Sign in to follow this  
ANWAR

Wargeyska Geeska Afrika oo Waraysi khaas ah la yeeshay Guddoomiyaha Midawga Maxkamada

Recommended Posts

ANWAR   

Waraysigan Sheekh Shariif, oo isaga oo jooga Magaalada Xamar , Wargeysku kula xidhiidhay khadka Telefoonka, waxa uu u dhacay idan:

 

S:Waxaad ka adkaateen hoggaamiye s Kooxeedyadii Magaalada Muqdisho. Maxay tahay tallaabada ku xigta ee aad hadda qaadaysaan?

 

J:Marka u horaysa hoggaamiye kooxeedyada waxa ka adkaaday waa shacbiga Soomaaliyeed ee ay 16ka sanno dhibaatada ku hayeen. Waxa ka dhacay Magaaladuna waa Kacdoon dadweyne oo ay hoggaaminayeen Maxaakiinta Islaamiga ahi, waxa la rabo in la sameeyana waa in umadda Soomaaliyeed talladeeda iyadu gaadho si ay caqabaadka uga baxdo.

 

S:Sheekh Shariif, Muqdisho waxa ku sugan hoggaamiye kooxeedyo kale, kuwaas iyaga Maxaad ka yeelaysaan, Mise ujeedadiinu waxay ahayd inaad Maxamed Qanyare ka saartaan Muqdiso?

 

J:Arrintu waxay tahay Maxamed Qanyare wax wanaagsan ayuu qabtay ragga kalena Qabaa’lkoodii ayuu wada hadal noo socdaa si ay u sameeyaan sidii Maxamed Qanyare. Haddee haddii ay sidaas samayn waayaana kacdoonka Magaalada Muqdisho ayaan go’aan ka qaadan doona

 

S:Magaalada Jawhar, oo uu ka taliyo hoggaamiye Kooxeedka Maxamed-Dheere, iyada maxaa idiinka qorshaysan. Miyaad weeraraysaan?

 

J:Haddee hadda waxaanu joognaa Magaalada Muqdisho, waxaanan doonaynaa in Magaalada Muqdisho xalkeedu dhinac isu raaco.

 

S:Waxa la isla dhex marayaa in Magaalada Jawhar uu soo gaadhi doono saanad Milatari iyo ciidamo shisheeye oo xoogani. Arrintaas maxaad ka ogtahay?

 

J:Haddee, Warkaas aad sheegayso waanu maqalnaa laakiin warka xaqiiqadiisa ma hayno

 

S:Dawladda Cabdillaahi Yuusuf, waxa ay ugu baaqday Maxkamadaha inay hubka ku soo wareejiyaan, haddana way beenisay. Arrimahaasi maxay daaranyihiin?

 

J:Haddee, Mawqifka dawladu waa mid aan salaysnayn, markaas waxay ila tahay in arrintaasi wax badan oo shaki ah dhallin karto.

 

S:Sheekh, Ujeedada Midawga Maxkamadaha doodo badan ayaa ka taagan. Idinku waxaad sheegtaan oo aad ku doodaan inaad tihiin Kacdoon dadweyne. Dad kalena waxay qabaan inay arrintu sidaas ka duwantahay oo aad doonaysaan inaad Geeska Afrika u samaysaan dawlad Islaami ah. Arrimahaas maxaad ka odhan?

 

J:Marka u horaysa, Maxkamdahan ama Kacdoonkan shacbiga ujeedadiisa u weyni waxay ahayd inay Magaalada Muqdisho ku soo dabaalaan nabad in badan oo ka mid ahna waa la xaqiijiyay. Intaas wixii ka badana shacbiga ayaa ka tashanaaya inuu Kitaabka Quraanka ah iyo Sunadda Nebiga (SCW) isku xukumayo iyo haddii uu wax kale qaadanayo isagaa laga rabaa wuxuu qaadanayo, laakiin annagu waxaanu nahay dad u istaagay inay nabadaas dhalliyaan kuna dhalliyaan Diinta Islaamka. Markaas shacbigu maadaama ay arkeen wanaaga ay diinta Islaamku leedahay iyagaa laga rabaa inay tallo keenaan.

 

S:Guddoomiye, Dawlada Maraykanku waxa ay sheegtay inay samaynayso dawlado ka shaqeeya danaha Soomaaliya. Dabcan dhawaaqaas dareeno kala duwan ayaa laga bixiyay. Adigu sideed u aragtaa?

 

J:Waxaan isleenahay Waagii hore Maraykanku hawlo badan ayuu ka waday halkan(Muqdisho) waxaana ugu wacnaa Macluumaadka beenta ah ee laga siinaayay Soomaaliya oo ay siinayaan hoggaamiye kooxeedyada oo ujeedadoodu ay ahayd inay Maraykanka ka qaataan lacago badan. Markaas Maraykanku inuu tashado oo uu dawlado kale la tashado waxaan isleeyahay waxa ka iman kara go’aano fiican.

 

S:Sheekh Shariif, Waxaad la socotaa in Somaliland tahay dawlad Madaxbanaan oo samaysay horumar dhinacyo kala duwan leh. Haddii aad ku guulaysataan inaad Koonfurta Soomaaliya gacanta ku wada dhigtaan. Miyaad u soo tallaabaysaan dhinaca Somaliland?

 

J:Somaliland mar hadday nabadi ka jirto annaguna [Midawga Maxkamadaha] diyaar uma nihin dagaal inaan ka ridno, waanan ku amaanaynaa shacbiga reer Somaliland wanaaga ay sameeyeen. Ahmiyadu waxay tahay in dadka Soomaaliyeed mid yihiin diin ahaan iyo dhaqan ahaan, dhalasho iyo deegaan ahaanba, Soomaaliya oo mar hore la kala daldalayna waxa muhiim ah in laga shaqeeyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed, laakiin dariiq wada qanciya oo dadku ku wada qancaan in loo maro weeye.

 

S:Laakiin Midnimadaas Soomaaliya ee aad carrabka ku dhufatay, dadka reer Somaliland diyaar uma aha oo Distoorka Somaliland waxa loogu codeeyay 97% waxaanay leeyihin midnimo dambe dagaal ayaanu ka xignaa. Taas maxaad ka odhan?

 

J:Dagaal xal ma noqon karo, deegaan degen oo go’aanadiisa gaadhay xoog in lagu muquuniyo arrin sax ah maaha. Laakiin Walaaloow waxaad ogtahay in dadka Soomaalidu ay wax badan iskaga dhaadhicin karaan wada hadal. Haddii Soomaalida Koonfureed ay wanaag keenaan waxaan isleeyahay Reer Somaliland way aqbalayaan oo in la midoobo oo si sax ah wax la isugu darsado si sax ahna wax loo wadaago way ogolaanayaan.

 

S:Sheekh Shariif, Waxa Midawga Maxkamadaha ee aad adigu ugu yeedhayso Kacdoonka dadweynuhu ku doodayaan inaad ka damqateen dhibaato shacbiga Koonfureed lagu hayo. Dadka reer Somaliland muddo dheer ayuu taliskii Siyaad Barre dhibaato ku hayay oo dad badan ayuu xasuuqay oo reer Somaliland. Waagaas maxaad uga damqan weydeen dhibaatadaas reer Somaliland lagu hayay?

 

J:Anigu waagii Maxamed Siyaad Barre, nin yar ayaan ahaa oo masuuliyad ma hayn codkayguna dadka ma gaadhi karayn, markii aan wax qaban karayay ee ugu horaysayna waxay ahayd hadda. Haddee wixii Soomalida ku dhacay iyo wixii Somaliland ku dhacay labadaba aad ayaanu uga xunahay oo raali kama nihin imikana raali kama nihin Somaliland in wax dhibaato ahi ay gaadhaan.

 

S:Waxaad tahay nin Sheekh ah oo Aqoonyahan ah dalka Liibiyana wax ku bartay, haddana Midawga Maxkamadaha ayaad hoggaamisaa. Adigu sideed u aragtaa gooni isu taagga Somaliland?

 

J:Somaliland arrinteeda waynu ka hadalnay ee maaha inaynu caawa oo dhan ka hadalno

 

S:Dhawaan Hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, mar uu ka hadlayay Xaaladda Cusub ee Muqdisho, waxa uu bixiyay laba dareen oo uu mid ku soo dhaweeyay isbedelka Muqdisho iyo mid uu ugu digayay Midawga Maxkamadaha Muqdisho ee aad adigu hoggaamiso uu oo uga digayay inay faraha la soo gallaan Somaliland oo xorriyadeeda dhiig badani ku daatay. Hadalkaas Faysal sideed u arkaysay?

 

J:Walaalkay[Faysal Cali Waraabe] waxaan u sheegayaa annagu[ Midawga Maxkamadaha] inaanaan ka shaqaynayn dhibaato cid gaar ah Somaliland ama Soomaaliya midna ee wanaag ayaanu ka shaqaynaynaa waxaanan doonaynaa wixii aanu qaban karno inaanu qabano.

 

S:Waxa jira wada hadal idiin socda idinka iyo Dawladda Cabdillaahi Yuusuf, waxaana Baarlamaanka Baydhabo la soo hordhigay oo uu ka doodayaa ciidamo shisheeye oo dalka la keeno, idinkuna ciidamo shisheeye waad ka soo horjeedaan. Markaas sidee ayuu wada hadal idiinku socdaa, sideedse u aragtaa ciidamo shisheeye oo dalka Soomaaliya la keeno?

 

J:Arrintaas dalabka ciidamada Shisheeye waxaanu u aragnaa inuu yahay khiyaamo Qaran, Soomaaliya sabab maanta loo keeno ciidamo shisheeye ma jiraan, arrimihii ugu cuslaa ee ka jiray Magaalada Muqdishana way dhammaadeen shacabka Soomaaliyeed ayaana xallinta arrintaas u istaagay Illaahayna waa ku garab galay.

 

S:Sheekh Weligaa Hargeysa ma aragtay?

 

J:Hargeysa waan arkay waxaana iigu dambaysay sannadkii 2002-dii.

 

S:Sannadkan aad timid magaalada Hargeysa waa wakhti dhow oo afar sanno ayaa ka soo wareegtay. Maxay ahayd ujeedada aad Hargeysa u timid?

 

J:Waxaan Hargeysa u tagay hawlo gaar ah oo safar ayaan ahaa oo waan sii maray

 

S:Maxaad odhanaysaa shacbiga Somaliland oo si gaar ah ula socda Marxaladda cusub ee Magaalada Muqdisho?

 

J:Shacbiga reer Somaliland runtii waanu uga mahadcelinaynaa wanaaga ay gaadheen iyo hawlaha ay qabteen. Haddee Caasimadda Soomaaliyana hanti badan iyo xuquuq badan ayay ku leeyihiin waxaan ka shaqaynaynaana waa in qof waliba xuquuqdiisii iyo wixii uu lahaa ka helo, waxaanan rajaynaynaa inay halganka dhinacooda uga jiraan kuna baraarugaan inay tahay hawl laftigooda dhinac ka qusaysa.Aniga waxba igama khuseeyaan [Madaxda Imbigaati], iyagana lama xidhiidhayo ee dawlada Kenya ayaan la xidhiidhayaaâ€

 

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Su'aal
: Sheekh Shariif, Waxa Midawga Maxkamadaha ee aad adigu ugu yeedhayso Kacdoonka dadweynuhu ku doodayaan inaad ka damqateen dhibaato shacbiga Koonfureed lagu hayo. Dadka reer Somaliland muddo dheer ayuu taliskii Siyaad Barre dhibaato ku hayay oo dad badan ayuu xasuuqay oo reer Somaliland. Waagaas maxaad uga damqan weydeen dhibaatadaas reer Somaliland lagu hayay?

 

Jawaab
:
Anigu waagii Maxamed Siyaad Barre, nin yar ayaan ahaa oo masuuliyad ma hayn codkayguna dadka ma gaadhi karayn
, markii aan wax qaban karayay ee ugu horaysayna waxay ahayd hadda. Haddee wixii Soomalida ku dhacay iyo wixii Somaliland ku dhacay labadaba aad ayaanu uga xunahay oo raali kama nihin imikana raali kama nihin Somaliland in wax dhibaato ahi ay gaadhaan.

 

Su'aal
: Waxaad tahay nin Sheekh ah oo Aqoonyahan ah dalka Liibiyana wax ku bartay, haddana Midawga Maxkamadaha ayaad hoggaamisaa. Adigu sideed u aragtaa gooni isu taagga Somaliland?

 

Jawaab
: Somaliland arrinteeda waynu ka hadalnay ee maaha inaynu caawa oo dhan ka hadalno. [
:D:D:D
]

Su'aalo xumaa, oo qaabdaranaa. Jawaabyo fiican ayaa la siiye, walaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this