Blessed Posted November 9, 2004 Salaams, This is a great poem by a brother appropriately known as ‘Nabad Doon.’ It's a part of a long and on going poetic chain entitled 'Dood Wanaag' which was central to Hadrawi's Peace March last year. Apologies for the non-Somali readers. I would translate had I the time; but it already takes me long enough to read Somali. The rest of the poems can be found at http://www.aftahan.com/gabayo/doodwanaag . NB: This topic is posted in Politics rather than poetry because the chain deals with political climent of Somalia. Ninka dawanka ruxayee Dareenkeyga kiciyee Suugaanta daabacan Maansadeeda dahabkaa Soo diray akhbaartoow, Inkastoon daldalan iyo Doodaha ka gaabsado Xaq difaac markay tahay Duullaankiisa kama haro Docdii aniga lay diro Inuu daad ka soo galo Dabcigaygu ma ogola, Darmaanteydu waa taas Koorihii dusheediyo Qalabkii dagaalkaba Mar horaan diyaarshee Dariiqeen mareynaa? Dadka kee is leedahay Daacad iyo wax garad iyo Damiir baa ku haray weli? Deelley dhasheediyo Doodwanaag ma tirinnaa? Danyar ma u hibeynaa? Dulman ma ugu baaqnaa? Kama taagna doodduye Xaggee diirad saarnaa? Docdee uga haggaagnaa? Maxaa dumay maxaa diday? Maxaa daqarro gaareen? Maxaa daafac naga raba? Daneystaha la sheegiyo Dabadhilifku waa kee? Dambigana ayaa galay? Su'aalahan is daba yaal Anigoo an kugu deeyn Asxaabtana u kala dirin Aan jawaab u doonee Mid mid iigu soo daa. Waxaa dumay dalkeennii Midkii dawladnimo iyo Mabda’ kala danbeyn iyo Dadweyniyo xukuumiyo Iskuul loo dareeriyo Dugsiyada culuuntiyo Danab iyo kumaandoos Mashaa’ iikh duceysiyo Mar lahaa dad maamula!! Saylac dacaladeediyo Awdal daafaheediyo Hargeysadaa dusheediyo Deegaankii Berbera iyo Burco dooxadeediyo Durukhsiyo Afweyn iyo Dusha Golis silsiladdii Ceeragaabo daankaas Laasqoray deggeediyo Laascaano dayr baa Dusha looga meershoo Qolaa tiri anaa degey Qaran dummayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Doonyaha rugtoodiyo Darka Beyla iyo Eyl Boosaaso lagu daray Qardho iyo Dangorayiyo Dooxadii Nugaal iyo Dusha Gaalkacyood iyo Degmadii Goldogob iyo Dalka bari kawada xiga Qolaa deyr ku ooddoo Nagu tiri anaa degey Qaran dummayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Docda Garacad hoosiyo Deegaankii Hobyoodoo Taariikho duuga leh Cadaadiyo Dagaariyo Dareemihiyo cawskiyo Dhulka geelu daaqee Gallinsoor ku soo dega Dabaroow kolay tahay Derri iyo dhul Ceelbuur Qolaa deyr ku ooddoo Nagu tiri anaa degey Qaran dummayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Beledweyn kusii durug Degga bari kasii aad Ha ku daahin Buulaay Deexdiyo Maxaas iyo Jalalaqsi duleedkiyo Buurane dariiqii Qolaa dayr ku oodoo Nagu tiri anaa degey Qaran dummayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Degmadeeda Cadaliyo Jawhar degelladeediyo Balcad daafaheediyo Daayniilihii kore Xamar daya dhammaanteed Waa ley dardaarmoo Anaa deyr ku ootoo Qolaa tiri anaa degey Qaran dummayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Dalkii beeraleydiyo Degmadii Afgooyiyo Daamaha Shabeelliyo Dihintii Qoryooleey Dalagyadii baxaayiyo Daldalaaddii muuskii Digirtiyo galleydii Daruurigii la cunijirey Qolaa deyr ku ooddoo Faliddii u diiddoo Nagu tiri anaa degay Qaran dummayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Buurkaba dalsamideed Durdurkii Ishii Baay Xudur duunyadeedii Dambarkii Tiyeegloow Illaa hawdka Diinsoor Qolaa dayr ku ooddoo Nagu tiri anaa degey Qaran dumayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Doolow ka soo gudub U durduri dhankaa Luuq Dibu soo majiiroo Garbahaarrey daaqeed Baladxaawo deriskeed Baardheeriyo dabaashii Jubba dacalladiisii Qolaa deyr ku ooddoo Nagu tiri anaa degey Qaran dummayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Degmadii Bu’aaliyo Dajuumiyo Sablaaliyo Dif halkeey ku taaliyo Dugaagiyo ugaadhii Duunyada la maaliyo Lo’da daaqsinkeedii Qolaa deyr ku ooddoo Nagu tiri anaa degey! Qaran dummayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Dekeddii Kismaayiyo Dalxiiskeedii Waamiyo Dooshii Jammaamiyo Dalkaloo an dhaafoo Danyartiisu badantahay Qolaa deyr ku ooddoo Nagu tiri anaa degey Qaran dummayna yeelkii Qolaa diiddan taasoo Iga durug iddaa iyo Damdam aan dhammaan iyo Doodaa ka jira weli! Dulucdiyo ujeeddada Waxaan uga dan leeyahay Dalkii waa burburay oo Degma kasta qabiil baa Ka sameystay doqoshyoo Ku dahaaray xeyndaab, Dabbaabaad wax guba iyo Hubna loo dalbaayoo Duul kale masruufaan Maatada dayacan iyo Deriskana u xoog weyn. Waxa taa ka sii daran Dal galbeed xorayn iyo Diridhaba la sheegtiyo NFD-ii warkeed daa Gabbal baa u sii dumay, Halkay door u hiilliya Dadaal kale sugaayeen Duufaantiyo dhibaatadu Docdeenneyba uga timid Danna seeto weeyee Darxumada aqbale oo Gumeystihii dilaayeey Kuba sii durkaayaan!! ***************** Waxaa diday dadkeennii Da’yartiyo barbaartii Duqeydiyo waxgaradkii Dumarkiyo caruurtii Wax diyaarad qaaddiyo Wax dabaal badaha maray Ama doonni lagu guray Dabadeedna laga rogay Lagu daadshay halisoo Dib dambana an loo arag Dalandoolka qaarbaa Saxaraha ku daaloo Dirgix socodka gabayoo Dad usoo gurmada iyo Wax daneeya waayoo Dabadeed dhurwaa cunay Ama oon la dabargo’ay Badhna dalal shisheeyiyo Kuwi ina dabaayee Dacdarada nabaday baa Iska daabulanayoo Ugu deeqay gogol iyo Doolar quutulyoonoo Dameeraha sidoodii Ama dibi bal loo dhigay Wayska daaqayaanoo Maba digigaxanayaan. Darka haree gudaha jira Dabley bay u badanyiin Dayday iyo dadqalatiyo Duqa amarka siiyee U dirsada colaadiyo Mid ku daba dugaaloo Marna daa an oran karin Dockayeer munaafaqa. Dumar iyo caruur iyo Duqoowshiin fariistiyo In yaroo damiir liyo Xoogaa diinta weli raba Meelkastana dab loo suray Lagu didiyey ******** Iyaguna ducfiga galay Nafta dooji mooyee Iska daayey hawl iyo Qaran dihashadiisii. Sida doontii socotee Dusha kuwii ka saarraa Markey biyo u diideen Hoosta qaar daloosheen Oon daaya lagu oran Illaa idil la wada degay, Dockastood ka eegtaba Dadkii qarankan baylahay Midkii dibadda aadiyo Midkii daakhilkii jiray Dumar iyo raggiisii Duqey iyo saqiirriyo Digtoor iyo askari iyo Dublamaasi koley tahay Dawakh baa ka muuqdoo Daqarraa ku yaalloo Dubbaa madaxa uga dhacay Dhiigna waa ka da'ayaa Ee yaa dambiga galay Ooy diyo u haystaan?!! ***************** Dadkii qaranka dhaliyoo Isku daranka keenoo Dastuur lagu heshiiyiyo Xeer kala dabaaliyo Aan dhigin diiwaan qaran Diintana an nagu hagin Miyaa galay danbiga weyn? Ma duqii kacaankiyo Dawladduu xukumayee Digdigtiyo sawaxankii Diktaatoor u heeskii Qabiil duugistiisii Dad u sacab tummeenoo Daacad runa u qaateen Kuwii xume ku diidee Dariiq saxa tilmaamee War ka daa yiraahdiyo Culumaa' u diinkii Daldalaadi loo qoray Danbi laga kasbaday baa Dib ka soo butaacoo Ina baday darxumadaan? Baladii la duugiyo Digo hoos ka nooleyd Daacuunay dhaleen iyo Dawdowle saaqida Dabadhilif hargaantiya Dayday aan wax reebeyn Duub aan xishooniyo Oday dibad ka yimidoo Ilmihiina daabulay Isaguna ku daba jira Ismadooriyaalkaas Miyaa galay danbiga weyn? Digtoorkiyo sargaalkii Ducufada waxeediyo Ku dallacay canshuurtee Qabay deymahoodee La lahaa duruufaha Marku xaalku daranyahay Duruustii la siiyaa Xoogaa ku soo duxin Oo way nadaba qaban Iyaguna dufooboo Duuflaale yaashiyo Ma damqadaha liitiyo Dullaal iyo mallaal iyo Darbi jiif u kala baxay Miyaa galay danbiga weyn? Culimada dagaagtee Iska diiday samahee Dadka aan dhexgalinee Ganacsiga ka door biday Ama inay dawaafaan Dubaay iyo Khaliijkee Dukaanada camirayee Ragga duubka waaweyn Shaariqa la degay qaar Dalkoodiina daayacay Miyaa galay danbiga weyn?. Mise Diin naceybkiyo Xil daneyn la’ aantiyo Sako diid an baraniyo Duudsiga kan liitiyo Dadweynaha xaqiisiyo Iska doogso maalkiyo Dalxiis kama dhargaankiyo Dulmi wixii arlada yiil Dadka qaar ku faanee Qaarna diidi karinoo Dantu aamus ay tiri Ayaa dumiyey qarankoo Dambigaba u aabbaa?!!! ******************* Damqadaye dhulkaygow Kheyraadka dihin iyo Nimcadii dushaadee Daa’in kugu manneystee Doqon ruux ah mooyee! Aan laga dayoobeyn, Dadkaagiina uu yahay Mid ku diirtay oo cunay Dubaaxdiyo jirkaagii Mid ku deyrshay oon arag Diihaalka kugu yaal Iska diiday gobannimo Dulligana ku qaanacay Kuma deyn karaayoo Mana daahsan karayoo Waqti bay dirqinayee Dawadaadu waa maxay Sideen kugu dabiibaa?! ****************** Bal waxaan deydayayaa Geesi maanta duubtoo Karti Rabbi ku deeqiyo Mid damiir ku harayoon Daxaleysan laabtoon Qabiil duugin araggoon Iimaanka laga dedin !. Bal waxaan daydayayaa Mid dalkiisa jecel oo Mid dadkiisa raba oo Mid dayuuska neceb oo Dabka kuwa afuufiyo Midka dira diraha wada Beelaheenna kala dila Dabadhilifka aan siin Doolar uu ku hawl galo! Bal waxaan daydayayaa Aqoon yahan dahsoonoo Dagaalkii sokeeyiyo Dabkii ehelka lagu shiday Damintiisa kara oo Dadku aaminaanoo Dar Ilaaheey noo haga. Bal waxaan deydayayaa Sarkaal daacadoo weli Dalkiisii ku weynyahay Darajaduu lahaan jiray Dib usii gocanayoo Dagaal uu u galo iyo Aan ka daalin kheyrkoo U diyaara qarannimo. ****************** Balse waxaan ka digayaa Qofkii dawladnimo iyo Dadnimiyo wanaag raba Waa inuusan daah iyo Dib ugurasho laasimin Dangiigsina ku sheekeyn Dad kalana ka sugin hawl Waxaan kaloo ka digayaa Deg deg iyo xawaariyo Qorshe lagu daneystiyo Damdamliyo Afmiinshaar Danta guud ka door bida Danihiisa gaarka ah. Kaba daali maayee Waxa iga dardaarana Dooddana kusoo xiray Midkii ciil diloodow Waxan soo dareershiyo Dhaxalkaa daneeyow Dullinnimo ka kacayow Daacaddoy ku soo durug, Ninkii diida yeelkiis Dabadhilifku yuu iman ***** daaman weyn iyo Maangaab dan haw gelin Hayska debed wareegee. Intaas waxaan ku darayaa Dad islaama baan nahay Ilaah baa na daabacay Isagaa na dilayoo Dibna noo unkamayee Waa inaan dadaal iyo Daacadnimo ogaannaa Waa inaan ducada badan Rabbi ugu dadaalnaa Wixii naga dahsoon iyo Wixii naga dambeeyee Dadku aysan weli arag Cilmi qeybka loo degin Loona daayo Mowlaha. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon. Mansha Allah ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Bakar Posted November 9, 2004 Waa gabay wanaagsan! waxase lgarabey in aad inoo jilcisid kistoo yar iyo inaad usso postgareeysid kistoo kistoo, haddi kale waa lagu wareere. waak kumahatsantyahy gabeyga Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faheema. Posted November 9, 2004 ^^^ naa heedhe do you know how long it took me to read that? :eek: It was worth it though Nice piece of poetry. Originally posted by Ameenah: Bal waxaan deydayayaa Geesi maanta duubtoo Karti Rabbi ku deeqiyo Mid damiir ku harayoon Daxaleysan laabtoon Qabiil duugin araggoon Iimaanka laga dedin !. Bal waxaan daydayayaa Mid dalkiisa jecel oo Mid dadkiisa raba oo Mid dayuuska neceb oo Dabka kuwa afuufiyo Midka dira diraha wada Beelaheenna kala dila Dabadhilifka aan siin Doolar uu ku hawl galo! Bal waxaan daydayayaa Aqoon yahan dahsoonoo Dagaalkii sokeeyiyo Dabkii ehelka lagu shiday Damintiisa kara oo Dadku aaminaanoo Dar Ilaaheey noo haga. Bal waxaan deydayayaa Sarkaal daacadoo weli Dalkiisii ku weynyahay Darajaduu lahaan jiray Dib usii gocanayoo Dagaal uu u galo iyo Aan ka daalin kheyrkoo U diyaara qarannimo. Ana intan baan ku dari lahaa Bal waxaan daydayayaa Mid dulqaad badan Mid damiir leh Mid dabeecad wanaagsan Mid diinta ku dhaqma Oo aan qabiil ku daan daansan dadka Mid kula dadaala sii dalka iyo dadka loo dajin lahaa Dib u socodku waanka ina dumiyee Ilahy ha ina soo daweeyo Amiin *** Wonders why the sudden urge to rhyme :confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 9, 2004 Wonderfull! Thnx Ameenah for posting. Shayma, good try Nabadoon! what a name! Here is another quote from the same geeraar: Dulucdiyo ujeeddada Waxaan uga dan leeyahay Dalkii waa burburay oo Degma kasta qabiil baa Ka sameystay doqoshyoo Ku dahaaray xeyndaab, Dabbaabaad wax guba iyo Hubna loo dalbaayoo Duul kale masruufaan Maatada dayacan iyo Deriskana u xoog weyn. Waxa taa ka sii daran Dal galbeed xorayn iyo Diridhaba la sheegtiyo NFD-ii warkeed daa Gabbal baa u sii dumay, Halkay door u hiilliya Dadaal kale sugaayeen Duufaantiyo dhibaatadu Docdeenneyba uga timid Danna seeto weeyee Darxumada aqbale oo Gumeystihii dilaayeey Kuba sii durkaayaan!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted November 9, 2004 Ameenah, thank you for posting the poem. I think the 'Dood-wanaag' thread is on-going. It is currently documented in Somalitalk website. A host of young composers are contributing to it. Its the Deelleey of our time. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Blessed Posted November 9, 2004 ^^It's cool init? Originally posted by Bakar: Waa gabay wanaagsan! waxase lgarabey in aad inoo jilcisid kistoo yar iyo inaad usso postgareeysid kistoo kistoo, haddi kale waa lagu wareere. waak kumahatsantyahy gabeyga lol@ Inatanu waa hordhicii threadka. Adna daal baad ka hadleysaa, damn. Madaama aad ka qeyliseen; indinku doonta hadaad rabtaan. Shaymaay LOL! Odeyaashii loo jibiinayey tanaa ka danbeysay. Ilahay hakaa aqbalo sis:) Baashe ohMYGod. Dare I say this is your dream poem. Had I known you were lurking around here.... Pleasure all.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
raula Posted November 10, 2004 SHAYMA Ana intan baan ku dari lahaa Bal waxaan daydayayaa Mid dulqaad badan Mid damiir leh Mid dabeecad wanaagsan Mid diinta ku dhaqma Oo aan qabiil ku daan daansan dadka Mid kula dadaala sii dalka iyo dadka loo dajin lahaa Dib u socodku waanka ina dumiyee Ilahy ha ina soo daweeyo Amiin ana igu dar mandhay aheey... Miid aan isla duulduuli karno Miid aan daawashadiisa ka daalin Miid daawo ii noqdoo ee qabliga ii dhiiso Miid dareemo reerkiisa daryeelkooda Miid daarti ilaahi iguu wanajiiyo Miid dar ale uu dagenoo dantisa garaanayo, diyaar uu ah wada jir daa'in ah dulqaad badanoo..dhulka hai dhigin hadii kale waxaan lahaa..haye xagee ka dayaa, dalmaroo dhibka iyo qaxaarka aan kuuso marey dan la'aanta ihaayeso daraada aan uu dhuubtey/macaluuley dhabanadii baa ii dumeen dhabarkii baa ii jabaay dareenkii baa iga tagey miyiirkii baa iga duuley sidii aan kugu dikrinaaye ma dooni inaan kaa dabaordo? mandhow waan kugu daale soo dulwareego, dhabta igu qaboo,ii daadihii hope you enjoyed my crude version. MEENAH-nice poem sis-thx Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted November 10, 2004 That truly was a poem. Who knows maybe it can be our version of the Star Spangled Banner. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faheema. Posted November 10, 2004 LooL Raulaay ishaad ka tuurtay….waah waah laakin saancadaaluhu (in this case saan-madow) muxuu qabanayaa muu kuu soo gurmado, waadigan qalalee sidii geed haraadsane Ameenaay Taa adigaan kugu haleenaayey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Rahima Posted November 10, 2004 Thanks Ameenah . At the very least, this was a great achievement for myself- longest Somali poem that I have ever read. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted November 10, 2004 Reading this poem gave me a serious headache, far too long (even though the subtle “beat†of the rhyme kept me going for a bit). As is usual with long Somali pieces I understood some of it but missed the meaning of most (seem to have got the general point though). Sorry Raula and Shayma, I would have loved to comment on your funny (are they?) attempts at poetry but I didn’t read them. I’m poet-ed out for one day. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Muhammad Posted November 10, 2004 waw - I'm speachless! thanks for sharing it sis Ameenah! reading these kind of poems, and knowing there are men like brother NabadDoon out there - sometimes makes me want to just shut up and save my breath. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 10, 2004 Originally posted by Ameenah: Baashe ohMYGod. Dare I say this is your dream poem. Had I known you were lurking around here.... Pleasure all.. [/QB] Too late Ameenah , you've already made my day That was good one. Quote Share this post Link to post Share on other sites