Maaddeey Posted March 31, 2010 Hogaamiyaha Ururka Xisbul islaam Sheykh Xasan daahir Aweys ayaa si diiran usoo dhaweeyay Ololaha ay wilaayada islaamiga xarakada Shabaabul Mujaahidiin kula dagaalamayso waxyaabaha shirkiyaatka ah. Sheykh Xasan Daahir Aweys oo galabta shir jaraa'id ku qabtay khadka taleefanka ayaa sheegay in Dad badan oo Soomaali ah ay ku kedsoomaan qabuura caabudida taasina ay keeni karto shirki Alle looga fogaado. Isagoo lahadlayay saxaafadda Maxaliga ah ayuu sheykh Aweys sheegay in ay waajib tahay burburinta qabuuraha sida khaldan loo dhisay islamarkaana ay ku mahadsanyihiin cid walba oo arrinkaas gacan ka gaysata. "aniga ayaa Indhahayga ku arkay dad ku dawaafaya masjidka Biya Maaloow cidi iiga sheekayn mayso, culimada oo dhan way isku raacsantahay in shirkigaasi lasuuliyo"ayuu yiri Sheekh Xasan. Sheykh Xasan ayaa si kulul u weeraray Heshiiskii ay dhawaan Addis Ababa ku gaareen Maleeshiyada Qabuura Galeenka ah iyo Dowlada KMG ah wuxuuna sheegay in heshiiskaasi uusan waxba kusoo kordhi doonin saaxada Somaliya. "waa Hesshiis cadawtooyo, cadawga islaamka ayaa Heshiisiiyay labadaasi qolo oo awalba xulufo la ahaa cadawga Itoobiya, waxaan u aragnaa kaliya cadawgii oo midoobay wax ay soo kordhin kartana malahan"ayuu yuu yiri Sheykh Xasan Daahir. Dhinaca kale Sheykh Xasan ayaa cambaareeyay Falalka ay kooxaha Burcad Badeeda ah ku qafaashaan doonyo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, Xisbul Islaam waxay kooxaha Burcad Badeeda ah ka dalbadeen in ay muddo 48-saacadood gudahood ah kusii daayaan doonyaha ganacsiga hadii kale cawaaqib xumo ay lakulmi doonaan. Xoogaga Islaamiyiinta ayaa laga yaabaa in ay cadaadis saaraan kooxaha Burcad Badeedda ah oo hada usoo dhigtay in ay cuuryaamiyaan ganacsiga Umadda Somaliyeed xilli kooxahaasi ku marmarsiyoon jireen in ay qafaashaan kuwa kheyraadka gurta. kobtantada Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted March 31, 2010 Phone conference? Must not be safe enough for live conference. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted March 31, 2010 Minii layaabo Yaasiinka! They need to educate people first and also they should stop taking pictures of themselves digging the graves....no need for that! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 31, 2010 ^Dadka ma educate-gareeyaan yaa yiri, mise adaa taleefan laguu soo diraa mar kastoy dadka educate-garenhayaan?. Waxaan indhaheyga ku soo arkaan kuu sheegayaa Dhubad.oow, sida aad maqshiisanthay marka salaaddu soo dhowaato yaa baabuur codbaahiye ku rakibanyahay dadka salaadda u kala dira! marka Masjidka la soo buuxiyona, Aadaanka & Iqaamada inta u dhexeysa ayaa kitaab: Usuul al Thalaatha loo akhriyaa, taas waa Duhurka, Casarkana Bacdal salaad ayaa Kitaabul Tawxiid la akhriyaa, nimankaas Cilmi & Camal(dabaqid) bay isku dareen ee ha fududaan, Abti Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted March 31, 2010 ^^ Nimanka wa niman waalan. Adna waalida hadaad ku raacdid nin waalan bad tahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 31, 2010 ^in Shirkiga lala dagaalo haddey waalli tahay, haa waan waalanahay?, ma ku soo xasuusineysaa wixii Mushrikiintu Anbiyada Ilaahey ku dhihi jireen? Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted March 31, 2010 ^^ Labdi af aan kuu sheegayaay bad la so noqotay, saaxib. Meeshan ka hadlyo wad ogtahay, marka maxad iso yeelyeelta? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted March 31, 2010 Maadeeyoow, nimankaan waa inay Kashful-Shubahaat iyo Fatxul-Majiid umada u akhriyaan, waa inay samraan. Labasano oo kaliya ayay joogeen markaaseey rabaan dad qarniyo ku soo jiray quraafat inay ku masaxaan sanado gudahoodda. Teeda kale, mar hadaad diin wadid waa inaad saafi tahay....nimankaan u bareeraya inay qof Masjidka Jameecada ku soo tukaday inay ku khaarijaan Masjidka hortiisa hadana leh waxaan rabnaa inaan suulino Shirki :confused: Abtiyoow xagee salaadu iska qaban la'dahay ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 31, 2010 ^heh, ma Malaa'ig baad rabtay iney noqdaan, Qaladka ku qabso, lakin wanaagga ha ka inkirin, qof dilow waa macsiyah kabiirah Alle waa dhaafi karaa waana ku qaadi karaa, Shirkiga ay suulinahayaanna lama dhaafo, waana camal suubban kan ugu fiican, WALAA TABKHASUNNAASSA ASHYAA'AHUM, be fair Abti, credit ku sii where it's due Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted March 31, 2010 ^^ War san 'credit' o siinaynay overdraft ban galnay. Al Shabab wa rag waalan. Anigu wan ka quustay kuwa. Allah yesahil. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted March 31, 2010 lol@overdraft. Madaayeey. Waan khaldanay haday yiraahdaan waxbay ahaan la heed ee waxay ka tahay caqiido! ninkii ka horyimaadaa waa haladilo, dhiiga Islaam si fudud ayay ku daadiyaan. War nimanku waxbay isku qasayaan......nin meelna wax ka qaldaya meelna waxbaan saxyaa leh is sending mixed signals hence why they are loosing support very quickly among Somali Culaams and the ordinary people. Xataa sheekh Umul waxbay ka sheegaan intaas! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 31, 2010 ^Anigu weli kama quusan dee, sidaa darteed: 'ALAA YASTAQIIMU AN NAKUUNA IKHWAANAN WAIN LAM NATAFFIQ FII MAS'ALAH'? Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted March 31, 2010 ^^ Of course. Waxan ku edhi Al Shabab ban ka quustay, adiga wali raja igaga jirta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted March 31, 2010 ^ Anigu mar dhow fatwaan soo saari doonaa, inti ka horreysa aan baashaalno Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted March 31, 2010 ^Waa la arki donaa maraad ka quusatid ee cimaada tuurtid Sidii lagu yaqiinay dadkii hore Masaalihda markii la isku fahmiwaayo qofba qofka kale ayuu sharfaa oo suuqiisa ayuu iskagalaa. Taas ayaa laga la'yahay ragaas qofkii dhaha see wax u wadaan ama waa Murtad ama waa qof Islaamka nicib Habeen wanaagsan sxb! Quote Share this post Link to post Share on other sites