Sign in to follow this  
General Duke

Riyaale magic clan backlash against people of BORAMA

Recommended Posts

riyaale.jpg

Its hot in hells kitchen.

 

Reer Booramow Danbaa Waarta ee Xukun Ma Waaro

April 1st, 2009

 

Qalaalasaha iyo dagaallada sokeeye ee ka oogma Qaaradda Afrika waxaa sabab u ah madaxwyene inta la doorto isku bedela kelitaliye macangag ah oo ay si maangaabnimo ah oo gadaal laga shaleeyo u taageerto beesha uu ka soo jeedo. Marka xaalad kelitalisnimo ku habsato dal, ummaddu muddo ayay samirtaa kuna dadaashaa inay furdaamiso xaaladda si looga hortago dhibaato dhacda. Haddii xukunka dulmiga ku dhisan uu diido furdaaminta iskana indhatiro u hoggaansanka dastuurka iyo maslaxadda guud, waxaa markaas qaraxda cadhada biirta ee dadweynaha waxaanay iska-badbaadisaa dulmiga. Sidaas ayuu ku dhashaa dagaalka sokeeye ee ka dhaca dal. Dastuurka oo lagu dhaqmaa waa danta iyo maslaxadda ummad waayo waxa uu horseedaa cadaalad, cadaaladuna waxay keentaa nabad iyo horumar halka cadaalad-xumada iyo dulmiga laga dhaxlo iska-horimaad, dagaal sokeeye iyo burbur. Taariikhdu waxay caddaynaysaa in dulmiga inta ku adeegata iyo inta taageertaba ay ku dambeeyaan jab iyo taariikh xumo.

 

Sida dalal badan ka dhacday, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somalia waa laba dal oo kala noqday kadib markii dhibaato weyn ay dhexmartay (1960-1990). Somaliland waxay leedahay xuduud caalami ah waxaanay xaq aan la duudsiyikarin u leedahay aqoonsiga Beesha Caalamka. Markaas madaxweyne kasta oo loo doorto Jamhuuriyadda Somaliland waxaa waajib ku ah inuu ku dhaqaaqo kuna maamulo dalka shuruudaha siyaasadeed ee ay ku kasbankarto aqoonsi dhakhso leh iyo horumar kuwaas oo kala ah: Qabashada doorashada madaxweynaha xilliga loogu talagalo, ilaalinta nabadgelyada, ku dhaqanka dastuurka qaranka, horumarinta dhaqaalaha iyo dhawrista xuquuqda muwaadiniinta. Madaxweynaha ku xadgudba ama si kas ah dhaawac ugu geysta shuruudahan siyaasadeed waxa hubaal ah inuu yahay qaran-dumiye ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland lana dagaallamaya aqoonsigeeda Beesha Caalamka.

 

Xukunka Somaliland ka jira maanta ee uu madaxweynaha ka yahay Daahir Riyaale Kaahin waa xukun ku dhisan maskax kelitalisnimo
:eek: iyo dulmi laga soo gudbay oo si kas ah ugu xad-gudbaya una jebinaya shuruudaha siyaasadeed ee kor ku xusan waxaanu si cad ula dagaallamaa madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland . Sida Afrika ka dhacda,
Daahir Riyaale waxa uu taageero weyn ka haystaa oo qudha Gobolka Awdal siiba Beeshiisa oo sacabka u tumaya raallina ka ah falalkiisa lidka ku ah qaranka.
Marka laga reebo tiro kooban oo iyagana markasta loo hanjabo sida ku dhacday dhallinyaradii Reer Boorame ee dhawaan ku biirtay Xisbiga Qaranka ee KULMIYE, waxay madaxda dhaqanka, wasiirada, xubnaha Golayaasha Qaranka, madaxda Gobolka Awdal, siyaasiyiinta, indheer-garatada iyo dadweynaha Reer Boorame si weyn ugu taageeraan
Daahir Riyaale dulmiga, kelitalisnimada iyo dhul-balladhsiga iyaga oo taageeradaas ku muujiya saxaafadooda, shirarkooda,
waraysiyadooda iyo khudbadahooda ay ka jeediyaan banaanbaxyada loo sameeyo Riyaale iyaga oo ku xumaynaya Beelaha Dhexe ee Somaliland ku aflagaadeeya mooqifkooda toosan ee ka soo horjeeda kelitalisnimadiisa. Waxaa lagu maahmaahaa, “Dhaawac eebo waa laga bogsadaa, dhaawac carrab-xunse lagama bogsado.” Waxaa kale oo lagu maahmaahaa, “Af-xumo nabadna waa kaa geysaa colaadna waxba kaagama tarto.” Maanta waxaa lagu jiraa waqti casri ah oo wax kasta la duubo lana diiwaangesho.
Codadka ka soo baxaya inta badan Salaadiinta Awdal waa nabad-diid, maslaxa-diid iyo samo-diid.
Marka laga reebo shakhsiyaad kooban oo ah caada-qaatayaal dhuuni-raac ah oo Riyaale ugu adeega laaluush iyo jagooyin, madaxda dhaqanka, xubnaha Golayaasha Qaranka, siyaasiyinta, indheergaratada iyo dadweynah gobollada kale ee Somaliland aad ayay uga soo horjeedaan Xukunka Riyaale waayo wuxuu isku bedalay kalitalye dhaqankiisu lid ku yahay aqoonsiga iyo madaxbanaanida Somaliland. Madaxda dhaqanka ee Reer Awdal marnaba kuma dhaliilaan kumana canbaareeyaan madaxweyne Riyaale kelitalisnimada iyo xad-gudubyada uu kula kacayo ummadda iyo dalka balse way ku

Share this post


Link to post
Share on other sites

Malaha waa yaabe, Reer Boorame waxay Riyaale u haystaan geesi ka adkaaday Beelaha Dhexe oo cadaawad ay hore u qabeen uga aargudaya.
Reer Boorame waxay si fudud u illaaween godobtii weyneyd ee ay ka galeen Beelaha Dhexe
:eek: ee Somaliland markii ay la safteen Taliskii Siyaad Barre ee maato-layska ahaa oo dhibaatada weyn u geystay Beelahaas siiba sannadihii 1988 iyo 1989 dabadeedna inta cafiska laga doortay 1991 awoodda iyo codka Beelaha Dhexe u suurtogelisay in Daahir Riyaale loo doorto madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Lama garanayo sababta ay Riyaale iyo Reer Boorame uga abaal-ka-dhacayaan Beelaha Dhexe ee Somaliland iyo waxa uu ku salaysanyahay nacaybkooda dabiiciga ah. Maxay Reer Boorame u garan la`yihiin abaalka weyn ee loo galay laguna aaminay madaxtinimada Somaliland oo haddii ay hagaagto magac ku helayaan haddii ay xumaantana dadka kala mid noqdaan oo aanay dusha u ridan eedeeda iyo taariikh xumadeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LooooooooooooL@Duke. ..Shaqo cusub kuusoo baxde.

 

Somalis are st*pid and reactionary, what does Riyaale have to do reer Borame. They certainly are not ones keeping in Hargeysa-looking for convenient scapegoats! What's worse people writing are living comfortable in the west.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^loool, were you not the one making threats, foaming from the mouth hating on puntland and waging cyber Jihad, from the comfort of your home in Boston and attacking the “Americans system” and other Kaffirs while at the same time you were sipping Coffee in star bucks doing your homework with your white classmates?

Somali’s are reactionary you have the same disease as these posters attacking Borama,

:rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Originally posted by General Duke:

quote: An overly enthusiastic Riyaale Supporter from Borame wrote this topic

 

Some fake story to hype up the clan anger
LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is troubling if it is true.

 

The region has been peaceful for a very long time, and reer-borame are not the ones propping up Rayaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Speak for us Dukie..Both leaders from UCID and Kulimey have someone from Borama as their running mate. We're getting mugged..oh noooo lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this