Cowke Posted July 12, 2010 Golaha Wasiirada Puntland Oo Maanta Kulankoodii Kaga Hadley Arrimo badan July 12, 2010 0 comments | leave your own! Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay magaaladda Garoowe ee Caasimada Puntland,waxaana uu ahaa mid looga hadlaayay arimo badan iyadoo ay kasoo qaybgaleen inta badan Wasiirada Xukuumada Puntland,waxaana shir guddoominaayay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud. Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdulaahi Maxamed Faarax Aswad oo kulankaasi ka dib la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in kulankaasi waxyaabaha looga hadlay ay ka mid ahaayeen; -Socdaalkii dalka Itoobiya ay ku tageen masuuliyin ka tirsan Puntland oo uu hogaaminaayay Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo dib ugu soo laabtay dalka. -Wefdigii ka socday Qaramada Midoobay oo shalay booqasho ku tegay magaalada Garoowe lana kulmay Madaxweynaha Puntland iyo golaha Wasiirada -Amniga magaaladda Bosaaso Wuxuu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire uu kulan ka hor jeediyey khudbad uu kaga hadlaayay safarkoodi iyo masuuliyinti ay halkaas kula kulmeen. Khudbada Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ku jirtey in Dawladda Itoobiya ay deeq waxbarasho oo gaaraya 100-arday ugu deeqday Puntland isla markaana dhowaan ay halkaas tegi doonaan masuuliyin ka tirsan Wasaarada waxbarashada Puntland si ay u soo dhamaystiraan heshiiskaas,siduu sheegay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Puntland. Mudane Aswad ayaa sheegay in guddi gaar ah oo qaabilsan arrimaha amaanka lagu dhawaaqay kuwaas oo ka shaqayn amaanka Bosaaso xilli mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal amaan darro ah. Dhowaan Madaxweynaha Puntland ayaa kulan looga hadlaayay arrimaha amaanka la qaatay Guddoomiyaha gobolka Bari iyo Duqa magaaladda Bosaaso. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 12, 2010 Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo Ka Hadley Safar Uu Ku Tegay dalka Ethiopia July 12, 2010 0 comments | leave your own! Wasiirka Waxbarashada Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyey safar dhowaan uu ku tegay dalka Itoobiya halkaas oo u aaday arimo la xirrira horumarinta heerka waxbarashada Puntland. Dr.Cabdi Faarax Juxa oo maanta la hadlaayay Horseed Media ayaa sheegay inuu dalka Itoobiya kula kulmey masuuliyinta Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Itoobiya una ka mid yahay Wasiiru dowlaha Waxbarashada Xukuumada Itoobiya Dr.Hayle. Wuxuu sheegay in Dawladd Itoobiya ay aqoonsatay iminka Shahaadooyinka dugsiyada sare ee Puntland taasna ay sahlayso in ardayda reer Puntland ee ka baxa dugsiyada sare ay si fudud ku geli karaan jaamacadaha ku yaalla dalkaas. ”…Waxaan kala hadalnay sidii ay inooga caawin lahaayeen deeqyada waxbarashada,shuruud waxaa ay ku xireen in aanu keeno manhajyada,shahaadooyinka iyo imtixaanka sidii qiimeyn ay ku samayn lahaayeen,waana geynay oo waa ay aqoonsadeen…”,ayuu yiri. Dr.Cabdi Faarax Juxa ayaa guul ku tilmaamay talaabadan oo ay Dawladda Itoobiya ku aqoonsatay shahaadooyinka dugsiyada sare ee Puntland. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites