General Duke Posted March 23, 2009 Madaxweyne Ku Xigeenka PL Oo Ka Hadlay Mudaharaadka kasocda Boosaaso Halkan ka dhageyso Wareysiga Madaxweyne Ku Xigeenka (Cilck Here) Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shire Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Dhacdadii Iyo Mudaharaadyadii Galabta Casar Liiqii Ka Dhacday Magaaladatan Bosaso Waxaana Uu Sheegay In Arrintaasi Ay Tahay Mid Jirta Laakiin Ay Socdaan Baaritaano Iyo Dadaalo Dheeraad Ah Oo Arrimahasi Lagu Xallinaayo. Cabdi Samad Cali Shire Waxaa Uu Sheegay In Uu Si Aada Uga Xunyahay Dhi Atada Xiligani Ka Taagan Magaalada Bosaso Taasi Oo Ku Sheegay In Ay Tahay Mid Aan Loo baahnayn Waxaana Uu Dadweynaha Bosaso Ugu baaqay In Ay Is Dejiyaan Oo Ay Ka Warsugaan Ciidanka Amaanka Iyo Dowladda Oo Dadaal Ballaaran Ugu Jirta In Ay Wax Walba Xaqiijiso. Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Waraysi Gar Ah Siiyay Warbaahinta SBC-International Goor Dhowayd Ayaanu Waxaanu Waydiinay Waxa Ka Jira In Qaar Ka Tirsan Ciidanka Amaanku Ay Xabsiga u Taxaabeen Nin wadaad Ah Oo Caan Ka Ah Magaalada Bosaso . Madaxweyne Ku Xigeenka Ayaan Sidoo Kale Waydiinay Arrinta Xariga Ah Ee Loo gaystay Wadaadkaasi Waxa Ka Danbeeyey Iyo Sababta Ay Ku Timid Waxaana Uu Sheegay Madaxweynuhu In Ay Baaritaan Ugu Jiraan Gudi Gaar Ahna Ay U Samayeen Arintaasi . Waxaan Sidoo Kale Wax ka Waydiinay Warar Laysla Dhex Marayo Oo Tilmaamaya In Ninkaasi Wadaadka La doonayo In Dowladda Maraykanka Gacanta Loo Galiyo Waxaana Uu Sheegay Madaxweynuhu In Arrimahaasi Oo dhan Ay Yihiin Warar Kutiri Kuteen Ah Oo Aan Waxba Ka Jirin Dadweyanahana U uu Sheegayo In Wararkaasi Ay Yihiin Kuwo Been . Waxaana Uu Sheegay In Ninkaasi Iminka Ay Gacanta Ku Hayaan Ciidanka PIS-ta Ah Ee Magalada Bosaso Baaritaanona Ay Socdaan Xaqiiqdana La Ogaan Doono Balse Lo Baahan yaahy In Xaaladda La Dejiyo. Waxaa Uu Noo Xaqiijiyay Madaxweynuhu In Ciidanka Ninkaasi Wadaadka Xiray Ay Yihiin Ciidanka PIS-ta Ee Saldhigayada Kala Duwan Ku leh Magaalada Bosaso Waxaana Uu Madaxweynuhu Dadweynaha Ugu Baaqay In Ay Xaaladda Dejiyaan . Ugu Danbayntii Madaxweynaah Ayaanu waydiinay Diyaarad la Eli Kobtar Ah Oo Galabta Dul Heehaabaysay Magaalada Bosaso Waxa Ay Ahayd Iyo Meesha Ay Ka Soo Kacday Waxaana Uu sheegay Madaxweynuhu In Arrimahaasi oo dhan Ay Gudi U Saarayaan Sida Ugu dhakhsaha Badana Wax Loga Ogaan Doono . SBC-International- News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites