Liqaye Posted January 29, 2004 War deg deg ah Madaxweynaha dalka Kenya iyo dhamaan hogaamiyayaasha oo si wadda jir ah maanta u saxiixay u gudbidda Wejigga 3 aad ee shirka Nairobi . Hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay hindisaha loogu gudbayo wejigga 3 aad ee Awood qeeybsigga geedi socodka Nabadda. Xaxiixa oo uu ku jiray madaxweynaha dalka Kenya oo dhacay 3;20 PM ayaa loo qaabeeyay qaab ka duwan kii hore kadib markii si gaar ah loo xulay hogaamiyayaasha kala ah Cabdi Qaasim Salaad Xasan C/llaahi Yusuf Axmed Max,ed Qanyare AFrax Muuse Suudi Yalaxoow Sheekh Aadan Madoobe Max,ed Dheere Shariif Saalax Caasha Xaaji Cilmi Sideedaas mas,uul oo ka wakiil ah garabyadda siyaasadda Soomaaliya ayaa lagu si qaas ah qalinka ugu duugay saxiixa kadibna waxaa loo soo gudbiyay dhamaan hogaamiyayaasha Soomaalida oo iyagana sii ansixiyay si ay raali uga yihiin. xafladda oo ka socoto gudaha madaxtooyadda ayaa ah mid albaabadda u xiran saxaafadana aanan loo ogoleeyn hasse ahaatee waxaa lagu waramayaa in hogaamiyayaasha qaar ay soo jeediyeen in liiska saxiixayaasha qaaskaa lagu daro Xasan Abshir Faarax sidda horey loo iclaamiyay.inkastoo aan la ogeeyn sidda ay surta gal ku noqon karto si kastaba ha ahatee saxiixa maanta dhacay waxaa ka maqnaa madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevini oo joogo dalka ingiriiska balse soo wakiishay dhigiisa dalka kenya Mwai kibaki. Warbixinadda xasaasigga ah waxaad ka bogan doontaan marka xafladda soo gabagaboowdo saxaafaddana loo fasaxo gudaha Madaxtooyadda gaar ahaan xarunta xafladda ka socoto. Dahir Abdulle ALasow Nairobi kenya dahiryare@dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites