Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed arrives in Addis Ababa requests Ethiopian troops

Recommended Posts

Addis Ababa: Madaxweyne Shariif oo gaaray Addis Ababa, lana kulmay Madaxda dalka Itoobiya....Warbixin ...

6. juli 2009

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa socdaal aan horay loo shaacin wuxuu ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo halkaasi kula kulmay isla maanta Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanewi oo ay horay ubalansanaayeen.

 

Wakaalada wararka ee dalka Itoobiya ee ENA ayaa soo warisay in uu Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ka soo kicitimay dalka Jabuuti oo uu sheegay xalay, wuxuuna halkaasi kula kulmay Madaxweynaha dowladda Jabuuti oo ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya.

 

ENA ayaa sheegtay in uu Shariif Sheekh Axmed ka codsaday Raysalwasaaraha Itoobiya taageero Milateri oo deg deg ah, si buu yiri ay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya aysan uga burburin Soomaalida, loona badbaadiyo, waa sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalka Itoobiyee.

 

Madaxweyne Shariif ayaa socdaalkiisa wuxuu ahaa mid aan horay loo sii shaacin, waxaana ay sheegeen xalay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya in laga dhowrayay magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya, inkastoo ay shalay dagaalo qaraar ka dhaceen magaalada Muqdisho.

 

Shariif ayaa sidoo kale Addis Ababa kula xaajoon doona Saraakiil ka socota dowladda Mareykanka oo ay isla soo qaadi doonaan taageerooyin hubeed oo ay dowladda Mareykanku siisay dhawaan dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayadoo lafilayo in uu Madaxweynaha Soomaaliya dalbaday ciidan iyo hub cusub oo hor leh.

 

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya Mesfin ayaa usheegay Wakaalada warareed oo ay leedahay Itoobiya lana yiraahdo WALTAINFO.COM in uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka codsaday dowladda Itoobiya ciidan loo diro Soomaaliya, inkastoo uu sheegay in aysan qorshaha Itoobiya ku jirin ciidan ay waqtigan udirto dalka Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Once again another deceptive title. Once again, another blatant lie. Once again, another conjured war ku sheeg.

 

Give us links. Sources. Anything credible that substantiates what is being reported on the article.

 

I don't see anything on this site that article quotes about Shariif requesting Xabashi army or Xabashi foreign minister Seyoum Mesfin discussing about that fact.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think the proof is in the pudding! just ask yourself where is at tonite and why! Unfortunately, the Master which is usa, had said no to Amxaar help.

 

So hes outta of luck there. Next.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiy aar:

Once again another deceptive title. Once again, another blatant lie. Once again, another conjured war ku sheeg.

 

Give us links. Sources. Anything credible that substantiates what is being reported on the article.

 

I don't see anything on this
that article quotes about Shariif requesting Xabashi army or Xabashi foreign minister Seyoum Mesfin discussing about that fact.

General-Duke has made it habit to distort facts and create his own news.

 

Shariif Xasan "Anaga Ethiopia uma tagin inaan Ciidamo weydiisano

 

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Maaliyada Dowladda Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa beeniyay in socdaalka ay ku joogaan Magaalada Addis Ababa uu ujeedadiisa yahay sidii ay Dowladda Ethiopia u weydiisan lahaayeen Ciidamo.

 

Shariif Xasan oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed shalay ku gaareen Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inuu qorshahooda yahay sidii ay Dowladaha IGAD u weydiisan lahaayeen taageero.

 

"Anaga Ethiopia uma tagin inaan Ciidamo weydiisano, waxay ka mid tahay Dowladaha IGAD ee taageerada joogtada siiya Soomaaliya, waxay noo tababaraan ciidamo taageero siyaasiyan ayay na siiyaan"ayuu yiri Shariif Xasan.

 

Wafdiga Madaxweyne Shariif ayaa la kulmay Wakiilo ka socday Beesha Caalamka sida Safiirka Shiinaha u fadhiya Addis Ababa iyo Safiirka Sweden kuwaasoo uu ka dalbaday taageero in la siiyo Dowladiisa.

 

Madaxweyne Shariif oo ka qeyb galay kulankii Madaxda Afrika ku yeesheen Sirte ayaa horay u soo maray Jabuuti, iyadoona uu booqan doono Kenya iyo Uganda oo ka mid ah dalalka IGAD.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

 

http://www.jowhar.co m/main/news.php?read more=512

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by rudy-Diiriye:

I think the proof is in the pudding! just ask yourself where is at tonite and why! Unfortunately, the Master which is usa, had said no to Amxaar help.

 

So hes outta of luck there. Next.

Hahaha

 

Your views look as goofy as the guy on your avatar.

 

Ethiopia is the headquarters of the African Union and Sharif is there to take part in a hearing that is meant to change the mandate of the AMISOM troops in Somalia.

 

There is nothing out of the ordinary there really, but some people will grab to every straw to support their hollow lies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

zenawi-shariif.jpg

Shariifka iyo Zenawi oo maanta ku kulamaya Addis

Tuesday, July 7th, 2009 at 2:05 pm

Horseed Media

Addis Ababa, Itoobiya

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa maanta gelinka danbe kulan la yeelan doona Raysalwasaaraha dowlada Itoobiya Meles Zenawi.

 

Wafdiga Soomaaliya ayaa shalay soo gaaray magaalada Addis Ababa ayagoo xalay kulamo la yeeshay wafdi ka socda Maraykanka, isla markaana maanta gelinkii hore kulamo la yeenayey wadamada Golaha Amaanka ka tirsan iyo waliba Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya Seyuum Mesfin iyo xubno kale.

 

Kulanka lagu wado inuu maanta gelinka danbe ka dhaco Xafiiska Meles Zenawi ayaa noqanaya kii labaad oo dhexmara Madaxweyne Shariif iyo Raysalwasaraha Itoobiya Meles Zenawi.

 

Labada hogaamiye ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan xaalada dalka Soomaaliya iyo waliba arrimaha amni ee gobalka.

 

Kulankan ayaa waxaa hareeyey warar soo baxayey oo la xariira in Dowlada Soomaaliya ka codsan doonto Itoobiya inay ciidamo u soo dirto, hase yeeshee wafdiga Soomaaliya ka socda ayaa sheegay in arrimaha ay kala hadli doonaan xukuumada itoobiya ay ku kooban tahay amniga gobalka.

 

Wafdiga Shiikh Shariif ayaa ayagu ku adkeystay in arrimaha Ciidamada ay kala hadli doonaan Midowga Afrika oo kaliya, isla markaana ciidamada ay dalbanayaan ay yihiin kuwa AMISOM ee horey Midowga Afrika u balan qaaday.

 

Shiikh Shariif Axmed ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kala hadlo Zenawi arrimaha IGAD iyo waliba sidii ay wadamada gobalka isaga kaashan lahaayeen cunaqabateyn lasaari doono sida la sheegay kooxaha kasoo horjeeda dowlada Soomaaliya.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan baaq ay u dirtay wadamada Jaarka la ah ku sheegtay in gacan laga siiyo dhinaca ciidamada, ayadoo baaqaasi dowlada Itoobiya uga jawaabtay inaysan xiligan wax ciidamo ah u diri doonin dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed oo safarkiisan uu **** socdo kulankii Midowga Afrika ee kusoo dhamaaday dalka Liibiya, ayaa lagu wadaa inuu u dhoofo dalalka Ugandha iyo Kenya.

 

Safarka wafdiga Soomaaliya ee uu hogaaminayo Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xili uu Madaxweyne Shariif ku dhawaaqay inuu dalka Soomaaliya ku jiro xaalad deg deg ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, adeer why are you crying so much?

shh90804.jpgShariif Xasan oo warqad u dhiibaya Zenawi oo qummaati u fadhiya

 

melessharif.jpgZenawi oo akhrinaya warqaddii Shariif Xasan u dhiibay (ENA)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Shariif oo Adis ababa kadagay safarkii Liibiya ka dib

 

Madaxwaynaha DFK Shariif Axmed iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ka dagay Dalka Itoobiya si ay xaalada cakiran ee dalka ugu sharxaan wadama Igad ay ka kooban tahay, waxay soo mareen Jabuuti sidoo kalena waxay tagi doonaan Kenya iyo Uganda, sidaa waxaa yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Siciid Yuusuf.

 

Sidoo kale Shariif Xasan Raysul wasaaraha Koowaad ee Dowlada Shiikh Shariif ayaa isna safarkaas sharxay isagoo ka gaabsaday inay Itoobiya Ciidamo kadalbanayaan, laakiin wuxuu cadeeyey inay siyaabo kale u kaalmayso. Shariif Xasan ayaa sidoo kale ka gaabsaday ku noqnoqo shada Dowlada Itoobiya uu ku tagay sadex goor labadii bilood ee lasoo dhaafay.

 

Waraysiyadaas oo dhamaystiran hoos ka dhagayso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo xalay kulan xasaasi ah la yeeshay Madax iyo saraakiil Itoobiyaan ah.

 

Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan xasaasi ah kula yeeshay hotel ku yaalla magaalada Adis Abababa madaxda dalkaasi iyo Saraakiil Milatari ah.

 

Kulankaasi oo la sheegay in uu saacado qaadanayay ayaa la sheegayaa in labada dhinac ay kaga wada xaajoodeen taxaddiga dawladda KMG ah ee Somaliya ku heysta gudaha dalka Somaliya gaar ahaan midka kaga imaanaya xoogaga Islaamiga ah kula dagaalamaya Muqdisho.

 

Madaxweyne Shariif ayay si wadajir ah isku arkeen R/Wasare Zenawi, wasiirka Arrimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo Generalada Milatariga ee dalkaasi gaar ahaan kuwi kasoo howlgalay gudaha dalka Somaliya ee dumiyay Maamulkii Maxaakimta Islaamka ee Shariif-ku madaxda ka ahaa.

 

Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in kulamada diiradda lagu saarayay dowrka ay Itoobiya ku yeelan karto arrimaha hadda cakiran ee Somaliya iyo sida ay kaga qeyb ka noqon karto dadaalka lagu badbaadinayo xukuumadda Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Madaxweyne Shariif oo xalay kulan xasaasi ah la yeeshay Madax iyo saraakiil Itoobiyaan ah.

 

Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan xasaasi ah kula yeeshay hotel ku yaalla magaalada Adis Abababa madaxda dalkaasi iyo Saraakiil Milatari ah.

 

Kulankaasi oo la sheegay in uu saacado qaadanayay ayaa la sheegayaa in labada dhinac ay kaga wada xaajoodeen taxaddiga dawladda KMG ah ee Somaliya ku heysta gudaha dalka Somaliya gaar ahaan midka kaga imaanaya xoogaga Islaamiga ah kula dagaalamaya Muqdisho.

 

Madaxweyne Shariif ayay si wadajir ah isku arkeen R/Wasare Zenawi, wasiirka Arrimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo Generalada Milatariga ee dalkaasi gaar ahaan kuwi kasoo howlgalay gudaha dalka Somaliya ee dumiyay Maamulkii Maxaakimta Islaamka ee Shariif-ku madaxda ka ahaa.

 

Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in kulamada diiradda lagu saarayay dowrka ay Itoobiya ku yeelan karto arrimaha hadda cakiran ee Somaliya iyo sida ay kaga qeyb ka noqon karto dadaalka lagu badbaadinayo xukuumadda Somaliya.

This is a fabrication. Sharif hasn't met with Meles yet. He will meet with the Ethiopian FM and then with the Ethiopian PM.

 

ps

 

By the way, what is the source of the story? Thanks in advance

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this