General Duke Posted March 2, 2007 QM oo qalab ugu deeqdey booliiska Somalia 2 Mar 2, 2007 - 2:21:16 PM Qaramada Midoobay ayaa qalab kala duwan ugu deeqday Booliska Somaliya, iyadoo qalabkaasi ay maanta u soo direysay dalka Somaliya gaar ahaan magalada Muqdisho. Eric Lorecha isu duwaha howlaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Sadax kun oo dareeska booliska ay bixisay Q.Midoobay sidoo kale deeqdan ayaa waxaa ka mid ah 18 gaadiid oo booliska loogu talagay in ay ku howl galaan. Mr. Lorache waxaa uu sheegay in ciidamada Booliska aysan heysan darees loogu talagalay in ay ku howlgalaan, iyadoo deeqdan ay dabooli doonto baahida ciidamada booliska,. Deeqdan oo wax weyn ka qaban karta baahida ciidamada Booliska ay u qabaan dareeska oo aad ugu yar iyo gaadiidka, iyadoo ciidamada Booliska Soomaaliyeed xiligan aheyn kuwo kasoo bixi kara howlahooda marka aad fiiriso daruufta jirta awgeed, waxaana tixgelinta koowaad madaxda dowladda siiyaan maliishiyooyinka ku heybta ah ee ilaalida ka ah naftooda iyo guryahooda. Isu duwaha howlaha gargaarka Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay in xiligan rajo wanaagsan laga qabo in dowladda KMG ah ka howlgasho dalka, isagoo intaa raaciyay in Qaramada Midoobay ay dadaal ugu jirto in shacabka Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo in isbadal uu ka dhici karo dalka. Eric Lorache waxaa uu soo dhoweeyay ciidamada Afrikanka ee imaanaya dalka Somaliya kuwaasi uu sheegay in ay soo kordhin doono xasilooni. Waa markii ugu horeysay ee Qaramada Midoobay taageero noocaan oo kale ah ay ugu deeqdo ciidamo boliiska ee Somalia , waxeyna bilow u tahay tageerada beesha caalamka. Cali Muxayadiin Cali,GO Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 2, 2007 Q.M oo qalab iyo gawaari ugu deeqday Booliska Somalia Mogadishu 02, March.07 ( Sh.M.Network) Q.M ayaa kaalmadii ugu horeysay oo Qalab isugu jira Labiska ciidanka iyo Gawaari ku yaboohay ciidamada booliska Somalia, iyadoo kaalmadaasi ay maanta u soo dirtey caasimadda Somalia ee Muqdisho. isku duwaha howlaha Bani'aadnimada ee Q.M Eric Loraj oo ragga wararka fidiya kula hadlay xarunta Q.M, ayaa waxa uu sheegay in Q.M ay bixisay 3 kun oo labiska booliska oo loogu talo galay booliska Somaliyeed oo horey aan u heysan wax Unifom ah isagoo tilmaamay in maanta 18 gawaari ay Q.M u soo dirtey magaalada Muqdisho si loogu sahlo saraakiisha booliska in ay ku roondeeyaan magaalada Muqdisho. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xasilooni ay ku sii socoto dalka Somalia, xilli ciidamo ka tirsan Midowga Africa ay dhowaan ku soo fool leeyihiin dalka Somalia. Eric Loraj oo ah isku duwaha howlaha Bani'aadnimada ee Q.M ayaa sheegay in Somalia ay ku jirto marxlad adag, isagoo tilmaamay in uu rajo wanaagsan ka qabo in dowladda Federaalka ay tahay mid ay ka faa'iideysan karaan shacabka Somaliya si loo helo nabad iyo xasilooni. Waxa uu sheegay in Q.M ay dooneyso in ay ka dhaadhiciso dadka Somalida in isbadal uu ka dhici karo Somalia, lana caawin karo dowladda liic liiceysa ee Somalia, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay kumanaan ciidamo African ah oo tagi doona Somalia. Waxa uu sheegay in Q.M ay u xaqijineyso Somalida in hay'adaha dhisan ee dowladda ay muhiim yihiin. Dadka waxa ay ku qiimeyn karaan dowladda habka ay u gudato howsheeda, isagoo ku tilmaamay in hadii xitaa dowladdu la badalo ama madax cusub ay yimaadaan in hay'adaha dhisan ay yihiin lama taabtaan. Xasilinta somalia waa in ay noqotaa hanaan xasaasi ah oo ka bilaabaneysa heer bulshadeed ilaa heer qarameed. Waxa uu sheegay in hadii Somalia aysan laheyn Mas'uul sare aanu cidna xalin karin dhibaatadeeda, isagoo beesha caalamka ku booriyay in ay kaalintooda ka ciyaaraan xasilinta Somalia. Dhinaca kale Ergeyga Q.M ugu qeybsan arimaha Somalia Mr. Fall ayaa sidoo kale uga war bixiyay xubno ka tirsan Q.M kulankii ururka islaamka uu dhowaan kaga qeybgalay dalka Sacuudiga, isagoo sheegay in ururka Islaamka uu ku booriyay in ay ka dhaadhiciyaan maxkamadaha islaamka in ay aqbalaan jiritaanka xukuumadda KMG ah ee Somalia, isla markaana ay ku biiraan dib u heshiisiinta Qarameed ee Somalia ee ku baaqay Madaxweyne C/laahi Yuusuf. Waxa uu ka codsaday dalalka ku bahoobay ururka islaamka in ay bixiyaan lacag gaareysa 544 million oo doollar oo ay ku taageeraan dowladda KMg ah ee Somalia. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 3, 2007 QM oo ku baaqdey in la tageero DF 2 Mar 2, 2007 - 6:19:42 AM Isku xiraha arrimaha gar gaarka Qarama Midoobay ee Somalia Eric Laroche oo gaaray magaalada New York ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taagaro lixaad leh siiyaan Dowlada KMG Somalia si ay u hanato ammaanka guud ee dalka Somalia. Laroche ayaa sheegay in Somalia xiligaan ay heysato fursaddii ugu wanaagsaneyd oo ay uga bixi karto fowdada iyo xasilooni darrada muddo daashatay. "Beesha Caalamka waxaan ka codsanayaa inay Dowlada Somalia taageero dhinac walba siiyo si u xaqiiso mas'uuliyadeeda" ayuu yiri Eric Laroche. Eric ayaa sheegay in Soomaalida intooda badan ka daaleen dagaalada sokeeye isagoo sheegay in dadka Soomaalia ay iska indha tireen baaqyadii ku saabsanaa inay qaadaan Jihaad ka dhan ah ciidmaada Ethiopia. "Waxaan ugu baaqayaa Dowladda KMG Somalia inay si deg deg ah u sameyso kala dambeyn ayna dalka kusoo celiso nabad iyo xasilooni buuxda," ayuu yiri Eric Laroche. Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray mas'uulkaan QM ka tirsan ayaa kusoo beegmaya xili 16-ka bisha April la filayo in Muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiineed oo la iskugu keeno qeybaha Soomaalida ee khilaafka ka dhex taagan yahay. Cabdi Fatax Axmad,GO Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted March 5, 2007 18 gaari oo qabiilka Puntland loogu deeqay, aan aragno waxay taraan bal! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 5, 2007 ^^^Saxib your religious war is aimed at Puntland right. Anyhow these vehiclesas my sources underline are for the police of Mogadishu, 18 vehicles would mean one for each district and some left over. Its a good start and more will come insha Allah... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted March 5, 2007 Originally posted by General Duke: ^^^Saxib your religious war is aimed at Puntland right. Anyhow these vehiclesas my sources underline are for the police of Mogadishu, 18 vehicles would mean one for each district and some left over. Its a good start and more will come insha Allah... Doqon inaa tahay, Qabiil dhan oo sadex million ah ayaad rabtaa 18 gaari inaad ku qabsatid, adoo waliba ku guul dareystay inaad cadow amxaaro u adeegsatay! Maato caano leh sideedoo kale waad u hadli jirtay, nabbee! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 5, 2007 Alle u Baahne, Sheekadii Islaamka iyo maxkamaduhu ma qabiil bay isu bedeleen ,,,, maxaa kugu dhacay sxb ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted March 5, 2007 JB, Ninkan G-Duke, Maxaa dhacay maanta ma Kamaradii uu sawirada kusoo qaadi jiray ayaa laga xaday . We need more prove of those viechles given to the Somali police . General, bal sxb sawirradii meesha soo gali Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 5, 2007 and what will you faaíd if you see the pictures ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted March 5, 2007 I will see the car of my uncle, who is a hight Ranking Police officer in Mogadisho now . Cant wait to see dee. I heard 4.5 ayaa Gawaadhida lagu qaybsanayaa. JB, orodoo Gaadhigiinii doonta intaan la wada qaadan . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 5, 2007 Weli ma 4.5 kii baa lagu dhaqmayaa meeshaas ,, walee waxbaa haysta Gaadhigaygii beri horaan soo qaatee ,,, mid jaban oo mashiinku duqeeyay bay igu soo caameeyeene Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted March 5, 2007 loooooooooooool. Waaryaa! dee Dawlada waxba hakka sheegin. JB, keep in mind. There r virtuall well trained CID for the TFG, and they are 24/7 on service surfing and browsing. These are Cyber CID in somehow , beaware sxb and take care before you find your self in a little,congested cell . I heard Somaliland ta ayaa ka daran loool. All CIDs !!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 5, 2007 haa meeshan hadhkaaga lama aamino ,,, Midda kele ,,, nice to meet you Mr. Cyber CID Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted March 5, 2007 walle JB ani naftaydaa ka shakiyey HUNGURI!!!! AMUU RIYAALE 2 NAGGU NOQDAAA Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 5, 2007 Waar Rayaale waaba la qaataye ,,,, waxaan ka baqayaa inuuu rag aan garanayo igu noqdo ,,,, hadda wixii ka dambeeya waa inaan hareerahayga eego Quote Share this post Link to post Share on other sites