Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu calm past 16 hours....TFG troops expand hold.

Recommended Posts

War deg deg ah:Ciidamada DFKMG ah & kuwa Itoobiya oo isku fidiyey Muqdisho

 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee taageeraya ay saaka isku balaariyeen goobo muhiim ah iyo Isgoysyo hor leh oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasima wadanka Soomaaliya.

 

Ciidamada oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee dabaabaadka ayaa saaka waxay isku balaariyeen Isgoyska Baar Ubax, Wadada Warshadaha, Xamar Bile, wadada Wadnaha, wadada 30-ka iyo meelo kale oo fara badan oo ay horey difaac iyo dhufeyso uga jireen kooxihii ka soo horjeeday ciidamada Iskaashanaya ee Muqdisho kula dagaalamayey.

 

Ciidamada ayaa meelaha qaar waxay ka sameynayaan baaritaan, iyadoo la soo sheegayo in ay qabteen dad lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen dagaaladii ka socdey magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafey.

 

Deeganadii shaley ay la wareegeen ciidamada isbahaysanaya ee waqooyiga Muqdisho ayaa warar SBC ay ka heshay dad xog ogaal ahi waxay sheegayaan inay kooxo ay bililioq ka geysteen, inkastoo la qabtey qaar ka mid ah kooxahaasi oo ku guda jirey falal bililiqo ah.

 

Maamulka warshada sameysa caabitaanada ee Coka Cola ayaa sheegay in xarunta warshada bililiqo xoogan loo geystey, iyadoo laga qaatey baabuur iyo qalab kale oo ay warshadu ku hawlgali jirtey.

 

Wasiir kuxigeenka gaashaandhiga DFKMG ah Salaad Cali Jeelle ayaa meesha ka saarey in ciidamada dawlada aysan wax lug ah ku laheyn falalka boobka ah ee ka dhacay qaybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho, waxaase uu sheegay in ay jiraan kooxo burcad ah oo ka faa'ideysta mar kasta oo isbadal dhaco, waxaana uu sheegay in ciidamadu ay kuguda jiraan sidii wax looga qaban lahaa falalka bililiqo ee la soo sheegayo.

 

Dhamaan goobihii ay xirteen ee ay dhufeysyada ka qoteen kooxihii ka soo horjeeday ciidamada Dawlada Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayay xaley saqdii dhexe isaga baxeen kooxahaasi, waxaana meelaha ay ka gurteen oo ay baneeyeen ka mid ah Isgoyska Ifka Xalan, Isgoyska Shiirkoole, Isgoyks Warshada Caanaha, Al-Baraka, Taleex, Isgoyska Kaasa balbalaare, Cali Kamiin, Laba dhagax, Isgoyska Black Sea, Taribuunka, Xamar Bile, Xamar Jadiid, Jidka warshadaha iyo goobo kale oo ay horey gacanta ugu hayeen kooxahaasi.

 

Guud ahaan jawiga magaalada Muqdisho ayaa haatan degan, iyadoo dadku ay si taxadar leh isha ugu hayaan isbadalkan, inkastoo ay u riyaaqsan yihiin in dagaalkii uu meesha ka baxo oo ay hal awood magaalada ku soo harto.

 

Warar dheeraad ah ha ka dheeeraan SBC.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Breaking News: Ciidamada Dawlada & Itoobiya oo baaritaan xoogan ka wada...

 

 

Iyadoo ciidamada Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo taageeraya ka helaya kuwa Itoobiya ay si buuxda gacanta ugu dhigeen guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan socda hawlo baaritan oo baaxad weyn oo laga wado qaybo ka mid ah Muqdisho gaar ahaan goobihii ay gacanta ku hayeen kooxihii ka soo horjeeday ciidamada Dawlada iyo kuwa Itoobiyaanka.

 

Goobaha sida weyn haatan hawlaha baaritaan uga socdaan waxaa ka mid ah xaafada Xamar Jadiid, Laba dhagax, Al-Baraka, Shiirkole, Baar Ubax, Black Sea, Soos, Hurwaa iyo Suuqa xoolaha.

 

Kooxihii ciidamada Isbahaysanaya ka soo horjeeday ayaa firxad galey, waxaana ay ka baxeen dhamaan goobihii ay ku sugnaayeen lamana oga halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana tani ay ka dambeysay ka dib markii shaley lagu jabiyey dagaal xoogan oo ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Warar dheeraad ah ka dheeran SBC

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degganaanshaha Muqdisho oo xaqiijinaya gacan ku haynta dawladda Somalia

 

Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo xoogagga kale ee garabka siinaya ayaa isku ballaariyey maanta deegaanno iyo isgoysyo muhiim ah iyadoo xaafadaha lagu tuhusan yahay kooxihii dagaalka ka wadey baaritaanno laga bilaabay.

 

Goobaha sida weyn haatan hawlaha baaritaan uga socdaan waxaa ka mid ah xaafada Xamar Jadiid, Laba dhagax, Al-Baraka, Shiirkole, Baar Ubax, Black Sea, Soos, Hurwaa iyo Suuqa xoolaha.

 

Kooxihii ciidamada Isbahaysanaya ka soo horjeeday ayaa firxad galey, waxaana ay ka baxeen dhamaan goobihii ay ku sugnaayeen lamana oga halka ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana tani ay ka dambeysay ka dib markii shaley lagu jabiyey dagaal xoogan oo ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Magaalada ayaa haatan deggan dawladduna waxay dadka u bilowday gargaar iyadoo loogu baaqay dadkii caasimadda ka bara kacay in ay dib u soo laabtaan.

 

Axmed Aar

 

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhammaadka Kooxdii nabad diidka ee magaalada Muqdisho

Last Updated::2007-04-27 17:57:08

 

Muqdisho: Dawladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada kale ee gargaaraya ayaa soo afkaray kooxihii

nabad diidka ahaa ee ka dagaallamayey magaalada caasimadda ah sagaalkii maalmood ee la soo dhaafay.

 

Magaalada Muqdisho ayaa maanta deggan iyadoo ciidamada dawladdu ay isku fidiyeen baaritaannona ka bilaabeen deegaannadii ay dagaalladu ka socdeen, waxana ay ciidanku hubaal ka dhigeen guud gacan ku haynta magaalada caasimadda ah taas oo soo afkartay kooxo magacyo badan sheegan jirtey oo qalalaase ka waddey magaalada caasimadda ah.

 

Xoogagga is garabsanaya ayaa baaritaanno house to house ah ka bilaabay goobaha lagu tuhunsan yahay in ay ku sii harsan yihiin kooxaha nabadda iyo nidaamka ka soo hor jeeda.

 

Dawladda ayaa ugu baaqday in ay dadku soo laabtaan, isla markaasna ballan qaadda in ay gargaar u fidin doonto dadkii bara kacay, iyadoo qorshayaal ammaanka lagu giijinayo ay saraakiisha sarsare ka bilaabeen magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mag. Muqdisho Oo Dagan Iyo Baaritaano Laga Wado Xaafadaha Qaarkood

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho(Calanka.com) 27-April-2007

 

Xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho guud ahaan ayaa ah maanta mid dagan kadib markii ey sagaal maalmood oo isdaba joog ah ka socdeen halkaa dagaalo qaraar.

 

Dagaaladan socday sagaalka maalmood ayaa lasoo afjaray maalintii shalay aheyd kadib markii mid ka mid ah kooxohii ku dagaalamayay halkaa laga awood roonaaday isagana cararay goobihii dagaalka.

 

Guud ahaan caasimadda Somaliya ayaa iminka ah mid ey si buuxda ugu hayso gacanta dowladda federalka oo iyadu horaantii sanadkan ku soo gashay caasimadda qaab dagaal oo ey kala wareegeen midowgii Maxkamadaha Islaamka oo iyagu ka talinayay halkaa mudo lix bilood ah.

 

Xaafadihii dagaalada ka socdeen sagaalka maalmood iyo xaafado kale ayaa waxaa iminka ka soconaya baaritaano guri-guri ah oo ey sameynayaan ciidamada dowladda federalka oo kaa shanaya kuwa Itobia.

 

Baaritaanadan ey fulinayaan ciidamadan ayaa lagu doondoonayaa hub iyo maleeshiyaadkii ka dagaalamayay xaafadahan oo kasoo horjeeday dowladda, waxaana lagu soo qabqabtay howlgaladan ilaa tobaneyo qofood oo lagu tuhunsan yahay in ey yihiin ragii dagaalamayay walow qaar ka mid ah lasii daayay kadib su`aalo la weydiiyay qaarka kalena lagu kexeeyay gawaari.

 

Waxaa sidoo kale iyana laga waday howlgallo ceynkan ah xaafadaha KPP, Cali Kamiin, jidka Sodonka iyo kuwo kaloo badan kuwaasoo iyana lagu goobayay hub iyo maleeshiyo taabacsanaa kooxihii kacdoonka waday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah Ciidamada DFK Somalia oo saaka soo bandhigay cududooda Military iyagoo baaritaano lixaadle ka bilaabay Muqdisho.

 

Ciidamada Federaalka ayaa saaka si aan caadi ahayn baaritaano uga wada dhamaan caasumada Somalia iyagoo saaka baaritano kawada guud ahaan goobihii ay horay uga talinayeen kooxihii dawlada ka soo horjeeday goobaha saaka baaritaanada xoogan ka soconayaan waxaa kamida xaafada Xamar Jadiid, Laba dhagax, Al-Baraka, Shiirkole, Baar Ubax, Black Sea, Soos, Hurwaa iyo Suuqa xoolaha. Iyadoo dhamaan goobahaasi ay ahaayeen caloosha kooxaha dawlada ka soo horjeeday.

 

 

Ciidamada Dawlada ayaa saaka guri guri u baaraya dhamaan xaafadaha muqdisho iyadoo la arkayay gawaarida dagaalka oo si baaxadle u dhex soconaya dhamaan wadooyinka magaalada muqdisho kadib markii ay kala firxadeen kooxihii dawlada ka soo horjeeday oo iyagu hada kala firdhaday kadib markii shalay siwayn loogu jabiyay dagaal ay lagaleen ciidamada dawlada.

 

Waxaa saaka si toosa gacanta loogu hayaa magaalada muqdisho iyadoo dhamaan caasumada ay dhex mushaaxayaan gaadiid dagaalka oo ay leedahay dawlada Somalia iyo sidoo kale ciidamada Ethiopia oo saaka la arkayo dabaabaadkooda oo si aan gabad lahayn u dhex soconaya magaalada iyadoo guri guri loo baarayo Muqdisho gaar ahaana goobihii ay horay difaaca uga jireen kooxihii rabsho wadayaasha ee dalka laga saaray.

Wixii soo kordha haka dheeraan allmudug.org(by seeraar).

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Ra'iisul Wasaare Geeddi: "Dowladdu waxay billowday dajinta qorshey lagu sugayo ammaanka Muqdisho"

Posted to the Web Apr 27, 11:00

 

 

Muqdisho (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa daboolka ka qaaday inay waxaan qoryashaal ay ku doonayaan inay ku sugaan ammaanka Magaalada Muqdisho kaddib markii uu sheegay inay la wareegaan gacan ku haynteeda.

 

Prof. Geeddi ayaa daboolka ka qaaday inay ciidammada Booliiska iyo kuwa kale ee nabadda wax ka sugaya ay bilaabayaan inay fariisimo ka sameystaan xaafadaha Muqdisho iyo gaar ahaan saldhigyada oo uu sheegay inay tagayaan booliiska.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha Dowladda ee nabad sugidda Muqdisho ay tahay in saldhigyo looga sameeyo ciidammada booliiska isgoysyada Muqdisho si loo hago ammaanka Muqdisho oo uu sheegay inuusan sahal ahayn sugiddiisa.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka codsanayo shacabka Muqdisho inay gacan ku siiyaan ciidammada sugidda ammaanka Muqdisho sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimadda oo uu sheegay inay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

 

"Dagaalkii Muqdisho waa uu dhammaaday waxaana dowladdu ay waddaa qorshayaal nabadeed, waana taas midda aan doonayno inaan kala shaqeynno shacabka nabad ku soo dabbaalidda Muqdisho" ayuu yiri Prof. Geeddi oo hadalkaan jeediyay saakay.

 

Prof. Geeddi ayaa sheegay shalay shir jaraa'id oo uu ku qabtay gurigiisa in dowladdu ay la wareegtay gacan ku haynta Muqdisho ayna ka guulaysatay wax uu ugu yeeray inay ahaayeen kooxo Argagaxiso ah oo rabshado ka waday Muqdisho.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Firxadkii kooxihii dagaalka kawaday Muqdisho oo saaka siwayn looga ilaalinayo koontaroolada, Airporada iyo dhinaca badda inay uga firxadaan Muqdisho.

 

Waxaa saaka siwayn looga baadigoobayaa dhamaan bara laga bixikaro ee Muqdisho madaxdii iyo haraadigii maxkamadaha ee dagaalka kawaday Muqdisho todobaadkii la soo dhaafay iyadoo la hawl galiyay dhamaan laamaha dawlada oo ay ku jiraan kuwa sirdoonka iyo ciidamada Police ka, dhanka kale Dawlada Federaalka ayaa ka codsatay dadwaynaha inay ka caawiyaan wararka ku saabsan goobaha ay u baxsadeen firxadkii haraadiga maxkamadaha ee Muqdisho lagu jabiyay.

 

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ragii hogaaminayay dagaaladii muqdisho ay lugohooda maaleen iyagoo u baxsaday dhinaca baadiyaha si aan gacanta loogu dhigin halka warar kale ay sheegayaan inay wali ku dhuumaalaysanayaan magaalada muqdisho iyagoo si shaqsi shaqsi ah u kala dhexgalay dadwaynaha caadigaa kadib markii guud ahaan lala wareegay magaalada muqdisho.

 

Ciidamada Dawlada ayaa saaka wada hawlgal lixaadle iyagoo saaka markii ay ku soo jarmaadeen goobo lagu malaynayay inay ku dhuumaalaysanayaan kooxihii dawlada ka soo horjeeday loo tagay iyagoo haawanaya qof dhaqaaqaana uusan joogin arintaas oo dadku ku macneeyeen inay gabi ahaanba iska huleeleen maleeshiyadii dagaalamaysay ayna noqdeen wax firxaday wax la qabtay iyo wax dadka caadi u dhexgalay.

 

Wixii soo kordha haka dheeraan allmudug.org(by seeraar).

 

 

(Please contact us)

webmaster@allmudug.org,qalay2005@allmudug.org,qalay2005@hotmail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHOWGOOBIHII DAGAALADU SAGAALKA CASHO KA SOCDEEN OO DEGGAN

 

Magaalada Muqdishow oo maanta deggan kaddib dagaal faraha looga gubtay oo sagaal maalmood ka socday Magaalada

Dagaalkaas oo u dhexeeyey Ciidamada Dalka Itoobiya iyo kuwa dawladda iyo Kooxo Hubaysan oo kasoo horjeeday.

Dagaaladaas kaddib waxaa Goobo badan oo Istraatiiji ah laga qabsaday Kooxihii Muqaawamada.

Maanta markii ugu horreysay ayaa Ciidamada Dawladda iyo kuwa Itoobiya isku fidiyeen Xaafadaha iyo jidadka Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Muqdishow .

Waxaana Ciidamada Dawladda aay bilaabeen in aay goobihii aay qabsadeen ka bilaabaan baaritaan iyagoo galaya goobaha iyo aqalada aay ka shakisan yihiin in aay wali ku dhuumaalaysanayaan haraagii muqaawimada .

 

Waxaa kale oo lagu arkayaa jidadka maydad daadsan oo aan wali la aasin .

Raíisulwasaaraha Dawladda Soomaaliya Cali Maxamad Geedi wuxuu shalay ku dhawaaqay in dagaalkii muqdishow lasoo afjaray lagana adkaaday Muqaawimadii dawladda kasoo horjeeday.

 

Shegashada Geedi waxaa shaki ka muujiyey xeeldheerayaasha arimaha milatarka oo sheegay in inkasta oo dhabar jab uu ku dhacay kooxihii muqaawimada in misna aay wadidoonaan dagaalka dhuumaalaysiga ah oo aay kaga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya iyo Kuwa dawladda.

Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa waxaay ku qiyaastay dadka ka qaxay magaalada Muqdishow in aay Gaarayaan 360 kun oo qoaf .

Maanta ilaa xalay waxaa lagu hayey bililiqo xoog leh meelo kamid ah xaafadihii laga haajiray ,waxaana bililiqada ugu wayni aay ka dhacday Warshadda coca -coolada oo si weeyn loo boobay .

 

Somaliweyn Media Center/SMC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa saakay aad u degan gobihii dagaalada ay ka dhaceen ee magaalada muqdisho ka dib dagaalo socday mudo sideed maalmood ah.

 

Deegaanada Fagax Ramadaan Jiiro garoob Hotel bin cali Hotel towfiiq isgooyska towfiiq cali kamiin goobahaasio oo ahaa goobihii sida aadka ah loogu dagaalamay ayaa saakay laga dareemayaa deganaansho ka dib markii shalay.

 

goobahaasi gacan ku heyntooda ay la wareegeen ciidamada Ethiopia kuwaasoo fariisamo ka sameeysatay goobahaasi Waxaa sidoo kale degan xaafadda Taleex oo shalay Maqribkii agaal qaraar uu ku dhacay.Dagaalkaasi ayaa waxa uu dhex maray Ciidamada Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Kooxaha kasoo horjeeda Joogitaankooda magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

 

saaka ayaa waxaa soo if baxay in wadooyinka laga xaaqayo buuraha ay dhiseen kooxihii dowlada diidanaa

iyadoo la arkayo wadooyinka magaalada muqdisho ciidamada dowlada iyaga oo gaaf wareegayo .

 

saaka ayaa waxaa lagu arkay baar ubax iyo albaraka .

 

waxaa soo ifbaxay magaalada iun ay gacan ku haynteeda ay sibuuxda ula wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa itoobiyaanka.

 

alsom17@hotmail.com

 

Shabeeladahoose.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ciidamada dowladda federalka oo howl-gal hub lagu baarayo ka bilaabay goobihii ay la wareegeen - Jimco, 27, Apri. 2007 (HOL) Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Cutubyo ka Tirsan kuwa Xukumada Itoobiya ayaa bilaabay baaritaano lagu baadi goobayo hub wali ku sii haray xaafadaha Qaar gaar ahaa goobihii ay ka socdeen dagaaladii ugu darnaa ee ka dhacay Caasimada Maalmihii aynu ka soo gudubnay - Wararkii Maanta April 27

Share this post


Link to post
Share on other sites

AFP news agency is reporting that Ethiopians and government troops are moving house-to-house in northern districts arresting suspected insurgents.

 

There are reports that men are fleeing northern districts in case they are arrested as insurgents.

 

"They are moving from house to house, arresting people," Ibrahim Sheikh Mao, a resident of the Suuqahoola district told AFP.

 

He said the Ethiopians were studying people's elbows and hands for bruises or marks to indicate that they had been firing weapons.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaaladaan oo shalay joogsaday ka dib markii ciidamada Ethiopia oo kaashanaya kuwa dowladda ay jiireen xoogaggii wax iska caabinta ayaa la aaminsan yahay in ay galaafteen nolosha in ka badan 300 ruux halka tiro ku dhow kun kalena ay ku barakaceen.

 

From Shabbele itself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this