General Duke Posted May 16, 2008 Wakiilka Q. Midoobay oo ku guuleystay kala Qeybinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta, oo Sheikh Shariif Sheikh Ahmed oo Taageerayaal badan ku leh Soomalida dhexdeeda la soo bandhigay qoraalkii uu Nairobi kula galay Q. M oo khilaafsan Warkii uu bbcda AfSoomaaliga ka siidaayey bilaawga Usbuucan oo ahaa inuusan wada hadal la geleynin dowlad ku sheegta Somaliya oo ********** u ah gumeysiga Itoobiya. La yaab badanaa qof Diin Sheeganaya oo Afkiisa iyo Uurkiisu kala duwan yahay!. Soomaaliyeey ya la aaminaya? 16 May 2008 Asmara: Wararka ka imanaya Dalka Eritrea ee laga soo xigtay Xarunta Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ayaa Sheikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Gudoomiyihii golaha Fulinta ee Maxkamadaha Islaamka iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ah gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa la sheegay in ay heshiis la soo galeen Q.M, kaas oo aysan raali kawada aheyn ama aysan la wada socon Isbahaysiga Asmara, ayna soo qaateen go'aan ah in ay la hadlayaan Dowlad ku sheegta Federaalka Soomaaliya ee dalka soo gelisay Ciidamada Itoobiya oo shacabka Soomaaliya Xasuuqay. Sheikh Shariif Sheikh Ahmed ayaa lagu eedeynaya in heshiiska uu la soo galay Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Warkii uu Idaacadaha ka baahiyey aysan is lahehey. Sheikh Shariif Sheikh Ahmed ayaa bbcda ka sheegay inuusan hor fadhiisan doonin Dowlad ku sheegta dabadhilifka u ah Ethipia. KA DHAGEYSO HALKAAN WAREYSIGI UU BBCda SIIYEY [/b] . Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 16, 2008 Audio of flip flopper talking big http://www.bbc.co.uk/mediaselector/check/somali/meta/dps/2008/05/080509_sharifka? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 16, 2008 Qoraalkii uu la galay wakiilka Q.M iyo beesha Caalamka oo ka duwan warkii uu bbcda ka sheegayna waa kan ee qodobadaan Akhri. 1-in Madaxda Asmara ay Wadahadalka ka qaybqaataan si Ciidamada Itoobiya bixitaankooda looga heshiinyo. 2-in Isbahaysigu ay aqoonsadaan Sharci ahaanshiyaha dowladda. 3- in Q.Midoobe ay Jabuuti ku dhax dhaxaadiso Dowladda iyo Isbahaysiga Asmara si loo gaaro Xal waara. 4 -in Isbahaysigu ay naqdaan Xisbi Siyaasadeed oo aan hubaysnayn islamarkaana ay Siyaasad ku loo lamaan Dowladda. 5- in marka ay Ciidamada Itoobiya baxaan la keeno Ciidamo kasocdo Qarama Midoobe. 6-in Wejiga hore ee Shirka Xiridiisa oo ah 16-May ay kasoo qayb galaan Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan. 7- in Gaba Gabada kulanka lagu qabto magaalada Makka Al-Mukarama dalka Sacuudiga dhamaadka Bisha Juun sidaasna ay Dowladda C/laahi yuusuf ugu biiraan. Qodobadan ayaa la soo xaqiijiyey inay Saxiixeen laba shariif xilligii ay kulamo la qaateen Ergayga Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya, Shacabka Soomaaliyeed ayaa la yaaban waxa ku kelifay labada Shariif iney galaan heshiis aysan raali ka aheyn Isbaheysigoodu iyo waxa ay ka faa'idayaan Khilaf soo kala dhax gala Madaxda Isbahaysiga. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 16, 2008 Qodobadan ayaa la soo xaqiijiyey inay Saxiixeen laba shariif xilligii ay kulamo la qaateen Ergayga Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya, Shacabka Soomaaliyeed ayaa la yaaban waxa ku kelifay labada Shariif iney galaan heshiis aysan raali ka aheyn Isbaheysigoodu iyo waxa ay ka faa'idayaan Khilaf soo kala dhax gala Madaxda Isbahaysiga. Shabaka Soomaaliyeed awalba ma aaminsaneyn Shariif Sheikh Aadan oo ka mid ahaa xubnihii Baarlamaanka dowlad ku sheegta oo ansixiyey in Ciidamada Cadowga Soo jireenka ah ee Ethiopian iney Soomaaliya Soo galaan, balse waxa taageerayaal badan ee Isbaheysigu ka naxeen sida Sheikh Shariif Sheikh Adan u qayaamay shacabkiisa oo ay u kala codleeyeynay. Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Isbahaysiga Asmara uu kala qaybsamay, islamarkaana ku jabuuti jooga ay damacsan yihiin iney hadda ku biireen dowlad ku shhegta C/laahi yuusuf [i/]oo ay wax la qaybsanaayaan, waa sida qoraalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu ku soo saxiixay Warqad ay ku saxiixanyihiin qodobadan kor ku xusan oo uu heshiis kula galay wakiilka qaramada midoobay iyo beesha caalamka ee ay fariisin u tahay dalka Kenya. Heshiiska Sheikh Shariif la galay Q.M ayaa u muuqda shirqool lagu faquuqayo kooxda taabacsan Sheikh Xassan Dahir Aweys iyo Alshabaab oo lagu sheegayo Argagixiso, halka la doonayo in la kala jebiyo Isbaheysiga dib u xoreynta, labada Shariifna la doonayo in lagu magacaabo jagooyin maalmo tirsan ah, ka dibna looga taqaluso sidii looga taqulasay gacmadheere iyo Geedi oo maalmo lagu shaqeystay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 17, 2008 Wakiilka Q. Midoobay oo ku guuleystay kala Qeybinta Isbaheysiga Dib u Xoreynta, oo Sheikh Shariif Sheikh Ahmed oo Taageerayaal badan ku leh Soomalida dhexdeeda la soo bandhigay qoraalkii uu Nairobi kula galay Q. M oo khilaafsan Warkii uu bbcda AfSoomaaliga ka siidaayey bilaawga Usbuucan oo ahaa inuusan wada hadal la geleynin dowlad ku sheegta Somaliya oo ********** u ah gumeysiga Itoobiya. La yaab badanaa qof Diin Sheeganaya oo Afkiisa iyo Uurkiisu kala duwan yahay!. Soomaaliyeey ya la aaminaya? Quote Share this post Link to post Share on other sites