Sign in to follow this  
General Duke

Bander Qasim Airport- an update......

Recommended Posts

Madaxweyne Cadde Musse oo kormeeray Terminalka cusub ee Bander Qasim Airport

Last Updated::2006-05-27 13:39:28

 

madaxweynaha_puntland_garoonka.JPG

 

Bosaaso:- Madaxweynaha DGPL Md.Cadde Musse Xirsi iyo xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa maanta soo booqday dhismaha Cusub ee Airporka Bosaso.

 

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyey dhismaha cusub oo hada la dhameystiray dhismihii isla markaana lagu bilaabayo qalabeyn.

 

Airporka Bander Qasim oo loo dhisay dhismoyaal cusub ayaa isugu jira Terminalka soo degida iyo Bixida iyo waliba Xafiisyo iyo qeybo kale oo loogu talo galay maamulka.

 

Airporkan ee noqon doona kan ugu weyn Puntland, isla markaana dhismihiisa uu ka weyn yahay Airporka Hargeysa ayaa waxaa la filayaa inuu noqdo mashruucii ugu weynaa ee uu hirgliyo maamulka Puntland tan iyo intii la aasaasay sanadkii 1998dii.

 

Airporka ayaa lagu wadaa in dhawaan la bilaabo dhismaha Jidka diyaaradaha kusoo degaan ee Runwayga iyo qalabeynta Airporka oo la dhigi doono qalab casir ah.

 

Mashruucan ayey si wadajir ah uga qeyb qaateen Maamulka Puntland, Ganacsatada, iyo Mandaqada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this