Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: more defectors from Ahmed Diriye [A/QASIN] join Conference

Recommended Posts

Firts it was their leader Xaji Abdi Iman and their political spokesperson's Abdullahi Shiekh Xasan defected. Now up to 15 members join the conference.

 

Fantastic

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** oo uu isbadal ku yimid mowqifkoodii ku aaddanaa shirka Qaran .

 

July 16 2007 Radiofreesomalia.com

 

Golaha Dhaqanka iyo Mideynta Soomaaliyeed ayaa iska badalay Mowqifkiisii hore oo ahaa inuu diidan yahay shirka Qaran ee beelaha Soomaaliyeed, waxaana xubno ka tirsan Golahaan ay shalay qayb ka ahaayeen xubnihii ****** ee Shirkaas ka qaybgalay.

 

Xasan Hilowle Cismaan oo ka mid ah golahaan shalayna ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay furitaankii shirkii Qaran ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid ay tahay in laga qaybgalo, si nabadda dalka looga shaqeeyo.

 

“Waxaan qabaa in shirka laga soo qaybgalo inta dhiman ee ....... ay yimaadaan oo ay qayb ka noqdaan nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya, waayo 17-sano ayaan isku samri waynay, sidoo kalena aan nabadda keeni waynay” ayuu yiri Xasan Kacaan o0o sheegay inaysan waxba tarayn madax adayg la sii wado.

 

Mudane Xasan Kacaan ayaa sheegay inuu ku arkay furitaankii Shirka Qaran xubno badan oo ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Beelaha ******, loogana baahan yahay Maxamed Xasan Xaad iyo xubnaha kaleba inay ka soo qaybgalaan shirka Qaran ee furmay oo aan hakanayn.

 

“Waxaan arkay 15-xubnood oo ka tirsan beelaha Xawaadle kana tirsanaa beelaha ******, kuwaasoo qayb ka ah xubnaha ka yimid Gobolka Hiiraan, waxayna diyaar u yihiin inay nabad ka dhalato dalka, marka waxaan ka soo horjeedaa in laga soo horjeesto nabadda” ayuu yiri Mudane Xasan Kacaan.

 

Mar uukahadlayay Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llahi Sheekh Xasan Mowqifka ay qaateen, ayuu sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo ayna tahay in fikirkooda la raaco, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Xaaji Cabdi Iimaan uu yahay Guddoomiyaha Dhaqanka iyo Midnimada ****** oo aanay jirin cid ka qaadi karta xilkaas, isagoo yiri: “Waxaa doortay Beelaha ******, marka laba qof oo meel joogta waxaan filayaa inaysan ka qaadi Karin xilkiisa”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga Odayaasha Uu Hoggaamiyo Axmed Diiriye oo koox koox ugusoo biiraya Soomaalida Samaha Jecel.

 

Guddiga Fowdada ee sheegta in uu masuul ka yahay Beesha ****** laakin qaran diiyadu ay ku midoobeen ayaa koox koox ugusoo biiraya Soomaaldia samaha Jecel,waxaana ay taasi u muuqataa in Axmed Diiriye iyo dhowr ruux oo kale ay isku sii dhajinayaan golahaa fowdada.

 

Guddiga Fowdada ee sheegta in uu masuul ka yahay Beesha ****** laakin qaran diiyadu ay ku midoobeen ayaa koox koox ugusoo biiraya Soomaaldia samaha Jecel,waxaana ay taasi u muuqataa in Axmed Diiriye iyo dhowr ruux oo kale ay isku sii dhajinayaan golahaa fowdada,iyadoo xalay iyo shalay ay golahaa kasoo go'een odayaal ku abtirsada beesha xawaadle oo horay uga tirsanaa qaran diidyada.

 

Odayaashii soo go'ay ayaa kusoo biiray Soomaalida samaha Jecel,waxaana war murtiyeed ay soo saareen ay ku sheegeen in ay horay u qaldanaayeen hadana ay is ******** waddo aan sax ahayn in ay ku joogeen sidaa daraadeedna ay Soomaalidooda dhinac kasoo raaceen.

 

Lakin Qaran diid Axmed Diiriye ayaa ku dooday in ay Odayaashaasi taageerayaal uun u ahaayeen,oo laakin aysan xubnaha golihiisa ka mid ahayn,waxaase saxafiyiin inta badan kulamada ay ragaasi yeeshaan ka qeyb geli jiray ay sheegeen in ragagasi ay ka mid ahaayeen kooxda Axmed Diiriye,laguna arki jiray kulamadii ay isugu imaan jireen raggan uu Axmed Diiriye Hoggaamiyo.

Warar ku dhow dhow guddiga qaran diidyada ee uu Hoggaamiyo Axmed Diiriye ayaa sheegaya in Hoggaamiyohooda cusub Maxamed Xasan Xaad iyo maamulka gobalka ay wada hadallo usocdaan,uuna ku dhowyahay in uu kusoo biiro Soomaalida samaha jecel

 

Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmooyin.com or carmooyin@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this