Maaddeey Posted March 16, 2010 KN: Ninbaa laga sheegey “Marti kooydaa iyo kooyinaa, labbo iyo tabankeeyga galaanjo waan rabaa”, xogtii dhiilada lahayd ee dhawaanta soo ifbaxday ee la xariirtey fadeexadii lagu lunsaday kala bar cuntadii gargaarka waxay hoosta ka xariiqeysaa imaan darada iyo cirweyninka Soomaaliya ka jira xilli dalku uu ku jiro xaalado adag. Warbixin uu diyaariyey gudi qaabilsan kormeerka Soomaaliya oo ay leedahaya Qaramada Midoobey oo dhawaan la hordhigi doono golaha amaanka ee Qaramada Midoobey taasoo dhawaan saxaafada loosoo dusiyey ayaa waxyar uun ka ifineysa baaxada musuqa iyo wax isdaba marinta loo maamuley barnaamijka gargaarka Soomaaliya. Cuntada Fadeexada ugu weyn waxay ku saabsantahay gargaarka cunada ee WFP, warbixinta waxaa lagu sheegey in kala bar la lunsaday gargaarka, loona duwey meelo aanan loogu talogalin, waxaa farta lagu fiiqayaa qandaraaslayaal Soomaali ah iyo awoodo dalka ka jira oo siyaabi kala duwan loogu eedeeyey. Layaab ma laheyn in si gaar ah farta loogu fiiqo xoogaga islaamiga ah ee dalka ka jira sababtoo ah waa kuwa ugu haboon ee eedu ay qabato, laakiin runta dhulka taala waa ay ka duwantahay taasi, wallow Alshabaab ay si gaar ah u leedahay eeda ah in ay mabnuucdey WFP, hadana cidna lagama iibin karro “Alshabaab ayaa raashiin shacabka loo waday leexsatay”. Qandaraaslayaasha markii horaba afduub ayay ku heysteen cunno qeeybinta, bal malee 3 shirkadoo kaliya ayaa heysta qandaraaska daabulista cunada oo ku kacaya aduun gaaraya $300 malyuun oo doolar, waxaa intaasi dheer in xitaa qandaraaslayaasha raashiinka qeeybiya si musuqmaasuq ah lagu siin jirey kuntiraada. Dilalka qorsheysan ee saraakiisha gargaarka ka shaqaysa waxaa inta badan lagu tuhmayaa in ay ka shaqeeyaan dad doonaya in ay iyagu qandaraaska qaataan mise laga qadayiyey qandaraaska, waxaa intaasi dheer in cuno qeybinta ay Soomaaliya ka noqotey ganacsi macaash badan oo lagu baratamo. DKMG ah ayaa iyana qalbaceeda ka leh dhibaatada, sanadihii dhawaa waxay si aan gabasho lahayn ugu qeyb qaadatay iibsiga raashiin ku xaraynaa bakhaaro ay iyadu gacanta ku heeysey. Laakiin warbixinta waxay xambaarsantahay eex balaaran, sababtoo ah waxay kaliya farta ku fiiqeysaa dadka Soomaalida ah kaliya, KismaayoNews waxay isweeydiineysaa “Aawey kuwii ajaaniibta ahaa ee Nairobi fadhiyey ee saamigooda ka lahaa gargaarkan la iibsaday?”. Waxaa kaloo soo baxaysa in dadka lagu magacaabay waxbixinta aanan marnaba laga wargalin ama aanan wax laga weeydiin arrinta taasoo wiiqeysa kalsoonida lagu qabi karo warbixinta lafteeda. Weeydiinta weyn waxay tahay “maxaa warbixinta kusoo beegey markii Alshabaab xanibtey gargaarka?”, waxaa kale oo ay su’aalo ka jiraan arrimo ay ka midyihiin inta sanno ee sidan loo leexsanayay gargaarka. Dal-ku-gal Isla warbixinta waxay wax ka sheegeysaa dal-ku-galo dublamaasi ah oo ay iibsadeen madaxda DKMG ah, waxay warbixintu sheegtey in halkii fiiso lagu kala iibsanayay suuqa madoow 10 illaa 15 kun oo doolar. KismaayoNews waxay is ogaal weeydiineysaa “sow hadda garan meeysid sababta ka dambeeysa safarada tirada badan ee madaxda DKMG ah ay dibada ku aadaan”, su’aal kale ayaa waxa ay tahay “wasiirka iyo madaxweynaha iibsanaya fiiso, intee in la’eg ayuu kazoo shaqaynayaa danada dalka?” Tani waa nasiib darro qar dheer ka tuurtey qadiyada Soomaalida ee caalimaga ah oo markii horaba aanan cago badan ku taagneyn. Burcad Badeed Maamulka Puntland ayaa si aan gabasho lahayn loogu eedeeyey in uu ka dambeeyo burcad badeeda, waxbixinta waxaa si shaqsiyan ah loogu magacaabay Cabdiraxmanaa Faroole oo ah madaxweynaha Puntland. Horey waligeed waa loo hadal heyn jirey arrintani, laakiin ma dhicin in warbixin ceynkan oo kala ah lagu cadeeyo arrintaasi. Waxaysa waxyaabo badan kala cadaan doonaan marka si rasmi ah loosoo bandhigo warbixinta, hase yeeshee rubta sahlan ee u baahan in madaxa lagu hayo ayaa ah “goormaa la xisaabin doonaa kuwa shacabka xasuuqaya?”. Quote Share this post Link to post Share on other sites