Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu security improvin- AUDIO

Recommended Posts

Boqolkiiba 95% Caasimaddu Waa Nabad

 

Muqdisho(Calanka.com) 13-Jun-2007

 

Wasiirka arimaha gudaha Somaliya mudane Maxamuud M. Gacma-dheere ayaa ka dhawaajiyay in amaanka caasimadda iyo guud ahaan ka gobolka Banaadir uu iminka yahay mid lagu kalsoonaan karo eyna boqolkii 95% ey gacan bir ah ku hayaan.

 

Wasiirka ayaa sheegay in qolooyinkii waday falalkii burcadnimo iyo kuwii argagixisaba ey ugu tageen xarumohoodii ciidamada boliska oo waday mudo isbuuc ah howlgal balaaran oo ey kusoo qabqabteen rag badan oo ka danbeeyay falalkan.

 

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay wasiirki shirka dib u heshiisiineed ee lagu wado in uu ka furmi Muqdisho 2-cisho ka dib ayaa sheegay in uu qabsoomayo inkastoo uu shaki ka miijiyay mudane Cali Mahdi maanta mar uu la hadlayay saxaafadda.

 

Hadalka mudane Gacma-dheere ee ku aadan amaanka caasimadda ayaa kusoo beegmay xilli ey howlgalo balaaran ka socdaan magaalada Muqdisho mudo isbuuc ah oo lagu uruurinayo hubka loogana hortagayo burcadda iyo kooxaha kale ee amni darada ka waday caasimadda.

 

Amaanka caasimadda ayaa ah mid aad uga duwan kii isbuuc ka hor halkaa ka jiray waxaana dhici jiray qaraxyo joogto ah iyo dilal macno darro ah.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay mid ka nabdoon sidii hore, cid walbana ay

Posted to the Web Jun 12, 12:48

 

Muqdisho (PP) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) ayaa sheegay in xaaladda ammaank ee Magaalada Muqdisho ay tahay mid aad u wanaagsan xilligaan, oo ku beegan furmiddii shirka Qaran.

 

Wasiirka oo maanta ka hadlay Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda Caasimadda ay tahay mid si weyn uga wanaagsan sidii hore wuxuuna sheegay inay taas tahay mid ku timid shacabka oo diiday rabshadaha iyo sidoo dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn.

 

“Xaaladda Muqdisho way ka soo raynaysaa, waxaana ay qarka u saaran tahay inay noqoto gabigeed mid dhibaato la’ oo ka mid noqota caasimadaha dunida ugu ammaanka badan” ayuu yiri Wasiirka Gudaha Somalia Gacmo-dheere.

 

Mudane Gacmo-dheere ayaa ka dhawaajiyay in shirka qabsoomiddiisa ay tahay mid aanu xilligaan muran badan ka taagnayn, wuxuuna yiri: “Shirka waa qabsoomayaa, waana mid aan taas mudnayn in maanta laga hadlo, waayo xaaladda Muqdisho waa mid ka hagaagsan 95%, shanta hartayna wuxuuu ku sheeagy inay isaga biirayso iyadoo aan howl dheeraad ah la qaban”.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) oo guddoomiyaha guddiga nabadgalyada caasimadda ay dowladdu u xilsaartay ayaa sheegay in xilliyadii ay imaanayeen Muqdisho ay tahay mid ay ka taagnaayeen dhibaatooyin badan, balse maanta aad uga wanaagsan xilligaas.

 

“Ciidammada Booliiska Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka waxay sameeyeen howgallo ay ku hagaajinayaan nabadda caasimadda Soomaaliya, taas ayaana keentay in Muqdisho ay nabad noqoto” ayuu yiri Mudane Gacmo-dheere.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this