Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops take control of the Baidoa after clashes...

Recommended Posts

Ciidankii ku xeraysnaa xerada Manaas oo si ku meel gaar ah amaanka u sugaya

 

 

Baydhabo:- Isku dhacaan oo silama filaan ah saaka uga aloosmay meel aan is badan ka fogayn xarunta madaxtooyada ayaa sida ilo xog-ogaalihi noo sheegeen ka bilowday isbaaro halkaa la dhigay oo ilaa shalayba wada hadalkeedu socday sidii meesha looga qaadi lahaa.

Malayshiyaadkaan ayaa la sheegay in ilaa shalay waan waan lagu waday sidii ay meeshaas isbarada uga qaadi lahaayeen hase ahaatee wax guul laga gaari kari waayey, waxayna ku gacan sayreen dhamaan odayaashii waday howsha nabadaynta , waxaana ay isbaaro kale dhigeen wadada isku xirta xerada Manaas iyo magaalada Bayhdabo..

 

Arinta isku dhaca ayaa la sheegay inay sii hurisay ka dib markii qayb kale malayshiyaadka isbaarada dhigtay aaga guriga madaxtooyada ay isbaarada kale ee ay dhigteen wadada isku xirta xerada Manaas iyo magaalada Baydhabo ay baarteen dad rayad ah oo halkaa ku safrayey, waxaana taasi keentay ciidanku xeraysan xerada Manaas ay isbaaradaas qaadaan soona xir xiraan malayshiyaadkii isbaarada dhigtay.

 

Arinta Malayshidaankaan isbaarooyinka dhiganaya ayaa la sheegay inay arintoodu salka ku hayso dhismayaasha golayaasha deegaanka oo aan beelaha qaarkood ku qanacsanayn qaabka loo qabiyey, waxayna bilaabeen inay khal khal geliyaan amaanka iyo kala danbayta magaalada baydhabo oo ayaantaan amaankeedu ka soo raynayey.

 

Waxaa kale oo wararku intaas ku darayaan in halka uu dagaalku ka dhacay ay geeriyoodeen illaa 2 kamid ah ciidanka madaxtooyada iyo 11 ka mid ah malayshiyaadkii isbaarada dhigtay waxaa isna halkaas ku dhintay oday beeleed lagu magacaabi jiray Malaaq Soomow Risaaq, waxaa iyana jira dhaawaca 3 ka mid ah Ciidanka madaxtooyada iyo 14 ka mid ah malayshaadka isbaarada dhigtay, waxaa isna lagubay baabuur tikniko

 

Dhinaca kale magaalada baydhabo ayaa hadda degan waxaana guud ahaan magaalada gacanta ku haya qaybo ka mid ah Ciidanka ku xeraysnaa Xeradda manaas kuwaas oo la sheegay inay gacanta ku sii hayn doonaa ilaa inta booliiska magaalada loogu tala galay oo gaaraya 500 askari ay tababarka soo dhamaysanayaan.

 

A/Razak Yasiin Caanogeel

Waayaha,Baydhabo,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

duke

 

i like how you put gloss on it. :D

 

TFG Troops kulahaa :D

 

 

the latest news is that ina yey could be looking fore new muqaakhi to be president after this sesson of is jiid jiid between the NATIONAL ARMY and the millitia that shares the village with them :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qudach, was it not Yusuf Yey who blew that secsionist bubble called Somaliland.

 

How come you guys are the first to writte something about President Yusuf? Humm, funny thing how Cade Musa of Puntland state was in Las Anood for Garad Jamac ceromomny, where was the secesionist President? Anyone seen him oustide the Berbera-Burco-Traingle? :D

Give us a brake, can you stop talking, what is there to talk about. Your argument is bogus.

 

It is a tragic incident that took place today in Baidoa. But it will not deter the project for restoring our nation...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

ina bac bacle

 

the bubble ina yey has managed to blow is his hullicination like dream of establishing beer-laxoox dysnasty in muqdisho :D

 

 

after years of scouring the world with begging bowl he has managed to be the guest-president of village, even that salad boy who was the joke of the town in the last TF whatever saga managed to to control few steets in moryan town, which to be honest is far better achievement than your tuulo boy president.

 

 

but anyways you guys do entertain us, please keep the caravan rolling :D

 

 

baghdadbob_oscar.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg dega:- Amar ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo Amray Xubnaha labada gole ee dowladda inaysan guryahooda ka soo bixin ilaa laga sugayo Amaanka Baydhabo.

 

Muqdisho, Sabti, June 10, 2006 (Waagacusub.com)

 

 

Amar deg dega oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Cabdilahi Yusuf ayaa xubnaha labada gole ee dowladda faray inaysan ka bixin guryahooda inta laga sugayo amaanka Magaaladda Baydhabo.

 

Amarka Xafiiska Madaxweynahu wuxuu sheegay iin Ciidamadda Qaranka Puntland ay wadaan hoowlo lagu soo qaqabanayo kooxaha qalalaasaha ka abuurayo Magaaladda Baydhabo.

 

Amarka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay Xilli Maleeshiyadda Puntland ka itaal roonaatay kuwii degaanka ee digil iyo Mirifle.

 

Maleeshiyadda Puntland ayaa shalay dishay 11 qof oo uu ka mid ahaa hogaamiye dhaqameedkii Beesha Galadle,waxayna sidoo kale isku balaariyeen gudaha Magaaladda baydhabo.

 

lix tikniko ah oo ay wataan Maleeshiyadda Galadle ayaa ka soo ambabaxday degaanka qansax dheere hasseyeeshee lama ogga ,inay ku guuleeysan doonaan Aargoosigooda Maleeshiyadda Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

yusufdedi.jpg

 

Ciidanka Dowlada FS Oo Gabi Ahaanba Gacanta Ku Dhigay Amaanka Baydhaba

 

(Baydhaba}10.06-06

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta dowladda kumeelgaarka ah ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan madaxweyne C/llaahi Yuusuf axmed ay gacanta ku hayaan magaaladaasi kadib markii ay fariisteen dhammaan jidadka soo gala magaalada, Garoonka diyaaradaha iyo gudaha magaalada......................................

 

Xaaladda magaalada oo shalay dagaal culus ka dhacay ayaa maanta degan waxaana lagu aasay Malaaqii Beesha Geledle Malaaq Seymoy Cabdi Garruun oo ku dhintay dagaaladii dhacay shalay, waxaana aaskiisa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada Gole.

 

Shirar is daba joog ah ayaa Guriga Madaxweynaha ku dhex maraya Odayaasha iyo Malaaqyada Digil & Mirifle iyo C/llaahi Yuusuf, waxaana la filayaa inay Odayaashu u ogolaadeen madaxweynaha inuu soo celiyo ammaanka Baydhaba ,

 

laguna soo rogo xaalad degdeg ah,iyadoo go’aankaas ay taageersan yihiin wasiirada Beeraha iyo Cadaaladda Shaatigaduud iyo Sheekh Aadan Madoobe .

 

Kulamo kale ayaa u socda Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha oo mararka qaarkood ay wehliyaan Shaatigaduud iyo Sheekh Aadan Madoobe waxaana lagu wadaa inay soo baxaan go’aanno ku saabsan ammaanka magaalada oo laga mamnuuci doono maleeshiyooyinka

 

info@Widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

presidenyuusuf.jpg

 

C/laahi Yuusuf oo xaalad deg deg iyo soo rogay Baydhabo

Baydhabo-10.June.2006 Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu faah faahiyay

xaalad deg deg ah iyo bandow xilliga habeenkii ah oo uu madaxweynuhu ku soo rogay magaalada Baydhabo.

 

Bandowgan ayaa ka billaabmaya 9-ka habeennimo

 

Wareegtadan ayaa ka dambaysay ka dib markii maalintii shalay ahayd uu magaalada Baydbo ka dhacay dagaal socday inka badan 30 daqiiqo oo gaystay dhimashada ilaa 5 qof, oo uu ku jiro malaaq la oran jiray Seemo Cabdi Garruun.

 

Wareegtadan oo uu saxaafadda u aqriyay wasiirka warfaafinta ee dowlada federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wuxuu sheegay in go’aankan la soo saaray ka dib markii maalintii shalay ahayd dhacdadaadi ka dib uu madaxweynuhu kulan deg deg ah la qaatay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ku shaqada ammaanka.

 

Waxaana ka mid ah wasaaradda gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo hay’adaha ammaanka sida taliyeyaasha ciidamada dowladda.

 

Kulankaasi oo shalay ka dhacay waxaa laga soo saaray ilaa 5 qodob oo kala ah:

 

 

1- in si deg deg ah loo dhammaystiro loona hawlgeliyo maamulkii la dhisay ee gobolka Bay ugu dambayn maalinta berrita ah, lana qabto doorashada gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobolka.

2- in magaalada baydhabo laga saaro dhammaan maleeshiyo beeleedyada iyo hubkooda lana geeyo xerooyinka tababarka iyo dhaqan celinta ee dowladda ugu talo gashay iyadoo ciddii diida ama lagu qabto iyadoo hub ku dhex wadato magaalada Baydhabo, laga qaadayo tallaabooyinka uu u soo bandhigay kusimaha wasiirka arrimaha gudaha ahna wasiirka beeraha, korneel xasan Maxamed Nuur Shaati Gudud.

3- in ammaanka goobaha muhiimka ah sida airaboorka, xarrumaha dowladda, baraha kontoroolada ee magaalada laga soo galo ay la wareegaan ciidamada dowladda iyadoo wixii canshuur ah ee la gaadana lagu wareejin doono maamulka gobolka Baay.

4- in magaalada Baydhabo loo sameeyo aagag iyo baro difaac oo lagu kontoroolo amniga magaalada iyo wixii hub ah ee si sharci darro ah u soo galaya ama ka baxaya.

5- in heegan buuxa la geliyo ciidamada dowladda, gudaha magaalada baydhabona laga furo xarumo ay ku xaraysan yihiin ciidamada sida deg dega ah u hawlgala.

 

Sida ku xusan wareegtadan, madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee soomaaliya isagoo adeegsanaya awoodiisa dastuurka ayuu wareegtadani soo saaray.

 

Waxaa kaloo wareegtadan lagu sheegay in xaaladda deg dega iyo bandowga uu socon ku jiri doonto magaalada Baydhabo inta laga xaqiijinayo xaalada ammaanka xarunta kmg ee dowladda Federaalka ee Baydhabo.

 

Wuxuuna inta laga xaqiijinayo amniga xarunta kmg ee dowladda uu magaalada Baydhabo ku soo rogay xaalad deg deg ah iyo bandow habeenkii ah oo ka billaabmaysa marka ay tahay 9-ka fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.

 

Iyadoo qofkii ku xadgudba bandowgaasi mutaysan doono xarig dhan ilaa iyo 3 bilood iyo ganaax dhan 1,500,000 sh so ilaa 3,000,000 oo sh so

 

 

Maryan Saylac C/risaaq

SBC Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammo ka yimid xeryaha Waajid oo ka mid ah kuwa Dowladda oo soo galay Magaalada Baydhabo

Posted to the Web Jun 10, 10:24

 

 

Baydhabo (PP) - Ciidammo gaaraya 1500-askari oo ka tirsan ciddammadii dowladda ee ku xareysnaa Xeyaha Waajid ee Gobolka Bakool, watana gawaarida dagaalka oo aad u fara badan ayaa waxay xalay soo galeen gudaha magaalada Baydhabo.

 

 

Imaatinka ciidammadaan ayaa ka dambeeyay kaddib markii shalay uu iska horimaad ku dhex maray gudaha Magaalada Baydhabo ciidammo beeleed ka soo jeeda beesha Geeladle iyo ciidammada Madaxtooyada dowladda Fedraalka Soomaaliya gaarka ka haya, waxaan dagaalkaas ku dhintay inta la og yahay 17-qof, iyadoo dhaawucuna uu aad u soo kordhayo.

 

 

Ciidammadaan ayaa imaanshahoodu wuxuu yimid kaddib markii kulan aad u xasaasi u ah ay yeesheen xalay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul wasaaraha Dowladda Prof. Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud) iyo Wasiirka Caddaaladda Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), waxaana la sheegay inay madaxdaas ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle ugu jira dowladda ay ogolaadeen inay dowladdu maamusho koontroolka magaalada Baydhabo.

 

 

Ciidammadaan ayaa waxaa la kala dajiyay goobo ay ka mid yihiin Hotel Bakiin, Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo iyo Duleedka Daynuunaay, waxaana la sheegay inay sugayaan ammaanka guud ee magaalada Baydhabo.

 

 

Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa xaaladdeedu aad u daggan tahay hadda iyadoo ay furan yihiin dhamaan goobihii ganacsiga ee magaaladaas, dadkuna waxay hadal hayaan intooda badna shaqaaqadii ka dhacday Shalay gudaha Magaalada Baydhabo ee geysatay dhimshada iyo dhaawaca aadka u fara badan.

 

 

Wararka puntlandpost ka soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in lagu wado in magaalada dhexdeeda lagu lagu daadiyo warqado lagu sheegayo in dowladdu ay koontaroolayso amaanka magaalada Baydhabo ee Gobolkay Bay, halkaasoo ammaankeeda la xallin waayay tani yo sidii ay dowladdu u soo dagtay Dowladdu magaaladaas.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this