General Duke Posted August 30, 2007 Muqdisho: Shirkii dib-u-heshiisiinta Qaran oo maanta xirmay iyo ergada Puntland oo ku baaqday in Cali Mahdi la siiyo "Billadda Nabadda Soomaaliyeed" 30. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Xarunta Gaadiidka Booliska ee gobalka Banaadir ayaa waxaa ka socda Munaasabad lugu soo xirayo Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed uga socday magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya. Degmada C/casiis amaankeeda waxaa maanta siweyn usugaya ciidamo fara badan oo ka socda dowladaha Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya iyo waliba kuwa Midowga Africa waxaana muudaa in amaanku yahay mid siweyn ciidamadu usugayaan. Xafladan hada socota waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay Boqoro ,Suldaano ,aqoonyahano iyo Siyaasiin kala duwan ,ayadoo halkaasina maanta ay ergadu ku cadeeyeen in ay Umada Soomaaliyeed tahay mid guuleystay ayagoo sheegay in maanta laga bilaabo Soomaalidu tahay heshiis. Dad ilaa hada ka hadlay goobta waxaa ka mid ah Boqor ka socda gobalada Waqooyi galbeed ,wuxuuna sheegay sida ay utaageersan yahay yihiin guulaha ka soo baxay shirweynaha beelaha Soomaaliyeed "Umadii Soomaaliyeed waxaan usheegeynaa in uu Shirweynihii halkaan ka socdey 45 Cisho noqday mid guuleysta waxaana lagu gaaray Guulo wax ku ool ah" Ayuu yiri boqorkaasi. Boqorka Beesha ******* Boqor C/laahi Boqor Muuse oo halkaasi hadal kasoo jeediyay ayaa mahadcelin balaaran ujeediyay dhamaan beelaha Soomaaliyeed ,isagoo Umada Soomaaliyeedna usheegay in maanta shirweynihii lasoo xirayo kana soo baxeen qodobado muhiim ah. Boqorka Beesha ******* Boqor C/laahi Boqor Muuse ayaa maanta Ergadii Fadhiday ugu baaqay in ay Siiyaan Gudiga Cali Mahdi Maxamed hor boodayo Biladii nabadda ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay muteysteen ,maadaama buu yiri ay isku keeneen dad dagaalsanaa 17 sanno. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha gudiga Odayaasha Dhaqanka Beelaha ****** Iimaan Maxamuud Iimaam Cumar wuxuuna imaanku sheegay in shirkan maanta lasoo xirayo laga gaaray guulo waa weyn ,isagoo sheegay in ay beesha ****** fulindoonto dhamaan waxyaabihii lugu heshiiyay intii la joogay Magaalada Muqisho ee caasumada dalka Soomaaliya. Dhamaan Waxgaradka ilaa hada ka hadlay xiritaanka Shirweynihii beelaha Soomaaliyeed ,waxa ay hanbalyo ujeediyeen Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ,Umada Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida ee amaanka goobta shirweynuhu ka socdey sida weyn usugayay. Akhristayaal Warbixino dhameystiran oo ku saabsan xiritaanka Shirweynaha beelaha Soomaaliyeed kala soco www.AllPuntland.com Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites