirka labada dhinac islamarkaana waxaa ka mid ah heshiiska laga gaari karo in Ciidamada daraawiishta Maamul goboleedka Puntland ay ula wareegi la’ahayd dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa wefdigaan ka mid ah ergooyin hor leh oo la doonayo inay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed iyadoo intii uu joogay Madaxweyne yuusuf uu markii uu tagay xarunta Maamul goboleedka Puntland ee garoowe uu soo jeediyay in ergooyin muhiim ah ay kusuganyihiin Puntland islamarkaana ay tahay in shirka ay ka qayb galaan. Imaatinka wefdigaan uu hor kacayo madaxweynaha dowladda fadaraalka soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili caasimada xalay ay ka dhaceen tuuryada madaafiicda hoobiyaasha ah kuwaas oo keenay qasaare xoogan oo dad rayid ah soo gaartay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 Madaxweyne Yuusuf, Jan. Cadde Muuse, Yuusuf Gaagaab iyo Mas’uuliyiin kale Oo Soo Gaaray Muqdisho. Mogadishu, Khamiis , August 02, 2007 SMC Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Mud, C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland Jan. Cadde Muuse iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Yuusuf Gaagaab ayaa barqanimadii maanta kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho. Wafdiga Madaxweynaha oo ku socday ilaa Saddex diyaaradood oo qadar daqiiqado ah kala dambeeyey ayaa garoonka Aadan Cadde International waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG. Waxaa si aad ah loo adkeeyey wadooyinka u dhaxeeya garoonka Muqdisho ilaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo gabi ahaanba la xadiday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka. Wafdiga Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa haatan waxa ay ku sugan yihiin xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna halkaasi si aad ah ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda KMG. Madaxweynaha Somalia Col. C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa socdaal maalmo qaatay ku tagay Magaalada Garoowe ee xarun gobaleedka Puntland, iyadoo Madaxweyne Yuusufna uu sheegay ka hor intii aanu saakay kasoo kicitimin garoonka Garoowe in ay ku guuleysteen dhamaan ujeedooyinkii socdaalkooda Somaliweyn Media Center (SMC) MogadishuSomalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaliya Mudane C/laahi Yuusuf, Madaxweynaha Puntland Jan. Max’ud Muuse,iyo Mas’uuliyiin kale oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Mud, C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland Jan. Max’ud Muuse iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Mudane Yuusuf Gaagaab ayaa abaara 11:00 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia Mud, C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland Jan. Max’ud Muuse iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Mudane Yuusuf Gaagaab ayaa abaara 11:00 maanta kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaa ku soo dhaweeyey Maamulka G/Banadir oo uu ugu horeeyey Gudoomiyaha G/Banadir Ahna Duqa Muqdisho Max’ed Dheere oo Garoonka kaga hortagay waxaana loo sii gudbiyey Dhinaca Madaxtooyada Somalia. Sida uu Shabkada Wararka Carmooyin u sheegay Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada C/waaxid Max’ed , waxa u sheegay in Mdaxada ay qaban doonan Shir jaraa’id oo wada jir ah. Xiligii ay soo dagayeen Madaxadan aya waxaa si aad ah loo adkeeyey amaanka wadooyinka u dhaxeeya garoonka Muqdisho ilaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia Wafdiga Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa haatan waxa ay ku sugan yihiin xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna halkaasi si aad ah ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda KMG. Madaxweynaha Somalia Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdiga uu horkacayo ayaa safar maalmo qaatay ku tagay Magaalada Garoowe ee xarun gobaleedka Puntland. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 Wufuud ay hoggaaminayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Cadde Muuse oo Muqdisho gaaray Khamiis, August 02, 2007(HOL): Wufuud ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse ayaa maanta waxay ka degeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii ay ka duuleen garoonka Diyaaradaha Garowe. Wafdiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku horeeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka iyo weliba maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo kadibna loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada Villa Somalia. Daqiiqado kadib ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka degtay diyaarad kale oo siday wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse, kaasi oo ay xubnihiisa ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Yuusuf Gaagaab, waxaana wafdigaas sidoo kale loo sameeyay soo dhaweyn heer sare ah. Qadar daqiiqado ah kadib ayaa hadana waxaa garoonkaas ka degtay Diyaarad kale oo siday Wafdi Isimo ah oo ka socday Gobollada Puntland, kuwaasi oo la sheegay in ay Muqdisho u tageen sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo booqasho dhowr cisho ah ku soo qaatay magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ayaa intii uu ku sugnaa magaaladaas wuxuu soo xaliyay khilaafaadyo soo kala dhexgalay golayaasha Dowlad-goboleedka Puntland iyo weliba xiisad ka dhalatay lacago been abuur ah oo sicir barar ka dhalisay Deegaanada Puntland, iyadoo sidoo kalena uu Madaxweynaha ka qeybgalay sanadguuradii 9aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay maamul goboleedka Puntland. Ujeedada booqashada Wafdiga Madaxweyne Cadde Muuse ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto sidii loo dhameystiri heshiisyo horay u dhexmaray maamul goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa sidii ay labada dhinaca isaga kaashan lahaayeen arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka. Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in la dejiyay Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasi oo ay ku sii sugnaan doonaan inta ay joogaan Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Cadde Muuse ayay u tahay markii ugu horeysay oo uu Magaalada Muqdisho tago tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Resistance Posted August 2, 2007 so which is more of a 'president' Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 ^^^lool. Yusuf is the President of Somalia. Cade Muuse is the state President of Puntland [Governor].. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Resistance Posted August 2, 2007 Yusuf the big boss, Cadde the governor. so in scheme of things Cadde is on the bar as Dheere ( another Gov'or ) Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 ^^^Indeed, yes Cade is like the governor of Minnesota. Riyaale is a simmilar position. Dheere, is a governor of a single state traditional form. However if the people of Banadir, Upper Shabbele, Hiiraan, Galgaduud became a single state then the leader will be like Cade, Riyaale = President of the federal states. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Resistance Posted August 2, 2007 Then Riyal must be rebel Gov'Nor since he does not listen to the President of all Presidents , what will big boss do about him marka ( so is he untouchable since he is mates with the God Father himself 'BIG Z' ) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted August 2, 2007 Oo Puntland yaa looga soo tagay waa yaabe. :confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 ^^^lool. Puntland is not a small village or town adeer. It has an admin in place, the admin is still there. President Cade is visiting the capital of Somalia. Muqdisho: “Aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha Muqdisho oo aan ku dhashay, 30 sano ka hor ayaana iigu danbeysay” MADAXWEYNAHA PUNTLAND 2. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xersi (Gen. Cadde Muuse) ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay safarka uu ku yimid magaalada Muqdisho isagoo sheegay in caasimada dalka Muqdisho uu ka maqan yahay 30 sano. “Aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha Muqdisho oo aan ku dhashay, 30 sano ka hor ayaana iigu danbeysay” ayuu yiri Gen. Cadde Muuse oo u mahad celiyay xubnaha dowladda Federaalka iyo shacbiga Soomaaliyeed ee sida diiran ugu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho. Gen. Cadde Muuse ayaa sidoo kale sheegay in uu ka qeybgeli doono shirka dib u heshiisiinta beelaha ee ka socda Muqdisho halkaasi oo uu khudbad ka jeedin doono maalmaha soo socda. Madaxweyne Cadde Muuse ayaa sheegay in ay isla afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya isla markaana wada shaqeyn wanaagsan ay leeyihiin. Gen. Cadde Muuse ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii ay dowladda Federaalka ugu wada tashan lahaayeen arrimaha maamulka, dhaqaalaha, ciidamada iyo arrimaha kale ee xiriirka labada dhinac. “Aniga meel kuma xernaanaayo meel walba oo taariikhi ah ayaan booqan doonaa, Soomaaliya waa magaalo madaxdii, nabadgelyada wadankana in laga shaqeeyo ayaan farayaa cid kasta dowladda kaliya mas’uul kama saarna nabadgelyada” ayuu yiri Gen. Cadde Muuse. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 Then Riyal must be rebel Gov'Nor since he does not listen to the President of all Presidents , what will big boss do about him marka ( so is he untouchable since he is mates with the God Father himself 'BIG Z' ) loool. Adeer, Riyaale has enough trouble facing him and does not need to get the attentio of Yusuf any time soon. However everything has its time and place. Now its Mogadishu, then the local areas Marka, Kismayu and so on. Somaliland[North West] can wait.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted August 2, 2007 Duke, Gaagaab is the man who brought the counterfeit money to Puntland..haatan ma Xamar baa laysaga masaafuriyey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 2, 2007 ^^^Adeer dont make up things. Quote Share this post Link to post Share on other sites