Saalax Posted October 2, 2010 Badhasaabka Sanaag oo Kulan Dhinacyo Badan Taabanaya Layeeshay Cuqaasha. Ceerigaabo(OODWEYNENEWS) Kulankan oo Badhasaabka ay ku weheliyeen taliyayaasha ciidammada (boliiska asluubta iyo millateriga) gobolka Sanaag kana dhacay Xarunta Maammulka Gobolka Sanaag saxaafadduna goob joog ka ahayd ayaa arrimo dhinacyo badan oo badhasaabka iyo cuqaashu kaga wada hadleen waxa ugu muhiimsnaa Adkaynta arrinaha nabadgelyada iyo Wax ka qabashada xaalufinta dhirta/dhuxusha iyo weliba Shakhsiyaadka weli ku afduuban degaanka Laasqoray sidii looga hawl geli lahaa sii deyntooda. “Waxaynu maanta isugu nimid sidii horeba maammul ahaan iyo cuqaal ahaan aynu u wada shaqayn jirney in aynu u wada shaqayno iyo mgaha ama waxyaabaha laysku leeyahay in lyska bixiyo waayo waxaynu ognahay arrimo badan oo noocaas ahi in ay dadka dhexdooda ka jiraan, waxyaabahaasina waa shaqadii caaqilku lahaa oo aan si guud idiinku baraarujinayo in aad ka hawl gashaan”. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Nabadgelyada magaalada iyo gobolkana in aad hormuud u noqotaan oo xukuumadda iyo ciidammada nabadgelyada ku hawllan aad kala shaqaysaan oo aan idiinsoo jeedinayo, waayo ciidammadu haddii aanay helin taageerada dadweynaha aad wakiilka ka tihiin arrintaasi waa inna saamaynaysaa in cid lagu eegona ma aha”. “Waad ogtihiin xukuumadda iyo dadweynuhu waa wax isku mid ah danteennuna waa nabadgelyada iyo horumarinnta dalka iyo gobolkeennaba oo aynu ka wada shaqayno”. Badhasaabku isagoo ka hadlaya dhinca gumaadka dhirta iyo dhibaatooyinka dhuxusha ka dhashayna wuxu yidhi “Dhuxusha iyo dhibaatooyinka ay innaku hayso iyadoo cidda shidaysaa ay tahay dadkii aad cuqaasha u ahaydeen taas lafteeda si mug leh in wax looga qabto oo iska kaashanno iskana joojinno dhuxushaas ayaa loo baahan yahay, iyadoo arrintaas halkan maanta aan uga mahad naqayo degaanka Fiqifuliye oo iska xilsaaray kuna guulaystey in ay iska joojiyaan dhuxushaas iyo degaannada Yufle iyo Siraadley oo iyaguna arrintaas ku hawllan. Degaannada kale ee weli gumaadkii dhirtu ka socdo iyagana waxan ku boorrinayaa arrintaas in ay iska xilsaaraan waayo haddii aan degaanku iska joojin ma jiro ciidan awood iyo dhaqaale kaga hawl gelaya oo u astaysani”. Ugu danbayn isagoo ka hadlaya shakhsiyaadka ku afduuban degaanka Laasqoray ayuu yidhi “Waxa jirta in shakhsiyaad ganacsato aan waxba geysan lagu afduubay gobolkeenna iyagoo hawlo ganacsi u socdey, laguna haysto buuraleyda waana arrin aan hore innoosoo marin oo loo baahan yahay cod iyo ficilba in aynu kaga hawl galno inkastoo waayeel degaannada Badhan iyo Laasqoray ahi ku hawl-ln yihiin sidii dadkaas loo soo deyn lahaa oo waajibkaas ay gudanayaan aan ugu mahad naqayo haddana dadkas aan waxba galabsani waxay weli ku jiraan gacanta afduubayaashii”. “Dhacdadaasoo aannu gobol ahaan aad iyo aad uga xun nahay waxannu ku baaqaynaa baaqaynaa in shuruud la’aan dadkaas lagu sii daayo. Gaar ahaan Suldaanka guud (Suldaan-Siciid Suld-C/Salaan) oo aannu ognahay in uu ku hawl-lan yahay iskana xilsaray iyo waxgaradka kale ee degaankaas waxannu ku boorrinaynaa in uu sii ballaadhiyo oo waqtigiisoo dhan u huro sii deynta nimankaas aan waxba galabsane buuraha dhexdooda lagu haysto. Arrintaas oo saamayn ku yeelatay guud ahaanba isu socodkii iyo ganacsigii gobolkan” . Taliyaha boliiska gobolka Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud ayaa isaguna hadal kooban oo uu kulankaas ka jeediyey waxa ka mid ahaa”Arrinta afduubka oo ah wax aan hore loo arki jirin islamarkaasna guud ahaan gobolka gaar ahaanna degaanka Laasqoray fool-xumo innaku ah waxan leeyahay halkaas yaanay innaku dhaafin hana laga hawl galo sidii shakhsiyaadkaas xorriyaddooda loogu soo celin lahaa, annaguna diyaar waxannu u nahay waayeelka in aannu gacan idinka siinno wixii idinku adkaada”. Taliyaha ciidanka asluubta gobolka Sanaag Maxamed Digaale ayaa isaguna yidhi arrimo badan oo xagga nabadgelyada ah ayaa jira laakiin weli waxba ma dhicin balse waxa soo ifafaalaysa nabadgelyo xumo waana in aynu ka hor tagnaa”. Guud ahaan xubnihii cuqaasha ee iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ka garaabay dhalliilaha waxqabakooda, arrimaha qarkoodna tibaaxay xagga xukuumadd oo aanay ka helin gacantii loog baahnaa islamarkaasna waxay ballan qaadeen si mug leh in ay uga hawl geli doonaan wax ka qabashada arrimaha keeni kara nabadgelyo xumada ee gobolkan ka jira. Oodweynenews.com/Ceerigabo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 2, 2010 That is good cuqaasha iyo salaadinta dalka wa inay la shaqeyaan mamuulka gobolka iyo booliska iyo wixi la mid ah, is afgaradku halkasu ka imanaya Quote Share this post Link to post Share on other sites