Jacaylbaro Posted December 3, 2008 FIRST IT WAS NUR CADDE Ra'iisul wasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan xuseen Nuur Cadde ayaa sheegay in uu danaynayo in ciidamada Ethiopia ay sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya inta laga keenayo ciidamo Caalami ah oo nabadda ilaaliya si ay u badalaan ciidamada Ethiopia. Nuur Xasan xuseen (Nuur Cadde) oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula hadlayay wakaaladda wararka Associated Press ayaa waxaa uu muujiyay sida uu u doonayo in ciidamada Ethiopia ay sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya inta ciidamo Caalami ah laga helayo si ay u buuxayaan boosaska ay bameeyeen. Ra'iisul waraare Nuur Cadde waxaa uu ugu baaqay QM iyo Beesha Caaalamka in ay taageeraan dowladiisa oo haatan u muuqata mid sii liiceysa waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in ay Soomaaliya u soo diraan ciidamo nabad ilaalin ah si marka ay Ethiopia u baxdo loo helo kuwa suga amaanka dadka Soomaaliyeed. Waxaa uu Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu mar kale soo hadal qaday kooxaha burcad badeeda Soomaalida isagoo beesha caalamka ka codsaday in ay wax ka qabtaan kooxahaasi maadaam uusan dalkiisa iyo dowladiisa ay la dagaalami karin oo aysan wax ka qaban Karin. Hadalka Ra'iisul wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili inta badan wadanka Soomaaliya laga hadal hayo ka bixitaanka ciidamada Ethiopia sida uu dhigayo heshiiskii Dalka Jabuuti ay ku wada gaareen dowlada KMG Soomaaliya oo uu horkacayeen Ra'iisul wasaare Nur Cadde iyo isbahaysiga dib u xoraynta oo uu isna hor kacayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 3, 2008 NOW IT IS AMISOM Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay sheegeen in aysan haysan ciidamo ku filan oo ay ku badelaan boosas ay baneeyaan Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya. Taliyaha ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya Francis okelo oo xalay wareysi siinayay idaacada shabelle ayaa waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM aysan ****oli Karin bahida ciidan ee ka jirta dalka Soomaaliya hadii ay faarujiyaan dalka Soomaaliya ciidamada Ethiopia oo lahadal hayo in ay isaga baxaan dalka Okelo ayaa waxa uu shaaca ka qaday in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya aysan gareynin ilaa iyo 8-kun oo ciidan islamarkaana aysan suura gal aheyn in AMISOM ay ****osho baahidi ciidan ee dalka Soomaaliya hadii Ethiopia ay ka baxaan dalka Soomaaliya Francis okelo mar wax laga weydiiyay xiliga ay suurto gal tahay in ay soo dhameystirmaan ciidamada AMISOM ayaa waxa uu sheegay in aanu dhihi Karin waqtigaasi ayey soo dhameystirmayaan maadaama ciidamadaasi ay yihiin kuwa laga kala keenayo wadamo isku dhaf ah Hadal taliska ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaliya ayaa kusoo aadaya xilli mudooyinkii ugu dambeeyay lahal hayay in ciidamada AMISOM ay isaga baxayaan dalka soomaaliya iyo xili Raiisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi uu sheegay in dhawaan ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites