Sign in to follow this  
Liibaan

Next Prime Minister of Somalia ...

Recommended Posts

Liibaan   

 

Names mentioned so far : -

 

1. C/kariin Xasan Jaamac

 

2. Masalax Maxamad Siyaad

 

3. C/waaxid Cilmi Cumar [Goonjeex]

 

4. Maxamed C/risaaq Abuukar

 

5. Siciid Jaamc Cali [Qorsheel)

 

6. Ali Jangeli

 

7. Dr. Ali Fatah

 

8. Khalif Isse

 

9. Prof C/risaaq Jurile

 

10. Siciid Deni

 

11. Muxyadiin Cali Yuusuf

 

 

 

 

2_OCT_2010.jpg

 

 

condidates-620x330.jpg

 

Candidates for the first minister increase in Mogadishu

 

DJIBOUTI (Keydmedia.net)-candidates standing for to fill post of prime minister of the Somali transitional federal government headed by President Sheikh Sharif Sh. Ahmed, increased the latest days in the capital Mogadishu, after the resignation of former prime minister Omar A/Rashid Ali Sharma’arke.

 

There are large campaigns which the candidates who are standing for the vacant post of the first minister, carry on by giving speech to the local and international media and promising what they will do if they are elected to that responsibility.

 

The candidates are five in number up to now and possibly the number may rise to ten as there are also tribes having meetings to which they plan to get the post to a man of their own clan and calling president Sheikh Sharif to consider them and informing him their right for their politicians to be appointed.

 

The acting Prime Minister Abdi-weli Ibrahim known as Gonjeh, Mohamed A/risak Abukar from UNPOS officials, A/karim Hassan Jama’, director of the presidential palace, Prof. Mohudin Ali Yusuf, expert for education affairs and Sa’id Jama’ Korshel, and veteran for sport affairs are all hoping to be nominated to the next Somali prime minister post.

 

Somali interim president Sharif Sheikh Ahmed traveled to the United States of America where he had attended UN summit in New York and international contact group conference in Madrid of Spain last month and international community confirmed the seriousness of Somali situation and called for president Sharif to name the prime minister quickly.

 

Mr. Ahmed reached neighboring country of Ethiopia and met Ethiopian Prime Minister Meles Sanawi and equally Mr. Meles urged Sharif to choose the prime minister quickly and Sharif’s travel concluded in Djabuti where he had talks with the authorities of that country and he returned home back.

 

However the choice to nominate the second prime minister is shared by international community and Somali president although the announcement which the final step is will only be particular one for President Sharif Sheikh Ahmed.

 

The candidates which are possibly expected to appointed are both the acting prime minister Abdiweli Gonjeh and Sa’id Jama’ Korshel who arrived in Mogadishu yesterday

although there might be other candidate that is not among above ones to be nominated as international community have great influence about Somali political issues and would dictate for Somali heads every thing they (international community) like and the individual should be whom they are satisfied with.

 

By: Nero - Keydmedia.net Correspondent

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Candidate from SSC Region of Somalia

 

 

Dr-kareem.jpg

 

 

Faroole: Hadii Dr: C/Kariim Ra’iisal Wasaare loo magacaabo Anagu waanu goosanaynaa, iyo Warbixin dheraad ah.

 

 

Tan iyo intii uu iscasiley Ra’iisal Wasarihii dawaladda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke, waxaa soo baxayey warar kala gedisan oo ku aadan cida loo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha beddeli doona Cumar C/Rashiid.

 

Waxaana dadka ugu cadcad loona filayo in qalinku ku dhaco ka mid ah Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, oo ah agaasimaha guud ee Madaxtooyada ahna lataliyaha madaxweynaha ee dhanka Siyaasada.

 

Ilaa iyo intii uu saxaafada soo galay Dr: Jaamac, ayaa waxaa dhanka kale soo xoogaysanayey dedaalka ka imaanaya dhanka maamulka waqooyi barri ee uu hogaamiyo C/Raxmaan Faroole. Waxaana la sheegay in Mr Faroole oo suxul duub ugu jiro sidii aanu xilkaas marnaba u qabteen Dr: C/Kariim oo ka soo jeeda deeganada SSC, Wuxuna isku dayey in uu arintan ka hor istaago madaxweyne Shariif mar ay ku kulmeen maagaalada Adis Ababa oo fadhi u noqotay Faroole beryihii u danbeeyey.

 

Madaxweyne Faroole ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in uusan dooneyn in la magacaabo nin aan ka soo jeedin gobolada waqooyi barri asagoo weliba afka ku dhuftay Nugaal, Mudug iyo degmada Qardho. Wuxuuna ku hanjabey Mr: Faroole in ay gooni goosad ku dhawaaqi doonaan hadii la magacaabo shakhsi ka soo jeeda SSC.

 

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Madaxeyne Shariif ayaa arintan si weyn uga horyimid, una sheegay Faroole in arintani ay tahay Awood dastuuri ah Madaxweynuhu xaq u lee yahay in uu soo magacaabo shakhsigii uu u arko in uu dalkan Hogaamin karo. Waxaa la sheegay in Faroole uu shaagay hadii goboladaasi ay waayaan Ra’iisal wasaaraha ay taas micnaheedu tahay in maamulkiisu uusan ka mid noqon doonin Federaalka. Waxaana la sheegay in Madaxweyne Shariif uu arintan aad uga la yaabay, isla markaana uu u sheegay in ay ka turjumayso in waxii Puntland la dhihi jirey lagu kala baxay.

 

Faroole oo adeegsanaya xubnaha beeshiisa ee ku jira Barlamaanka Federaalka ah ayaa waxay wadaan dhaq dhaqaaq xoogan oo ay uga soo horjeedaan Dr: C/Kariim Xassan Gabaydhe oo ay ku Eedeeyeen in uu yahay nin SSC ah isla amrkaana taageersan in dadka deegaanadaasi ay taladooda u madax banaanaadaan, wuxuuna sheegay Faroole in arinta ay uga soo horjeedaan C/Kariim ay tahay qadiyada uu aamisan yahay ee SSCnimada ah.

 

 

Dr: C/Kariim waa kuma?

 

 

Dr: C/Kariim Xassan Jaamac, waa Aqoonyahan wax ku soo brtay dalka Maraykanka, wuxuu tagay dalkaasi wakhtigii ay jirtay dawladda Soomaaliya wuxuuna halkaas u aaday waxbarasho, Dr: C/Kariim wuxuu sitaa shahaadada u danbaysa aqoonta maadiga ee PHD-da loo yaqaana, wuxuuna ku qaatay Maamulka iyo maareynta oo ay ku la dhan tahay siyaasadu, wuxuu sidoo kale yahay nin aad uga dhisan dhanka Aqoonda diinta Islaamka, wuxuu madax ka noqday Ururka Islaamka ee dalkaasi Maraykanka.

 

Kaasoo maamula maasaajidada ugu waa weyn ee dalkaasi, iyo kuwa ku yaala Washingtond DC, Wuxuu sidoo kale mudo badan ka shaqeeynayey Safaarada Sucuudiga ee dalka Maraykanka, Dr: C/Kariim dadka yaqaana waxay ku tilmaamaan nin degan, Shaqo badan isla amrkaana Kartidiisu ay tahay mid aad u saraysa, Waxaa kaloo lagu sheegay nin xishood badan, isla markaana meesha ama xafiiska uu ka shaqeenayo ka soo Dhalaala, Wuxuu sidoo kale hada yahay Dr: C/Kariim La taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ahna Agaasimaha guud ee madaxtooyada.

 

Dr: C/Kariim waa nin ka keliya ee sida daacadnimada ah ula shaqeeyey Madaxweyne Shariif intii u xilka hayey, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin aan xaasidnimo ka muujin shaqada iyo la talinta Madaxweynahaba. Wuxuu sidoo kale ku caanbaxay in uu ka dhigay aqalka Madaxtooyada mid hakayl dawladeed iyo kala danbeyn leh, Aqalka oo wakhtigii Dawladii C/Laahi Yuusuf ahaa mid isku dhex yaacsan, shaqaaluhuna ay ahaayeen kuwa xataa ku dhex qayila Villa Soomaaliya, ayaa hada uu yahay mid ka mid ah Madaxtooyooyinka Afrika ugu nadaamka fiican.

 

Dr: C/Kariim waxaa sidoo kale lagu sheegaa nin aad u qaddiyad wacan, wadinayadiisuna ay tahay mid aad u weyn, wuxuu sidoo kale ka dhex muuqdaa dhamaan kulamada madaxweynuhu la yeelanayo Beesha caalamka iyo dalalka deriska ahba, sidoo kale wuxuu aqoon dheeraad ah u lee yahay beesha caalamka oo uu madaxweynaha Markastaba ku weheliyey safaraduisa debeda oo dhan.

 

 

Wararkii ugu dabeeyey?

 

 

Wararkii ugu danbeeyey ee magacaabista Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaysa in weli DR: C/Kariim yahay magaca liiska Madaxweynaha horyaala ugu sareeya. Wuxuuna Dr: C/Kariim yahay nin aad ugu xidhan xubnaha Barlamaanka Federaalka, wuxuu sidoo kale kaga duwan yahay siyaasiyiinta kale ee daneenaya jagadan asagoo xildhibaaada barlamaaka qolo kastaba cid ka wata. Halka kuwa ka soo horjeedaa ay wataan,xubno beelahooda keliya ka soo jeeda. Waxana la sheegay in madaxweyne Shariif weli uu qalinka dabadiisa hayo, walow siyaasadu daqiiqadkasta is bedeli karto.

 

Isku soo wada duubo, dhaq dhaqaaqa ka socda Villa Soomaaliya caawa oo madaxweyne Shariif dib ugu laabtay, ayaa ah mid aad u sareeya, waxaana arintan ka soo yeedhay Faroole ay dib dad badan u xasuusinaysaa weedhihiisii uu jeediyey sanadkii 2009kii markii uu si cad u yidhi.” Hadii Sh Shariif magacaabo mas’uul ka soo jeeda deeganada SSC, Caabudwaaq ama Galdogob, aqoonsan mayno dawladda Jabuuti lagu soo dhiso, Waxaana Faroole lagu tilmaamay ninka keliya ee aan qabyaalada iyo dhinac u xaglinta qarsan weligiis.

 

 

Ibrahim Mohamed Hirsi.

 

Riinji.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Candidate from Puntland Region of Somalia

 

 

maxamed-300x163.jpg

 

 

Xog hoose oo aan helneyarka:- Mohamed C/risaaq Abubakar oo qarka u saaran inuu noqdo Ra´iisalwasaaraha Soomaaliya

 

Maxamed C/risaaq Abubakar ayaa ah Ruuxa sida aadka ah uga dhexmuuqda Musuuliyiinta Haatan u Taagan in ay Noqdaan Wasiirka koowaad ee Dowladda KMGS waxaana Si baahsan iyo si hoosaba Soomaalidu u Hadal Hayaan Murashaxa ugu Cad cad Xiligan in uu Masuulkan Yahay .Siyaasiyiinta Iyo Dadka ka faalooda Arrimaha siyaasadda ee Soomaaliyana waxay Tibaaxeen Shakhsiga loo gelbin doono Xilkan inuu yahay Mr Mohamed Abdirizak Abubokar.

 

Mohamed Abdirizak waa kuma Waase Qof caynkee ah ?

 

Maxamed C/risaaq waa 40 jir ku dhashay Magaalada Caasimadda u ah Soomaaliya ee muqdisho/Xamar waxna kusoo bartay Dalka iyo Dibedda intaba. Waa wiil Wasiir dhalay oo Aabihiis C/risaaq waxaa uu muddo dheer ahaa Wasiirkii waxbarasha ee Dowladihii Soomaaliya .

 

Aabihiis Wuxuu shaqo lama ilaawaan ah iyo Abaalba u Galay Dadka iyo Dalka Soomaaliya isagoo lahaa Fikirkii ka dambeeyey In dalka lagu baahiyo Afka soomaliga dejiyeyna Ajande sheegayay in ay Ardayda ka baxa Dugsiyada dhexe iyo sare ay Dadka Gaarsiiyaan Afka Hooyo Muddo Halsano ah ka hor inta aysan Jaamacado Gelin Taasi oo Runtii Tiirdhexaad u Noqotay Afka hooyo ee Maanta aynu Intifaacsanayno.

 

Maxamed Markii Tacliinta ilaa Dugsi sare Muqdisho ku dhamaystay waxaa uu Waxbarasho u aaday Dalka Pakistan oo uu ku dhamaystay Jaamacadda Beeraha iyo Wax soo saarka Dalaga ka hor Burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaalya.

 

Intaasi Kaddibna Markii Dowladdii dhacday wuxuu u Hayaamay Wadanka Maraykanka oo kasii watey Waxbarashadiisii waxaana Bartay Xiriirka Caalamiga ah Isagoo ka Qaatay Shahaadada la yiraahdo Master-ta.

 

Maxamed waxaa uu Lasoo shaqeeyey United Nationka ( UN) ,Hay’ado kale oo Heer Caalami ahna waa uu lasoo shaqeeyey Isagoo kala shaqeeyey Badannkooda Arrimaha Soomaaliya.

 

Waxaa uu Maxamed Cabdirisaaq ayaa qeyb muhiim ah waxa uu kasoo qaatey shirkii dib u heshiisinta ee lagu dhexdhexaadinayay dowladda federalka iyo kooxihii Mucaaradka ee ARS, isagoona la shaqeyay guddiyada kala duwan ee siyaasadda iyo Amaanka sidii la iskugu dhaweyn lahaa.

 

Waxaa kale oo uu Maxamed lasoo shaqeeyey Dowaladii KM ka ahayd ee uu Hormuudka ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed Isagoo Qayblibaaxle kasoo qaatay Waayo Aragnimana ka dhaxley waayaha Burburka.

 

Ugu dambayntii Maxamed waxaa uu ku Biiray Sanaddii 2008 da Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee la yiraahdo UNPOS Kaasi oo ilaa Imika uu Ka hawlgalo.

 

Maxamed C/risaaq waxaa uu ilgaar ah ku hayey Tan iyo Markii la yagleelay Dowladdan ku Meel gaarka ah Middaas oo ka dhigeysa in uu waayo Aragnimo U leeyahay Gadgadoonka Siyaasadda Soomaalyana Lana socdo waxa Horyaala Marka uu Tago Xafiiska Raysalwasaaraha ee Soomaalya.

 

Madaxweyne Shariif oo Hadda dalka dibadda uga Maqan ayaa la Xaqiijey In ay Soo gaareen Qoraalo faro badan oo lagula talinayay In xilka Ra’isal wasaaraha dowladiisa u magacabo Maxamed Cabdirisaaq, iyadoo ay beesha caalamka iyo siyaasiyiin faro badan aaminsanyihin in uu wax badan ka badali karo howsha dowlada oo Leel leel ahayd Tan iyo Markii la yagleelay Sanaddii 2009 ka.

 

Docda kale sheikh shariif iyo Maxamed C.risaaq ayaa la wariyey inay Xiriir wanaagsan lahaayeen iyagoo is Bartay 2008 dii Markii uu socday shirkii Lagu doortay Shiikh shariif oo ay soo Qaban qaabisay Qaramada Midoobay Howlwadeen iyo eegayaalna ay ka ahaayeen Rag uu ka mid yahay Ahmedou wold abdalla oo ay Xayndaab ku wada jireen Murashaxan Imika Maxamed C/risaaq waxaana la sheegay in ay Kollal Badan oo ka dambaysay Kulmeen shariif iyo Maxamed.

 

Hassan F. Gudal

 

Nairobi-kenya

 

Pundlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Che,

Of course there will be no secession, but Faroole is allergic to SSC, so it will not be surprise if Faroole cuts ties with TFG like Arta in 2000

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Candidate from Gedo Region

 

 

C/waaxid cilmi Goonjeex: Mas'uul mudan in loo magacaabo jagada R.Wasaaraha

 

 

Taageerid_Goonjeex_00.jpg

 

 

Md. C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo ah K/S jagada Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah ayaa noqday mas'uul sida bisha oo kale uga muuqday waxqabadkiisa dhammaanba magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, kaddib markii muddo ka yar hal bil oo xilkaasi uu u magacaabay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed Dowladda KMG ah ay ku tallaabsatay guulo aanay gaarin tan iyo markii lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

 

Horumarka ay Dowladda KMG ah ku tallabsatay kaddib markii xilka K/Simaha Ra'iisal Wasaaraha loo magacaabay C/Waaxid Cilmi Goonjeex in Dowladda KMG ah ay guulo ka soo hoysay dagaallo ay kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam kula gashay wadada Warshadaha, waxaana sidoo kale noqotay arrinta aadka loola yaabay inay meesha ka baxday dabeecad horay looga bartay ciidamada Dowladda oo iyagu had iyo goor dib uga laaban jiray aagagga dagaalka.

 

Sidoo kale ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo Dowladda KMG ah ka caawinaya sidii ay ula wareegi lahayd magaalada Muqdisho ayaa iyana sameeyay isbedel aan horay looga baran, iyagoo horay ugu durkaya fariisimaha ay ka bixiyaan kooxaha mucaaradka ah taasi oo toddobaad la soo dhaafay aad u yareysay waxyeelada rasaasta iyo madaafiicda habowga ah u geysaneyso dadka rayidka ah.

 

Isbedelada laga dareemay ciidamada Dowladda KMG ah kaddib markii uu is casilay Cumar C/rashiid oo ahaa Wasiirkii koowaad isla markaana Madaxweynaha uu xilkaasi Kusime u magacaabay C/Waaxid Cilmi Goonjeex waxaa taageeray shacabka Soomaaliyeed ee degan magaalada Muqdisho, gobolada dalka iyo Soomaalida ku nool dalka dibadiisa, iyadoo maalinimadii shalay qaar ka mid ah gobolada dalka ay ka dhaceen bannaanbaxyo lagu taageerayo C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo lagu dalbanayay in loo magacaabo jagada Ra'iisal Wasaaraha.

 

"Noolow Daljire C/waaxid, cimrigaa ha jiro waxaad mudan tahay in Ra'iisal Wasaare laguu magacaabo" ayay ku dhawaaqayeen boqolaal dadweyne isugu soo baxay magaalada Muqdisho, waxayna Madaxweyne Shariif haddii uu doonayo horumarka xukuumada KMG ah uu Ra'iisal Wasaare u magacaabo C/Waaxid Cilmi Goonjeex ka codsadeen inuu Ra'iisal Wasaaraha u magacaabo C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo ay sheegeen inuu yahay mas'uul geesi ah oo karti u leh inuu ka soo baxo xilkaasi.

 

Sidoo kale qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka dhacay bannaanbaxyo lagu taageerayo halgamaa C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo dib u soo celiyay rajadii shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ay ka qabeen in dalka ay ka hirgasho xukuumad dib u soo celisa qaranimadii luntay mudada ka badan 20-ka sano.

 

Inkasta oo madaxda Dowladda KMG ah ay aad ugu yar yihiin shaqsiyaadka sida C/Waaxid oo kale ah ayaa hadana hadallo fara badan oo horay uu warbaahinta uga jeediyay waxaa ka mid ahaa "Khilaafka Dowladda KMG ah maanta ma aha waxa ay dadkeenu naga sugayaan, mas'uuliyada Qaran ee aan heyno waa sidii aan dalka uga saari lahayn Al-Shabaab iyo ajaanibta dalka ku soo duushay".

 

Shantii maalmood ee ugu dambeysay oo magaalada Muqdisho ay ka socdeen dagaallo dhex maray ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kooxaha mucaaradka ah oo iyana taageero ka helaya dagaalyahanada shisheeye ee Al-Qaacida u soo dirtay dalka Soomaaliya halgamaa C/Waaxid waxa uu degenaa guri aan sidaas uga fogeyn halka ay dagaalada ka socdeen.

 

Ma jiro mas'uul darajadiisu gaartay Ra'iisal Wasaare oo gaaray goobaha ay ka socdaan dagaalada Muqdisho, isagoo Madaxweyne Shariif uga warbixiyay waxyaabihii dhacay intii uu dalka ka maqnaa, taasi oo Madaxweynuhu u riyaaqay isla markaana ku ammaanay horumarka uu ka soo hooyay hoggaaminta dagaaladii ka dhacay jidka warshadaha.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

qorsheel1.jpg

 

 

Taageerayaasha Saciid Qoorsheel ayaa sameeyeen xaflad lagu taageeyrayey

 

Wednesday, 6th October 2010

qorsheel

Taageerayaasha Saciid Qoorsheel ayaa sameeyeen xaflad lagu taageeyrayey | read this item

Boqolaal xubnood oo ka tirsan qeybaha Isboortiga kala duwan ee dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah fannaaniinta hobalada Qarabnka Soomaaliyeed, kuwaasi oo iyagu si weyn u soo dhoweeyay isla markaasina u taageeray Saciid Maxamed Qoorsheel oo isu taagay musharaxnimada jagada Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale musharax Saciid Qoorsheel waxaa xaruntiisa saakay ku soo booqday qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah, iyadoo halkaasi uu khudbad ka jeediyay Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow ayuu sheegay inay taageersan yihiin Mudanayaasha Baarlamaanka intooda badan, wuxuuna tilmaamay in Saciid Qoorsheel shaqsi ka mudan aan loo magacaabi doonin jagada Ra’iisal Wasaaraha.

 

Anigoo ku hadlaya codka Xildhibaanada Baarlamaanka ee taageersan musharaxnimada Saciid Qoorsheel waxaan Madaxweyne Shariif ku boorineynaa inuu u magacaabo Ra’iisal Wasaaraha mas’uulkaan oo shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka ay wada garanayaan” ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyow.

Saciid Jaamac Cali (Qoorsheekl) ayaa uga mahad celiyay xubnaha kala duwan ee isugu jira Isboortiga, Fanka iyo ururrada bulshada rayidka

ah qaarkood, isagoona sheegay in dhammaan ururrada bulshada ay ka wada tirsan Fanka iyo Isboortiga oo laf dhabar u ah horumarka iyo is dhex galka bulshada Soomaaliyeed.

“Waan idinka aqbalay taageerada aad ii muujiseen musharaxnimadeyda Ra’iisal Wasaaraha, waxaana ballanqaadayaa in haddii la ii magacaabo xilkaasi aan qaban doono wax badan” ayuu yiri Saciid Jaamac Qoorsheel oo sheegay in ninka qoriga wata ee aagga difaaca jooga iyo qofka calanka Soomaaliyeed adduunka geyneysa ay isku mid yihiin oo labadooduba wada difaacayaan qaranimada iyo jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

gobolkabanadir.com

 

__

 

Premier of Good Background can lead the Nation “Korshel”

 

 

test231.jpg

 

A man of dreams, ambitions, talents, and a man of Nation”Mr. Korshel”. Somalia has been lack of functional government for the last nineteen years, people put hope, and they lose tolerance.Consecutive wars, displacement and political instability of residence that forced thousand of society to across borders, no turning back home. The people of horn are in need of competent leader, a nation with one body and stable politic, Said Jama Ali Korshel a man of polite political background be worthy of by the next prime minster of Somalia.

 

 

Political family, Said Jama the son of late father Jama Ali Korshel, a Major General of the Somali Democratic Republic from 1960, Mr Jama was a leader in the Somali National League (SNL) when British Somaliland gained its independence in 1960.Korshel would later emerge as one of the key figures in the putsch which saw the military junta of Major General Mohamed Siad Barre into power. He was appointed Vice President of the new Supreme Revolutionary Council that assumed office, and put in charge of Internal Affairs.[1] Said Qorshel grown up and educated in Mogadishu. He worked for Nation as a hero of basketball player.

 

 

The Somali political expert Said Korshel worked with Punt land regional state. He held the ministry of youth and sports; he formed a peacefull gathering among Somali youth. At the end of 2005 he become the minister of livestock of Punt land states, where he shaped a good relationship between Punt land and neighboring Arab countries, he won to remove the embargo of Somali livestock. Later he resigned at 2007, returning back to Canada, whereas he was up to the beginning of 2008, while he joined the Transitional Federal Government of Somalia in the office of the former premier Sharmarke and a member of sports ministry.

A community activist, he serves Somali people, who are in need of help, hundreds of young shoe shiners in Mogadishu those are not able to go school. Korshel decided to pay their school bill monthly, he take part the formation of Mogadishu city council after disputation. He won to solve the conflict.

A sports man; Korshel was a former basketball player of the Nation, he brought back home victories, during his work in Punt land he formed more groups of football teams from different regions of Punt land, also he joined punt land sports and Somali Diaspora in Europe and Canada, Korshel thinks wise , he is flexible person of local and internationally.

In a net of shell, Korshel from a rich, educated, sports and political family, he is the only one can connect the different Somali people, with the international community he is the only man can work with world, he is a flexible, sports and open mind man, he listens to an old and young people. Korshel is a man with open relation in international community and Somalia people inside and out, he is understandable man with his colleagues and he is the only gentleman that we “Youth” can appreciate. He deserves to lead the nation and he can work with different parts of Somalis whether, politicians, sports, youth, elder merchants’ men and women…Mr. Korshel is a respected national leader who has responded to his people’s call for help in their darkest hour.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

C/waaxid Cilmi Goon-jeex oo loo Magacaabay sii hayaha xilka Ra'isul Wasaaraha DKMG ah.

 

11591.jpg

 

Muqdisho,(WNT):-Wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in galabta Madaxweyne sheekh shariif Magacaabay sii hayaha xilka Ra'isul Wasaaraha.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilkaasi loo dhiibay C/waaxid Cilmi Goon-jeex oo horay u ahaa Ra'isul Wasaare ku xigeen.

 

Saraakiil ka tirsan xarunta Madaxtooyada ayaa carabka ku adkeeyay in magacaabistaan ay timid kadib markii Madaxweynaha soo galay safar uu ugu amba baxayo dalka Mareykanka.

 

Sheekh shariif ayaa dalka Mareykanka kaga qeyb gali doona kulanka Golaha amaanka ee QM kaasi oo halkaasi ka socanaya.

 

Madaxweynaha ayaa la filayaa in halkaasi ka jeediyo qudbad dhinacyo badan leh kaasi oo uu kaga hadlayo marxaladaha kala duwan ee iminka dalku ku sugan yahay.

 

Si kastaba Ra'isul Wasaarihii dowlada KMG ah Cumar C/rashiid ayaa Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay is casilaadiisa kadib markii in mudo ah khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweyne Sheekh Shariif.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dr Cabdikariim oo Khamiista Loo Magacaabayo Raysal Wasaraha Somalia, Waa Kuma Dr Cabdikariim?

 

Tan iyo intii uu is casililey raysal wasaarihii hore ee Somalia cumar c/rashiid cali sharmarke ayaa waxaa soo baxaya musharixiin badan oo doonaya inay ku fadhiistaan kursiga uu baneeyey mr sharmarke,

 

Magacabida raysalwasaraha oo ah awood dastuuri ah oo madax waynuhu iska leeyahay isla markaana aanu baahnayn campaign ayaa waxaa sacadaha soo socda la sugayaa cida uu ku dhawaaqo madaxwaynhu,

 

Waxaa soo baxaya ilaa 3 musharax oo danaynaya inay noqdaan raysalwasaaraha soo socda kuwaas oo cv gooda u gudbiyey madaxaynaha in kasta oo uusan wali jawaab ka bixin cida uu xushay,

 

Hadaba lama cadayn karo shaqsiga uu noqon doono raysalwasaraha soomaliya madama ay siyaasadu is bedel badan tahay waxaase wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo madax tooyada somaliya ay sheegayaan inuu miiska saran yahay Dr C/kariin xasan jama oo ah agaasimaha madaxtooyada.

 

Waa kuma Dr C/kariin hassan jama?

 

Cabdi kariin waa waa siyaasi dhalinyaro ah oo ka mida qurba jogta soomaliyeed

 

Dr cabdi kariin wuxuu wax ku bartay wadanka maraykan ka kaas oo uu ka haysta shahaada PHD

 

Dr cabdi kariin wuxuu kale oo si wayn u bartay cilmiga diinta islamka isaga oo gudoomiya u ahaa gudigga islaamka ee cariga maraykan ka,

 

Dr kariin wuxu mudo dheer ka soo shaqaynayey safaarada sucuudiga ee wadanka maraykanka,

 

Dr cabdi kariin waxaa lagu sheegaa nin dabeecad wanaagsan degan isla markaana si daacad ah u guta shaqada uu hayo,

 

Dr cabdi kariin wuxuu siyaasada somalida soo galay waqtigii dawladii jabuuti isaga oo markaa damiciisu ahaa inuu noqdo raysalwasaraha Somalia

 

Hadaba waxaynu sugnaa waa saacadaha inagu soo aadan iyo madaxwaynuhu cida uu ku dhawaaqo,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waa Kuma Musharax Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf

 

prof_Muxidiin-e1279133927140.jpg

 

 

Tan iyo Markii uu Xafiiska Baneeyay Raisalwasaarihii Hore ee Somaliya Dr Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa waxa sare u sii kacayay Masuuliyiinta Xafiiskaasi u hanqal taagaysa waxana ka mid ah kuwa Siyaasada Somaliya Mudo ku soo dhex Jiray iyo kuwa Shacabka Somaliyeed ay Magacooda Maqleen Maanta Kaliya oo Qurba ka Yimi, hadaba Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliya xaalkeeda in badan La socday isla markaana ahaa Musharax Madaxwaynanimo Wakhtigii Gobolada Puntland loo Tartamayay ayaa dhawaan ku dhawaaqay isaga oo Muqdisho Jooga inuu Jagadaasi Raisalwasaaraha danaynayo oo Rabo in loo doorto uuna wax wayn ka bedelayo Siyaasada Jaah Wareersan ee Somaliya.

 

Isaga oo Kulan wareed ku qabtay Muqdisho waxa uu sheegay inuu Ka shqaynayo hadii la doorto.

 

1- Soo Celinta Qarankii Somaliya ee Lumay

 

2-Dibu Hashiisiin deg deg ah oo uu u qabanayo Umada Somaliyeed.

 

3-Kobaca Aqoonta iyo Heerka Tacliiniid ee Somaliya oo uu Xooga saarayo.

 

4-Wada Hadal uu la Galayo Kooxaha Dawlada ka soo Horjeeda si dalka Amaan Looga dhaliyo.

 

Taariikhda Musharaxa 1aad ee Puntland

 

Ku dhashay Beyra, Gaalkacyo, March 1959

Ku soo koray yaraantiisii Gaalkacyo iyo Boocame.

Dugsi Hoose Gaalkacyo 1970

Fasal 5aad ilaa 8aad Dugsiga Dhexe komershaale Xamar1975

Ka qayb galay Ololaha Horumarinta Reer Miyiga 1974-75

1976 ka qalin jabiyay tababarka Macamlimiinta Xalane

1976-1979 macalin iyo maamule ku xigeen Dugige Dhexe Raage Ugaas, Xamar

January 1982 ka soo qalin jabiyay Lafoole

January-July 1982 Macalin Dugsiga sareBenadir.

Sep.1982-July 1984 Maamule Dugsiga sare ee Bartamaha Xamar.

Sep.1984-July 1986 Maamule Dug. Sare Cusmaan Geedi Raage.

Sep.1986-July 1987 Maamule Dug.Sare Xamar.

Sep.1987-88 Maamule Dugsiga sare Wadajir

1986-1990 Macalin Jaamcadda Lafoole

1991-1997 Lataliye waxbarasho Somalida ee Toronto iyo ganacsade.

1997-1999 ka qalin jabiyay Humber College, Toronto(English academics and Computer programming)

1999-2001 Tababare waxbrashada iyo Computerada.Columbus, Ohio

2001-2003 Macalin iyo La taliyaha arrimaha Soomaalida iyo adeegyada dawladda Minnesota

2002 Shahaadada sare Education, Hamline University, St. paul

2003 Master of Education, University of Minnesota

PhD Candiate Bircham International Univrsity, Idaho USA

Puntland

 

 

2004 Maareeye Guud, shirkadda Hilaac Real Estate company

2005 Wuxuu asaasay Kulliyadda waxnarashada ee Jaamacadda bariga Afrika

2005 wuxuu wax ka dejiyay manhajka waxarashada Jaamacadaha Afrika, Nairobi

2006 wuxuu wax ka dejiyay manhajka waxbarashada macalimiinta Puntland

2006 Wuxuu diyaariyay siyaasadda waxbarashada macalimiinta ee dawladda Puntland oo baarlamaanka laga ansixiyay

2006 wuxuu ka qayb galay ansixinitii sharciga teknolijiyada cusub ee Somalia Nairobi

2006 wuxuu ka qayb galay diyaarintii waxbarashada aqoondirsiga iyo onlineka Somalia oo lagu qabtay Kenya, Tanzania iyo South Afrika

2006 Wuxuu asaasay xiriirka ururka tacliinta sare ee Puntland oo uu guddoomiye ka yahay (Puntland Tertiary education Commission)

2006 Wuxuu wax ka asaasay Bosaso College of Computer Engineering and training.

2007 wuxuu ka mid noqday aqoonyahanadii Djibouti ku asaasay ururka aqoonyahanada Geeska Afrika,

2007 Wuxuu la taliye ka ahaa eraybixinta eryada Sayniska ah ee maadooyinka dugsiyada lagu barto.

2007 wuxuu diyaariyay siyaasadda qorshaha horumarinta waxbarashada haweenka Puntland

Wuxuu xubin ka yahay ururka qorayaasha Soomaaliyeed.

Wuxuuna qoray buugaag iyo maqaalo ay ka mid yihiin

 

Buugaag

1. Labadii dagaal weyne ee dunida

2. Difficulties facing Somali students in America

3. Understanding of Somali Diaspora

4. Habka koriimada wanaagsan ee ilmaha

 

Maqaalo

 

§ Parenting in America

§ Somali students in America

§ Children of bilingual education.

§ Philosophy and modern education

 

§ African view toward history subjects.

 

Waxyaabihii uu qabtay Markuu ahaa Musharaxa Puntland.

 

 

Booqasho Goob Waxbarasho ee Bosaaso.

 

Sare u Qaadida Caafimaada Himilada Musharaxa.

 

Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah Musharax u Taagan Raislawasaaraha Somaliya wuxuu ka soo Jeedaa Gobolada Puntland isaga oo in badan ka shaqaynayya Horumarinta Waxbarshada oo uu Maamule ka ahaa Machad wayn oo lagu Barto Tacliinta Maadiga, sidoo kale Jaamacada Bariga Africa ee Magaalada Bosaaso ayaa Mar ka ahaa Madaxa Waxbarashada taasi oo ku Tusinaysa sida uu Muhiimada koowaad u Siinayo in Dalka Somaliya Laga dhiso Aqoonta.

 

0.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

all Candidates from Puntland are Either teachers or Professors way???

 

my vote gose 2 Saciid Qoorsheel

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

maslax-sh-shariif.jpg?w=290&h=222

 

 

Meles Zenawi oo ka afeeftay in madaxweyne Sheikh Shariif uu soo magacaabo Maslax Maxamad Siyaad.

 

 

Madaxweynaha KMG Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axamad oo booqasho aan lasii sheegin Shalay galinkii dambe ku tegay dalka Itoobiya ayaa kulan uu la yeeshay Ra’isul wasaaraha dalkaas Meles Zenawi , waxay kaga wada hadleen xaaladda guud ee dalka Soomaliya iyo in dowladda KMG ah ee Somaliya gacan laga siiyo sidii ay ku hanan lahayd amaanka dalka Somaliya.

 

 

sharif-iyo-zenawi.jpg?w=247&h=170

 

Qaar ka mid ah wafdiga madaxweynaha oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa SomaliSwiss u sheegay in Meles Zenawi uu madaxweyne Shariif kula taliyay, inuu aad uga fiirsado qofka uu u magacaabayo jagada Ra’isul wasaaraha, waxayna ilahaasi sheegeen, in Zenawi uu madaxweyne Shariif kala taliyay inuusan magacabin Masalax Maxamad Siyaad oo sida ilaahaasi diplomaasiyadeed ay sheegayan uu madaxweynuhu doonayay inuu magacaabo, hase yeeshee Meles Zenawi uu sheegay inuu kala fogaynayo Somalida gudahooda iyo Somalida iyo Itoobiya labadaba.

 

Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa inuu maanta socdaal kale oo latashiya ku tago dalka Jabuuti uuna la kulmo madaxweyne Geele, si uu isagana uga soo dhegaysto aragtidiisa, ka dibna wuxuu ku soo laaban doonaa magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in madaxweynaha uu saaran yahay culeys aad u ballaaran, kaas oo ah iyadoo dhammaan dowladaha daneeya arrimaha Somaliya, sida Maraykanka, Europe, IGAD, Qaramada midoobay iyo qaybo ka mid ah kooxda contact group ay qola kastaahi ku talinayso isla markaana doonayso in Ra’isul wasaare loo magacaabo dad ay is af garanayaan (Hebel iyo Hebel).

 

SomaliSwiss London

 

shariif_zenawi.jpg?w=331&h=243

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this