Sign in to follow this  
RedSea

The Islamic courts Union victorious..battle of Diinsoor.

Recommended Posts

RedSea   

Like a hot knife through butter,the brave,and noble warriors of the ICU have brought home a victory,handing the combination of Ethiopian invaders and the lame daba dhalif of the TFG soldiers their butts...

 

Ciidanka MMI oo dib isaga Riixay Ciidanka DFGM iyo Kuwa itoobiya iyo dagaalka diinsoor oo Istaagay

Posted to the Web Dec 08, 20:35

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaray goordhow Baydhabo ayaa ku soo waramaya in ciidamada midawga Maxaakimta Islaamiga ay ku guulaysteen in ay dib isaga riixaan ciidamadii soo weeraray oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen kuwo itoobiyaan ah oo la socday Wasiirka Gashaandhiga DFGM Bare Hiirale

 

Ku xigeenka Waaxda Amniga ee Midawga Maxaakimta Sh Mukhtaar Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay khasaaro badan u geysteen ciidamadii soo weeraray dagaalkiina uu hada istaagay

 

Sheekh Muqtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka maanta bilowday ay kula wareegeen 4 gaari oo 2 ka mid ah ay yihiin nooca loo yaqaan Zuuga

 

Sh Abu Mansuur waxa uu sheegay in ciidamadii Ethiopianka ahaa jab lixaad leh ay la kulmeen ayna kala firxadeen isaga oo sheegay in ay ku raad Joogaan

 

Sh ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iska Difaacaan Ciidamada Tikreega ee Horarka ah doonayana in ay dalka Gumeystaan

 

C/fitaax Yare

Baydhabo

Halgan.net

 

Widhwidh online also reports it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Oromia   

Puntland police, residents clash in Bossaso

BOSSASO, Somalia Dec 8 (Garowe Online) - Puntland police aboard armored vehicles surrounded mosques in Bossaso early Friday morning, angering the local population.

 

 

 

Most of the police surrounded al-Rashid mosque, which is one of the biggest mosques in Puntland’s most populated city Bossaso.

 

 

 

Security officials told Garowe Online on the condition of anonymity that the police were ordered to know what subject the weekly Friday religious sermon was about.

 

 

 

Al-Rashid mosque preachers have called on the locals to rise and wage jihad against Ethiopian troops on present Somali soil, and especially in Galkayo, Puntland’s southernmost city.

 

 

 

Civilians praying at the mosque were angered by police interference and began throwing stones, prompting a violent reaction from the police officers.

 

 

 

Gunfire was exchanged between the police and the public, report witnesses. No one has been reported hurt during the incident but residents worried that the incident could trigger more violent reactions from a restless population.

 

 

 

The Puntland administration has taken steps in recent months to curb the rise of local Islamists. Mosques in Puntland are now required to register Friday sermon subjects with local authorities, namely the Ministry of Justice.

 

 

 

President Mohamud “Adde” Muse recently named regional “Security Committees,” which are chaired by Puntland Cabinet ministers to oversee local security concerns.

 

 

http://www.garoweonline.com/stories/publish/article_6376.shtml

Garowe Online News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wadaado propoganda isticmaalo waa i kow. Armay noqotaa Farataag yaan dilnay, sodon gawaarida dagaalkana waan la wareegnay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The fact that they only claimed 4 vehicles probably means they got nothing.

Their spokesperson even claimed they fought Barre Hiiraale even though he is not even near Diinsoor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^The fact of the matter is the other side has not claimed any victory so far and the journalist phone calls to your uncle the biggest camiils of all times, are not being answered.........do not get choked when you are reading the latest from Somaliatalk.com

 

Here are the latest development time-stamped at -12-09-2006, today...

 

Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Agagaarka Diinsoor..

 

Shalab galabnimadii ayaa dagaal aad u qaraar duleedka Magaalada Diinsoor ku dhex maray Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Dowladda Federaalka oo gacan ka helayey ciidamo Itoobiyaan, waxaana dagaalkaasi socday mudo hal saac ah, iyadoo wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya iyo kuwidii Dowladda Itoobiya dib loo soo riixay isla markaana ay khasaaro kala kulmeen dagaalkaasi, waxaa la xaqiijiyey in Dagaalkaasi ciidamadii Dowladda iyo kuwaii Itoobiyaanka ahaa looga qabsaday labo gaari oo kuwa xamuulka ah iyo labo kale oo kuwa dagaalka ah, waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in ay jiraan dhimasho, waxaana sidoo kale la sheegay in dagaalkaasi lagu qabtay maxaabiis isugu jirta Itoobiyaan iyo Soomaali.

 

Warar dhanka kale aan ka helnay aaga hore ee Dagaalka ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Dowladda Federaalka ay dib ugu soo sikadeen goobihii ay markii hore ka yimaadeen, waxaana la sheegay in Ciidamada Maxaakiimtu horey ugu dhaqaaqeen dhinaca xerada Manaas oo ah xero ay degan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

You need more....

Ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed oo caawa ku hoyanaya deeegaanka Raamacade oo ah goobtii ciidamda Tikreega ay kaga soo duuleen degmada Diinsoor.

 

Diinsoor, 08-December-06 ( Qaadisiya.com)

 

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaalkii maanta ka dhacay degmada Diinsoor,waxaana markii ugu horreysay la soo badhigay khasaarihii soo gaaray ciidamadii Tikreega ahaa iyo kuwii la socday ee lasoo marin habaabiyay.

Afhayeenka maamulka islaamiga eegobollada Jubooyinka Sheekh Ibraahim Shukri ayaa u xaqiijiyay shabakada islaamiga Qaadisiya in ciidamadii maanta ku soo duulay degmada Diinsoor laga laayay 15 ilaa 20 ruux oo isugu jira Tikree iyo kuwa la socda,maydadkooda ayaa garxan goobtii maanta ay isku farasaareen labada ciidan.

 

Abuu Zeynab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada cadawga laga qabtay gaari Zuu ah, gaari 37 ah iyo 2 gaarioo nooca UD-ga ah oo kuwa lagu daabulo ciidamada,waxa uunta intaa ku daray in ay jiraan gawaari kale oo ay qabsadeen ciidamada maxkamadaha islaamiga.

 

Sheekh Ibraahim ayaa caddeeyay in khasaaraha la gaarsiiyay cadawga uu intaa ka badan yahay,balse gabalka uu ku dhacay ciidamada maxkamadaha islaamiga,taasoo keentay in ku hakadaan deegaanka RAama cad oo ah halkii ciidamada Tikreega ay ku soo duuleen.

 

Guushan ay gaareen ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxaa suura galiyay Allaah subxaanahu watacaala,waxa ayna haatan ciidamada maxkamadaha islaamiga difaac ugu jiraan goob 70km u jirta magaalada Baydhabo oo ah goobta laga soo abaabulay duulaanka lagu soo qaaday degmada Diinsoor.

 

Mar uu ka hadlayay khasaaraha soo gaaray dhinaca ciidamada maxkamadaha islaamiga waxa uu sheegay in 4 ruux oo qura ay kaga dhaawacmeen Allaah mahadii dagaalkii maanta halka ciidamada cadawga maydadkooda ay garxan yihiin goobtii laysku fara saaray.ALLAAHA AKBAR ALLAAHU AKBAR.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diinsoor, 08-December-06 ( Qaadisiya.com)

With all due respect my dear Nayruus, the fact that both your reports are from the Clan Courts mouth pieces and the one with the famous[Farataag moment] does not place any confidance with your claims.

 

Diinsoor is just another noise, hot air my boy. Much like their 19km from Galkacyu a month or so ago. Their posturing has already started to change..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Nayruus, I think the confusion lies with Somali news mediums. I think they should always put an emphasis on "siday sheegteen" in their reports.

 

Dhib adigu ma lihid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayruus, here is the latest from Shabbeele news, nothing new saxib..

 

Xaaladda Diinsoor oo dagan iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka jira gobolka Baay

 

Diinsoor 09, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Xaaladda deegaanadii shalay ay ku dagaalameen ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa dowladda oo ay la socdeen kuwo Ethiopian ah ayaa saakay dagan, inkastoo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo gudaha magaalada Baydhabo.

 

Wararka laga helayo deegaanada Raama-Cadde iyo Dargo oo qiyaastoo degmada Diinsoor dhinaca Baydhabo ka xiga 30 Km ayaa saakay dagan, iyadoo shalay galab uu halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo la isku adeegsaday nuucyada hubka sida madaafiicda goobta, qoryaha lidka diyaaradaha iyo qoryaha darandooriga uu ku dhex maray ciidamo kala taabacsan Maxkamadaha islaamka iyo Dowladda KMG ah oo sida la sheegay ay ka barbar dagaalamayaan ciidamada Ethiopia.

 

Dagaalkaasi oo ay yar tahay ogaanshaha qasaaraha dhabta ah ee uu geeystay sababo la xiriira isgaarsiinta magaalada oo wali hawada ka maqan, balse labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu dagaalka lagu soo qaaday.

 

K/xigeenka madaxa amaanka maxkamadaha islaamka Sheekh Muqtaar Roobow Abu Mansoor oo saakay u waramay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii shalay ay ku qabteen hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo markii la wareystay uu sheegay in xoog lagu soo galiyay dagaalka.

 

Sheekh Muqtaar waxa uu sheegay in jihaadka uu bilowday tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay soo galeen gudaha Somalia, waxaana uu sheegay in meel walba ay ku weerari doonaan.

 

Dagaalkii shalay waxaa ku geeriyooday in ka badan 20 ruux tiro intaasi ka badana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo, inkastoo uu sheegtay Madaxa waaxda warfaafinta maxkamadaha Sheekh C/raxiim Muuddeey in ay jabiyeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwo la sheegay in ay taageerayeen ciidamada Ethiopia, halka Sheekh Ibraahim Shukri Abu Zeynab oo ah afhayeenka maxkamadaha ee gobolada Jubbooyinka uu ku eedeeyay in ciidamo uu horkacayo Wasiirka G/dhigga dowladda Somalia Col. Barre Hiiraale.

 

Saakay xiriir aanu la sameynay magaalada Baydhabo ayaa dad xog ogaal ah waxa ay Shabelle u sheegeen in la keenay dad ku soo dhaawacmay dagaalkii shalay, iyadoo lagu daweynayo goobo gaar ah oo aan lageynin Isbitaalada.

 

Ilaa 25 baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay wataan ciidamada ethiopia ayaa saakay ka dhaq dhaqaaqay magaalada Baydhabo, iyagoo ku sii jeeda dhinaca Diinsoor si ay u xoojiyaan ciidamada halkaasi ku sugan.

 

Sidoo kale dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa magaalada Buur-hakaba oo ay ku jiraan ciidamada maxkamadaha islaamka, waxaana suurto gal ah in maxkamadaha ay u ruuqaansadaan dhinaca magaalada Baydhabo.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Diinsoor ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii la qaaday xayiraadda hubka ee Somalia, iyadoo golaha amaanka uu ansixiyay qorshe ciidamo african ah lagu keenayo Somalia, taasoo maxkamadaha islaamka ay qaadaceen.

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I have said any, this is not an important engagement to the TFG. Also saxib quit with all the nonsence, "Your uncles" in Kismayu are not gonna get any where. Their brain Xasan Dahir will be dealt with soon enough.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WASHINGTON: Dowladaha Mareykanka iyo South Africa oo kawada hadlay Arrimaha Somalia

Posted to the Web Dec 09, 07:04

 

Washington (PP) - Madaxweynayaasha Dowladaha Mareykanka George W. Bush iyo Dalka South Africa Thampo Mbeki ayaa waxay ka wada haleen arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankoodaan oo ka dhacay Washington ay si weyn ugu nuuxnuuxsadeen arrimaha Somalia.

 

Madaxweyaha Mareykanka George W. Bush ayaa u sheegay dhiggiisa South Africa in Somalia ay halis ku noqon karto gobolka Geeska Afrika iyo Qaaradda Afrika oo dhan hadaan la helin dowlad xoog badan oo howlaha dalkaas maamusha.

 

Bush ayaa sheegay in loo baahan yahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya gacan xoog badan la siiyo si ay ugu suurogasho inay gacanta ku qabato dalka Soomaaliya oo dhan oo uu sheegay in rabshado isdaba joog ahaa ay dhibaatooyin u geysteen.

 

"Waxaa ku sugan gudaha Soomaaliyo koox xiriir toos ah la leh Argagaxisada, waxayna damacsan yihiin inay dhibaatooyin ka geystaan qaaradda Afrika oo dhan, waana tan Maryekanku doonayo inuu ku boorriyo South Africa inay wax ka qabato" ayuu yiri Madaxweyne Bush oo warbixin siiyay Wakaaladda Wararka ee AP ee dalka Mareykanka.

 

Sidoo kale Madaxweynaha South Africa Thampo Mbeki oo la hadlay saxaafadda kaddib shirkii uu la qaatay Madaxweyne Bush ayaa sheegay in South Africa ay garan istaagayso Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay awood ugu yeelato inay gacan ku wada qabato dalka oo dhan.

 

Kulankaan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay uu dagaal ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya kaasoo kii ugu horreeyay ee si toos ay isaga horyimaadaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Midoobay.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Shabbale's usual " Victory for courts" has turned into "Quite in Diinsoor". Funny that.

General Duke,

I think Shabelle has saved itself. Read this from Scotsman.com that's on SOL front page:

Confusion in Somalia over call to fight Ethiopians (The Scotsman)

 

It looks like something has gone wrong for ICU in Central Somalia and they are using the one person whom most somali looked with deference if not regard: Shiek Sherif to tell untruth and battles that never happened.

ICU must be desperate to use the one person that had some credibility in a news which by all accounts looks like Fartaag moment.

 

There was an exchange of fire 20km away from Dinsoor and some are saying that it started between local militia who support TFG against ICU.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayruus, 10 days you say, well thats fine. Though I would not want you to change sides when the Clan Courts lose, we have noted your flip floping and fake nationalisam. Your latest side was the one that burned the flag after all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this