Sign in to follow this  
General Duke

Geedi Sharif Ahmed our two new Presidents at the same time

Recommended Posts

Jahwareer ka taagan halka doorashada m/weyne ey ka dhici doonto

 

Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 20-Janaayo-09

 

 

Warar is bur burinaya ayaa ka soo baxaya goobta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay isugu tagayaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee tiradiisu gaareyso 275-ka xubnood .

 

Xildibaano la hadlay wargeyska Alsharqul Awsat oo ku kala sugan Baydhabo iyo Nayroobi ayaa tibaaxay in ay ku jahwareersan yihiin goobta ay ka dhaceyso doorashada iyadoo daldalolada dhanka amaanka ee ka jira Baydhaba ay shakiyo badan keenayaan .

 

Mas`uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo IGAD ayaa horay waxaa ugu soo yeeray suura galnimada ah in dalka Jabuuti la aado halka xildibaanada qaarkod qabaan in Baydhaba lagu qabto .

 

Madaxweyanaha 30-ka ahna gudoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa gaashaan u daruuray in kulanka doorashada madaxweynaha ka dhaceyso dalka jabutri ee la dariska ah Soomaaliya .

 

"Cid go`aamin karta ma jirto halka baarlamaanka ku kulmayo aniga ayay ii taal horay waxaan ugu baaqay in Baydhabo la isugu yimaado", sidaa waxaa yiri Aadan Madoobe .

 

Xiliga la qaban lahaa doorashada madaxweyne ayaa waxa ka harsan maalmo yar waxaana taagan musharaxiin badan , lamana saadaalin karo cidda ku fariisaneysa kursiga wareega ee aan salka dhulka dhigin ee madaxtinimada Soomaaliya .

 

Xigasho: http://www.asharqalawsat.com/details.asp?

 

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)

ossmanfantastic@hotmail.com

Calanka News Deck

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamaanka federaalka oo sheegay in 26 bishaan la dooranayo madaxweyne iyo mucaaradka oo iyaguna sheegay in isla waqtigaas lagu dooranyo jabuut

Posted to the MOL January 20, 2009, 10:34 am

 

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka ayaa xildhibaanada isugu yeeray magaalada Baydhabo si loo doorto Madaxweyne uu dalka Soomaaliya yeesho

 

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka kmg Cusmaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay isugu yeereen dhamaan xildhibaanada baarlamaanka si 26-ka bishan loogu qabto doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Boqore ayaa sheegay in ay horay u dhiseen gudiga doorashada oo uu tilmaamay in haatan sida sharciga ah ay doorashada qaban qaabinayaan

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka ayaa intaa ku daray in aysan waxba kala socon doorashada lagu wado dalka Jabuuti,waxaana uu sheegay in illaa haatan aaneey heyn fariin dhab ah oo loogu yeerayo inay ka qeyb galaan.

 

Dhanka kalle madaxa wadahadalada ee isbahaysiga dib uxoraynta ayaa ka digay dhaqdhaqaaqyada xildhinaabadu ku dooranayaan madaxweyne cusub wuxuuna sheegay sheegay in taasi ay kala fogaynayso howlihii dib uheshiisiinta wuxuuna intaasi ku daray in 26 bishaan madexweyne lagu dooran doono dalkaasi jabuuti.

 

waxaa muuqanaysa kala fogaansho iyo ismaandhaaf xoogan oo udhexeeya dhinacyadaasi ayadoon aysan muuqan hab lagu xalinayo khilaafkaasi.

 

Rabiile Cabdikariin Gabanow

 

 

Mudugonline.com Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this