Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

if you can't meet Farax macalin there is always another option

Recommended Posts

Kulan Dhexmaray Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia Iyo Hogaanka SSC

 

{Nairobi}15-04-10Waxaa maanta Hotelka Grandy Regency{Laico} ee magaalada Nairobi kulan ku yeeshay Madaxda Hogaanka SSC Somalia iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliyeed Sh Aadan Maxamed Nuur {Aadan Madoobe} Daawo Sawirada

 

Ra'iisul Barlamanka waxaa ku weheliyey kulanka Xildhibaan C/Risaaq Maxamed Yuusuf{Jinac}. Halka Madaxda SSC ka socoteyna ay kala ahaayeen, Hogaamiyaha SSC Mudane Saleeban Ciise Axmed Kaar, Hanti dhawrka guud ee SSC Eng: Maxamed Xassan Buralle , Ismaaciil Maxamed Jibriil oo ka socdey Jaaliyadda SSC ee Bariga Afrika iyo Saxaafada SSC.

 

Waxaana ugu horeyn shirka Furay Xildhabaan C/Risaaq Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Xildhaabana SSC ugu jira Dawladda Federaalka ah Ee Soomaaliyeed. Isbarasho ka dibna waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Hogaamiyaha SSC Dr: Saleebaan Ciise oo warbixin dheer ka bixiyey Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee uu madaxda u yahay.

 

Wuxuuna sheegay in ay dawladda Soomaaliya iyo midnimada umadda Soomaaliyeedba lafdhabar u yihiin una taagan yihiin sidii Soomaali cagaheeda isugu taagi lahay. Wuxuuna Hogaamiyuhu sheegay in ay yihiin dadka SSC kuwii u dhintay una Gumaadmay madaxbaanida iyo qaranimada Xurnimada huwan ee Soomaaliya maanta ku naaloonayso.

 

Wuxuu sheegay Hogaamiyuhu in aysan amrnaba yeeli doonin in dalka Soomaaliya la kala jaro. Taasna ay tahay tii ay ka diideen Quwadii dunida ugu weynayd 100 sano ka hor. Wuxuu sheegay ugu danbeyntii in ay daneenayaan dawladnimada Soomaaliya isla markaana ay taageersan yihiin Hanaanka dawladeeda ee Soomaaliya iyo xukuumada hada jirtaba.

 

Sidoo kale waxa hadal kooban jeediyey, Maxamed Xassan Buraale oo ah hanti dhawrka guud ee SSC. wuxuuna sheegay Mr. Buralle in maanta loo baahan yahay in cidkastoo Soomaalinimada an diidanayn la garabsado lagana duulo sidi qaranimada loo taabo gelin lahaa. Wuxuuna sheegay hadey yihiin Gobolada SSC in aysan ayagu marnaba ka daaleyn Midnimada umadda Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in dawladda dhexe ee Soomaaliya loga baahan yahay in garab siiso Gobolada Laf dhabarta u ah Midnimada qaranka Soomaaliyeed.

 

Wuxuuna sheegay in dadka dhulkaas degaa ay diideen oo ganafka iyo gaashanba ku dhufteen in ay saxeexaan Heshiis British Somaliland Protectorate. Hadana ay halkii ka taagan yihiin kala Qoqobka umada isku Afka , Dhaqanka iyo Diintaba ah.

 

Waxaana intaas ka dib hadalka la wareegay Gudoomiyaha Barlamankaa Soomaaliya ahna Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sh Aadan Maxamed Nuur, wuxuuna sheegay in uu yahay nin aad u yaqaan dhulka SSC iyo taariikhdoodaba. Wuxuuna sheegay in dawladda ahaan ay isgarabtaagayaan, sidoo kalena Garab iyo gaashaanba dawladdu ka doonayso shacabka SSC oo ah buu yidhi kuwa aan looga maarmin dawladdnimada Umadda Soomaaliyeed.

 

Wuxuuna ku Booriye shacabka iyo Siyaasiyiinta SSC ba in ay muujiyaan doorkoodii Soomaalinimada looga yaqaanay, ayna sii wadaan halganka Midnimada umada Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in dawladda dhexe ay cid kasta oo tuulona ha ahaatee horumar dabacsan ay taageerayso. Ugu danabayntii waxaa la isku afgartay taageero iyo iskaashi buuxa oo labada dhinacba ah, dawladda Soomaaliya iyo Maamulka SSC. waxaana ugu danbeyntii lagu Gunaanadey shirkii kulamo iyo balamo danbe oo noqon kara meel kasta.

 

 

 

 

madax3.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaji, who should you supposed to meet. Have you ever wonder why SL's objective never being materialized because it's looking for it in a wrong places like South Africa, Ghana and Farah Macalin.. Things may look different if you would have talked to somalis... Xaglatoosiye is much better path than Riyaale and your lot, he is meeting the right people that he has business with, other Somali leader, such H.E Sh Aadan Maxamed Nuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this