Sign in to follow this  
General Duke

Speaker PM arrive in Mogadishu..

Recommended Posts

Muqdisho: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka warbixiyay safarka uu Muqdisho ku yimid

20. Mar 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada socdaalka uu Muqdisho u yimid ay tahay sidii uu booqasho ugu sameyn lahaa caasimada Muqdisho isla markaana wadatashiyo uu la sameyn lahaa Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay in xaalada magaalada Muqdisho in ay tahay mid aysan jecleysan dadka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in dhanka kale ay tahay magaalo xudun u ah dalka Soomaaliya loona baahan yahay in dhibaatada ka jirta laga wada shaqeeyo sidii looga saari lahaa.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegay in imaashahiisa Muqdisho uu aad ugu faraxsan yahay isla markaana marxalada ka jirta uu shacabka Soomaaliyeed la qeybsan doono shacabka.

 

"Magaaladii waa caasimadii dalka Soomaaliya, waxaana waajib igu ah inaan shacabka la qeybsado dhibaatada iyo marxalada kale ee ka jirta Muqdisho, waana waajib i saaran" ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay tahay xarunta uu Baarlamaanka KMG ah ku shaqeynayo, balse ujeedada socdaalka uu Muqdisho ku yimid ay tahay booqasho iyo wadatashi.

 

Sh. Aadan Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii xasiloonadii dib loogu soo celin lahaayeen magaalada isla markaana lala shaqeeyo dowladda Federaalka si maamulkii iyo kala danbeyntii dalka uu u soo noqdo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Ra'iisul wasaare Geeddi iyo Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho soo gaaray kulammo irrida u xiran-yihiinna la leh Madaxweyne Yuusuf

 

Posted to the Web Mar 20, 11:54

 

 

Muqdisho (PP) – Waxaa ka soo dagay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho wafdi ay si wadajir ah u hoggaaminayaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

 

 

 

Mas’uuliyiintaan iyo xubnaha ay hoggaaminayaan oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdsiho ayaa waxaa durba ay abbaareen dhanka Madaxtooyada Soomaaliya halkaasoo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay kulammo kula qaadanayaan hadda Madaxweyne Yuusuf.

 

 

 

Wafdiga ayaa waxay mareen ka hor intii aanay gaarin Madaxtooyada Xarunta UNDP ee Muqdisho, waxaana halkaas ay kulammo kula qaateen xubno ka tirsan UNDP-da oo ku sugnaa xarunta, inkastoo aan la sheegin waxa ay dhab ahaan uga wada hadleen.

 

 

 

Kulankaan albaabbadu u xiran yihiin ee ay saddexda Mas’uul ee dowladda ugu sarreysa ku leeyihiin Madaxtooyada ayaanay jirin cid ka tirsan saxaafadda oo ka qaybgashay, waxaana saxaafadda loo diiday inay kulankaas ka qaybgalaan, iyadoo kulankaan xitaa waxa ka soo baxa loo diiday inay saxafiyiintu sugaan.

 

 

 

Waa markii ugu horreysay oo kulan noocan oo kale ah uu ka dhaco Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in kulankaan uu salka ku hayo sidii ammaanka Muqdisho wax looga qaban lahaa.

 

 

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa wuxuu safarkaan u noqonayaa midkii ugu horreeyay oo uu ku yimaado Muqdisho isagoo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka, lamana sheegin xiliga uu dib ugu laabanayo Xarunta Baarlamaanka ee Baydhabo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

RW.Geedi iyo G/Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

Last Updated::2007-03-20 13:39:07

 

Muqdisho:- Waxaa maanta oo ay tahay Talaado 20ka Maarso 2007 soo gaaray magaalada Muqdisho Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Prof.Cali Maxamed Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kasoo degay Airporka Muqdisho halkaasi oo ay keentay diyaarad khaas ah.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay.

 

Amniga Airporka iyo nawaaxigiisa ayay si weyn u sugeen ciidamada AMISOM, ayadoo labada mas'uul oo ay galbinayaan ciidamada DFKMG ay u gudbeen xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu ku sugan yahay Madaxweyne C/laahi Yusuf Ahmed oo Muqdisho joogay maalmihii lasoo dhaafay.

 

Geedi ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta kale ee jooga Muqdisho uu uga warmo arrimo la xariira safarkii uu dhawaan ku tagay dalka Kenya, ee uu Ra'iisul Wasaaraha kula kulmay Beesha Caalamka oo laga codsaday in ay bixiso dhaqaalaha ku baxaya Shirka Dib u heshiisiinta oo dhawaan ka furmi doona Muqdisho.

 

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowlada Federaalka ay ka wada hadlaan qorshaha la doonayo in lagu adkeeyo Amniga magaalada Muqdisho oo lagu wado inuu dhawaan si rasmi ah u bilowdo.

 

Dhawaan ayuu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey in ay Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirada u guuraan magaalada Muqdisho, ayadoo Golaha Wasiirada qaarkooda aysan usoo wareegin dhinaca Muqdisho oo ay beryahan ka dhacayeen weeraro kala gedisan.

 

Madaxweyne C/laah Yusuf ayaa asagu maalmahan ku jiray wadahadalo uu la yeelanyo mas'uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada Dowlada.

 

Xalay iyo maalmihii lasoo dhaafay ayaa marar badan weeraro kala gedisan oo madfac ah lala beegsaday xarunta Madaxtooyada ee uu degan yahay Madaxweynaha.

 

Xarunta Villa Soomaaliya ayey hada ku sugan yihiin ciidamada AMISOM, ayadoo uu Madaxweynaha ku eedeyey weerarada lala beegsado Villa Soomaaliya iyo xarumaha kale haraadigii Maxaakiimtii mar ka talin jiray magaalada Muqdisho.

 

Imaanshaha Ra'iisul Wasaarah iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah mid muhiim ah ayadoo ay tahay markii ugu horeysay tan iyo intii Dowlada Federaalka Soomaaliya la dhisay 2004, oo ay sadexda Mas'uul ee ugu sareeya Dowlada Federaalka kuwada kulmaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

baarlamanka Soomaaliya Sh Aadan madoobe "Aad ayaan ugu faraxsanahay Muqdisho in aan imaado shacabkana waxaan ugu baaqayaa in ay dowladooda la shaqeeyaan"

 

Guddoomiyaha baarlamanka dalka Soomaaliya Sh Aadan maxamed Nuur (Sh AadanMadoobe) oo maanta uun soo gaaray magaalada Xarunta ah dalka Soomaaliya ee Mqudisho ayaa muujiyay sida aadka ah ee uu ugu faraxsan yahay

 

Guddoomiyaha baarlamanka dalka Soomaaliya Sh Aadan maxamed Nuur (Sh AadanMadoobe) oo maanta uun soo gaaray magaalada Xarunta ah dalka Soomaaliya ee Mqudisho ayaa muujiyay sida aadka ah ee uu ugu faraxsan yahay in uu yimaado xarunta dalka ee Muqdisho,waxaana uu sheegay in maanta ay u tahay maalin taariikhi ah maadaama uu Muqdisho yimid markii ugu horreysay isagoo ah guddoomiye baarlamaan qaran.

 

"Aad ayaan ugu faraxsanahay Muqdisho in aan imaado shacabkana waxaan ugu baaqayaa in ay dowladooda la shaqeeyaan"ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka dalka SOomaaliya madoobe oo sheegay in uu Muqdisho u yimid wada tashiyo uu la yeelanayo maxdaxweynaha iyo ra'isulwasaraaha oo wada jira.

 

"Waxaan ugu baaqaya sahcabka Soomaaliyeed in ay si buuxda u la shaqeeyaan dowladooda ayna iska iloobaan wax kasta oo ah dhibatooyin horay u dhacay"ayuu yiri guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Sh Aadan madoobe.

 

Guddoomiyaha baarlamanku waxaa uu sheegay in golaha xukuumaddu Muqdisho usoo guurayo,laakin uu baarlamanku Baydbo kusii nagan doono ilaa iyo waqti aanu cayimin

 

Guddoomiyaha baarlamanka iyo Ra'isul wasaaraha dalka Soomaaliya oo maanta soo gaaray Magaalda Muqdisho ayaa kulan albaabada loo laabay la yeeshay madaxweynaha dalka Soomaliya C/llahi Yuusuf,waxana kulankaa oo ka dhacay xarunta madaxtooyada looga hadlay sida warar ku dhow dhowi sheegayaan arrimaha amaan suigidda Muqdisho,soo guuritanka golaha xukuumada iyo qodobbo kale

 

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Contant:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this