Sign in to follow this  
Liibaan

Next Prime Minister of Somalia ...

Recommended Posts

Liibaan   

Madaxweyne Shariif oo Sirta u dhoofay isagoo aan magacaabin Ra’iisul Wasaaraha cusub.

 

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalasda Sirta ee dalka Liibiya,

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir madaxeedka dalalka Carabta, waxaana haalkaasi horey u sii joogay wefdi ka socda dowladda KMG ah oo si hordhac ah u sii joogay magaalada Sirta.

Madaxweyne Shariif oo la filayey shalay iyo maantaba inuu magacaabo ka hor ambabixiisa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda cusub ayaa taasi dib u dhac ku timid, waxaana lagu wadaa inuu ku dhawaaqo marka uudib dalka ugu soo laabto sida uu noo xaqiiyey Agaasimaha warfaafinta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Khaliif Xaashi.

Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay qaar ka mid ah siyaasiyiinta dowladda ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweyne Shariif uu dib u dhigay magacaabidiisa kaddib markii ay kulan la qaateen waqti yar ka hor xilligii laga filayey ku dhawaaqidda Ra’iisul Wasaaraha xildhibaanno, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda heybta Siyaasiga cusub ee la hadalhayey inuu ku dhawaaqo kaasoo lagu magacaabo Cabdi Faarax loona yaqaano (Saacid). Beesha ********* oo uu siyaasigaasi ka soo jeedo ayaa inta badan siyaasiyiinta iyo dhaqanka beeshaasi ee muqdisho ku sugan waxay ka soo horjeesteen magacaabidiisa, kuwaasoo si weyn ugu ololeynaya Siyaasiga Cabdiwaaxid Cilmi (Goonjeex), waxayna ku doodayaan ineysan waxba ka garaneyn Siyaasiga lagu magacaabo Saacid, balse ay si aad ah ula dhacsan yihiin hoggaanka Cabdiwaaxid Goonjeex, sidaa daraaddeed ayay uga digeen Madaxweyne Shariif inuu ku degdego magacaabiddaasi.

 

Siyaasigan doonaya inuu markii ugu horreyaya ka soo dhexmuuqdo saaxadda siyaasadda Soomaaliya ayaa la sheegay iney gadaal ka riixayaan dowladda Itoobiya iyo siyaasiyiin kale oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Barlamaanka Sahriif Xasan Sh. Aadan, Wasiirka Amniga Axmed Cabdisalaam iyo Wasiirka Qorsheynta Mustaf Dhuxulow, laakiin lama saadaalin karo waxa ay ku soo kordhin doonto mowqifka madaxweynaha oo isaga qudhiisa doonistiisii hore lagu sheegay inuu ku niyad samaa magacaabidda qof wax badan ku soo dhexjiray siyaasadda dalka isla markaasna dalka ku sugnaa xilliyadan kala guurka oo dhan.

 

Waxaa jira mushaarraxiin kale oo iyagu u heellanaa qabashada xilkaRa’iisul Wasaarenimada, kuwaasoo badankooda ka soo jeeda beelaha *******, gaar ahaan beesha **********, baalse Shariifka ayaa markan u muuqda mid isbeddel sameynaya oo doonaya in markan uu xilka xukuumadda u dhiibo beesha ********* oo noqoneysa markii ugu horreeysay oo ay xil noocaan oo kale ah helaan.

 

Xafiiska Wararka Dhacdooyinka Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this