Sign in to follow this  
OLOL

Yaa Raba Dagaal Sokeeye

Recommended Posts

OLOL   

This is a "Rough Excerpt" of a informal dialogue I had with an elderly Somali gentleman whom I met in Caribou Coffee. From his accent, I could tell he was from Xamar. I was reading-through news from the many clannish sites when he came up to me unswervingly to shoot the breeze since I was the only Somalis in Coffee joint. He was very social and chatty. As usual, we discussed Somalia' messy affairs.

 

 

SomWarlords%20meeting.gif

 

The photo (of the Warlords )that was the catalyst ice-breaker of the ensuing conversation

 

 

Adeer: " Waa kuwaas qabqablayaashii dagaal ee dalka ka degi waayay 15 sano ee la soo dhaafay sawirka isku gacan qaadayo iyagoo wada faraxsan......Mujirnimadooda ka sakoow, waa kaas Hiiraale gacan qaadaayo Morgan. Muse Sudi, Qanyare, Caato, Indha-Cadde Seeraar iyo dhamaantood waa isku koox oo isku dhan."

 

Yaa ka maqan meesha?

 

Adeer: "Shaati-Gaduud, Aden Madoobe, Ina-Ceydiid, Abdulaahi Yusuf & Maxamed Dheere ..nimanka Soomaaliya ka degi la'dahay waa intaas oo kaliye..."

 

Aaway Somaliland?

 

Adeer: "Reer waqooyigana iyaguna meel sidaa u sii dheer ma jiraan oo waa imaan hadeey kuwan koofurta hishiiyaan"

 

Waxaan su'aalay maxaa la isku heeystaa?

 

Adeer: "Wax la isku heeysto ma jiraan. nimanka jowhar jooga baa Amxaara wata oo haddana ciidamadaan qabiil dib soo dhisayo. Ineey iska dhaafaan taas ilaah ha tusiyo hadeey ku soo darsamaan saaxibadood shaydhaamiinta ah - shan sano ka dib waxaa hubanti ah ineey wadankaan u soo bixi doonaan dad wanaagsan oo mutiqiin ah oo wax soo baraty 'sidaadoo kale' oo soomaalinimo aaminsan."

 

Maxaad hadda ka socda meesha?

 

Adeer: "Jowhar iyo Balcad oo 30 KM oo kaliya isku jira baa la kala fadhiyaa. Madaxweeynihii iyo ra'iisul barlamaankiina waxeey joogaan New York."

 

Xamar-na maxa ka socda ?

 

Adeer: "Waxaa labadan maaalmood Xamar ku soo qulqulmayay wiilashii cabdulaahi qoryaha u soo dhiibay oo ka soo cararay kaneecada iyo Malaria-da dhoobeeyda - ayagoo qoryahoodii Ak47 lacag siistay si eey isku daaweeyaan. ilaa hadda 50 wiil oo dhilmaanyo heeyso ayaa daawo u soo raadsaday Xamar oo cid sidaas u fiirisay eeysan jirin...."

 

Maxaa isbaaradda xamar looga qaadi la'yahay?

 

Adeer: "Xamar waxaa yaalay 45 isbaaro, waxaa la qaaday 41 - Afarta hartay waxaa laga leeyahay Jowhar"

 

Maxaa u maleeynee, ma dagaal kale baa dhacaya oo nimanka qabqablayaasha ma isku dagaali doonaan?

 

Adeer: " Yaa raba dagaal sokeeye? bal ii sheeg? Soomaali dagaal uma baahna oo xiligan dad iyaga iskaaga dhow ma jirto marka qolyahan dagaal baan qaadeeynaa leh waa ka booto, kuwa raba amxaarka ineey soo hogaamiyaan rabana waa ka hanjabaad. Cid maanta rabta dagaal ma leh, Shacabka uun baa la maaweelin. Nimankan wax kale ma baran oon ka aheeyn ineey kolba dhinac isku raacaan oo is qabqabsadaan. Soomaali ineey ka tashato baa haboonaan laheeyd, sidaas beeyna ku socotaa! "

 

Ka waran hadii iyaga oo dhan meel la iskuugu keeno oo bam lagu qarxiyo?

 

Adeer:" waa wanaagsanaan laheeyd...kuwan ilaah uun ba naga qaban karo. "

 

........

 

 

other mudane stuff...

 

He then told me about the delegation of Somali parliamentarians in the city led by the speaker.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this