General Duke Posted August 13, 2007 DFKMG ah & Maamulka Puntland oo heshiis dhinacyo badan kala saxiixdey Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta magaalada Muqdisho waxay ku kala saxiixdeen heshiis dhinacyo badan taabanaya. Heshiiska maanta la kala saxiixdey ayaa wuxuu ahaa mid dhamaystir u ah heshiis ay labada dhinac horaantii bishan ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland xili halkaasi uu booqasho ku yimid Madaxweynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf Axmed. Heshiiskan oo ka koobnaa 6 qodob ayaa waxaa qalinka ku duugey Kuxigeenka Ra'isalwasaaraha Saalim Caliyow Ibrow iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Max'uud Muuse Xirsi (Gen.Cade), waxaana goob joog ka ahaa madax kala duwan oo isugu jirey Madaxweyne C/laahi Yuusuf, wasiirada iyo xildhibaanada baarlamanka, wasiirada Puntland ee la socda Madaxweyne Cade, iyo marti shafar kale. Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa 1: In Puntland ay ciidamadeeda daraawiishta ku wareejiso DFKMG ah oo ay ku biiraan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed. 2: In Lacagta cashuuraha dadban ay dhaqaale ahaan dawlada Federaalka qaybteedu tahay 40%. 3: In Maamulka Puntland qaybtiisa ka helo khayraadka dalka iyo dhaqaalaha soo gala dawlada Federaalka KMG ah. 4: In Ciidamada Badda ee Puntland DFKMG ah la wareegto 5: In ciidamada sirdoonka Puntland DFKMG ah la wareegto. 6:In ciidamada Booliiska ay sii maamusho dawlad Goboleedka Puntland, inta laga dhisayo Booliis Federaal ah. Wasiirka warfaafinta maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Max'ed (Bangax) oo galabta u waramayey Idaacada SBC gaar ahaan Barnaamijka xulka wararka 24-ka saac ayaa sheegay in qaar ka mid ah heshiiska ay Puntland horey u fulisey, sida in ciidamada badda iyo kuwa nabadsugida ay la wareegto DFKMG ah. Dawlad Goboleedka Puntland iyo Dawlada Federaalka KMG ah ayaa tiro ka dhawr jeer waxay saxiixdeen heshiisyo kala duwan, waxaana heshiiskan uu ku soo beegmayaa iyadoo Ra'isalwasaare Cali Max'ed Geedi uu ka maqan yahay Muqdisho uuna ku sugan yahay Magaalada Nairobi. SBC News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 13, 2007 Muqdisho: Dowlad Gobaleedka Puntland iyo Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Oo heshiisyo kala saxiixday. 13. august 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dowlad Gobaleedka Puntland iyo Xukuumada Soomaaliya oo kulamo maalmihii ku lahaa Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta kala saxiixdeen Heshiisyo kala duwan oo qaarkood la dhameystiray. Heshiiskan ayaa waxaa labada dhinac ukala saxiixay raysal wasaare kuxigeenka ka mid ah Xukuumada Soomaaliya iyo Dhinac Puntland oo usaxiixay Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi. Heshiiskan lakala saxiixday qodobo ka mid ah waxaa horay loogu gaaray Magaalada Garoowe,ayadoo dowlada Soomaaliyana ay haatan saxiixday heshiiskan. Qodobada Heshiiska ayaa waxaa ka mid ah. In ay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya la wareegtay ciidamada Daraawiishta Puntland. In ciidamada Bada sidoo kale ay la wareegtay DFKMGS. In ciidamada nabadsugida Puntland ay la wareegto DFKMGS. In Lacagaha Canshuuraha dadban ay dowlada Soomaaliya qeybteedu tahay 40%. In ay Maamulka Puntland qeyb ka yeelato Kheyraadka dalka Soomaaliya iyo dhaqaalaha soo gala dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta ee Maaamulka Puntland C/rixmaan Maxamed Bankax ayaa sheegay in Heshiisyadan ay fuleen qaarkood sida qodobka Lawareegitaanka ciidamada kala duwan Sida ciidamada Sirdoonka ,Ciidamada Daraawiishta iyo Ciidamada Badda. Wasiirka warfaafinta ayaa wuxuu sheegay in heshiiskan uu ku yimid wada hadalo dheer oo ay yeesheen dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ,isagoo sheegay in Puntland balanqaaday fulinta dhamaanba qodobada ka soo baxay Heshiiskan. Mahan markii ugu horeysay ee Puntland iyo dowlada faderaalka ee Soomaaliya ay heshiis kala saxiixdaan ayadoo heshiiskii ugu danbeeyey ka dhacay Magaalada Garoowe markii uu halkaasi tagay Madaxweynaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 13, 2007 DFKMS iyo maamul gobaleedka Puntland oo heshiisyo ku kala saxiixday Muqdisho Last Updated::2007-08-13 21:42:04 Muqdisho:-DFKMS iyo wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland oo indhowaale ku sugnaa caasimada Somaliya ayaa waxa ay maanta si wada jir ah qalinka ugu duugeen heshiisyo kala gedisan Heshiisyadan oo ay labada dhinac u kala saxiixeen Raysal wasaare ku xigeenka DFKMS Saalim Caliyow Ibrow iyo madaxweynaha Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi ayaa waxaa qodobadisa ka mid ah 1-in DFKMS ay si rasmi ah ula wareegtay ciidamada daraawiishta iyo kuwa badda kuwa sirdoonka ee dawlad gobaleedka Puntland . 2-in dawlad gobaleedka Puntland ay gacan ku sii hayso ciidamada boliska inta si rasmi ah laga yag leelayo bolisk Federal lah 3- in lacagaha canshuuraha dadban ee ay qayb ahaan u leedahay dawlada federalku ay tahay 40 % 4- iyo in maamul gobaleedka Puntland uu qaybtiisa ku yeesho khayraadka dalka iyo dhaqaalaha soo gala DFKMS Qaarka ka mid ah qodobadan lagu heshiiyay ayaa labada dhinac waxa ay horay qalinka ugu duugeen magaalada Garoowe halka qaarka kale si rasmi ah loogu dhamaystiray magaalada Muqdisho. HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted August 13, 2007 damadeeda daraawiishta ku wareejiso DFKMG ah oo ay ku biiraan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed. 2: In Lacagta cashuuraha dadban ay dhaqaale ahaan dawlada Federaalka qaybteedu tahay 40%. 3: In Maamulka Puntland qaybtiisa ka helo khayraadka dalka iyo dhaqaalaha soo gala dawlada Federaalka KMG ah. 4: In Ciidamada Badda ee Puntland DFKMG ah la wareegto 5: In ciidamada sirdoonka Puntland DFKMG ah la wareegto. 6:In ciidamada Booliiska ay sii maamusho dawlad Goboleedka Puntland, inta laga dhisayo Booliis Federaal ah. seriously, why don't they just move into garowe? Its very sad that the isms and members of the government of puntland were not able to defend the rights of puntland. Did the federal government pay for the training of all these solders? did they pay for the boats used by the puntland navy? Not does only give her sons to restore statehood, it has to give institutions it has been building for years and to add insult to injury, they want 40% percent of the tax collected from that region. The Somali president should move into garowe and call it today. Am afriad, all puntlanders will be solders pretty soon fighting to protect the south when our own borders are being attacked. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted August 13, 2007 and what the hell is federal Police? isn't police always local, city based? Quote Share this post Link to post Share on other sites