Sign in to follow this  
General Duke

Support for government in Mogadishu growing: Meeting

Recommended Posts

KULAN WEYN OO LAGU TAAGEERAYO GO'AANKII GOLAHA BAARLAMAANKA EE 11KII BISHAN KA DHACAY MAGAALADA NAIROBI IYO KII GOLAHA WASIIRRADA

KULAN WEYN OO LAGU TAAGEERAYO GO'AANKII GOLAHA BAARLAMAANKA EE 11KII BISHAN KA DHACAY MAGAALADA NAIROBI IYO KII GOLAHA WASIIRRADA EE LA XIRIIRAY KEENISTA CIIDAMADA UGANDA IYO SUUDAAN OO MAANTA LAGU QABTAY GURIGA CAAQIL KOOGAAR

 

Kulan_xuurshe.gif

 

Waxaa maanta guriga Caaqil Maxamud Cali Jimcaale (Koogaar) lagu qabtay kulan weyn oo lagu taageerayo go'aankii golaha baarlamaanka ee 11kii bishan iyo kii Golaha wasiirrada ee la xiriiray keenista ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalalka Uganda iyo Suudaan , waxaana kulankaasi ka qeyb galay siyaasiyiin, waxgarad, aqoon yahano, culimaa'udiin, nabadoonno, fanaaniin iyo haween ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaalada Muqdisho.

 

Kulan_xuurshe1.gif

 

 

Kulankan waxaa ugu horreyn ka hadlay Sheekh Abuukar Cali Xuseen oo aayadihii Qur'aanka kaddib sheegay in kulankan ujeeddadiisu tahay howsha ay qabanayaan xubnaha labada gole ee dalka jooga ma waafaqsan tahay dastuurka dalka iyo danaha shacabka, iyadoo hal ku dhiggaas uu ahaa ujeeddada shirka, wuxuuna sheegay Sheekh Abuukar in bulshada Muqdisho ku dhaqan ay si weyn u fahamsan tahay waxqabadka dowladda iyo hadafka xubnaha labada gole ay u joogaan magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay tahay mid qaran dumis ah.

 

 

Kulan_xuurshe2.gif

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay nabadoon Muxyadiin Xaaji Weli (Baabaqaali) oo sheegay in ay diyaar u yihiin dhinacooda wixii ka soo baxay shirkii Golaha baarlamaanka 11ka bishasn ay go'aannada ka soo saareen magaalada Nairobi, wuxuuna xusay in bulshada ku dhaqan Xamar ay yihiin kuwo jecel dowladnimada, isla markaasna aysan diyaar u ahayn inay la saftaan kuwo dowlad diid ah.

 

 

Abuukar Cismaan Sheekh (Ganey) oo ah ku simaha guddoomiyaha isbahaysiga SNA ee uu hoggaamiyo Xuseen Max'ed Faarax Caydiid oo ah Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha isla markaasna ah wasiirka Arrimaha gudaha ayaa isna hadalkaas ku sheegay in uu marka hore u hambalyeynayo Caaqil Koogaar oo uu sheegay inuu isugu keenay shirkan bulshada ku dhaqan G/banaadir, wuxuuna xusay in Reer Banaadir looga baahan yahay inay dowladda garab u noqdaan oo ay soo dhoweeyaan, wuxuuna sheegay in cid kastaba lagu qiimeyn doono waxqabadkiisa.

 

“Waa in aan gacan la siin qolo isbaaro u dhiganaysa mirihii ka dhashay shirkii dib u heshiisiinta ee dalka Kenya†ayuu yiri Abuukar Ganey oo sheegay in loo istaago sidii shacabka Soomaaliyeed loo tusi lahaa kuwa mar walba hortaagan inay dib u soo noqoto dowladnimadii aan la'eyn muddada 15ka sano ah.

 

Waxaa sidoo kale halkaas isna ka hadlay Ibraahim Max'ed Diiriye oo ka mid ahaa xildhibaannadii Carte oo sheegay in loo baahan yahay in loo baahan yahay in shacabku garto wanaagga dowladnimada, isla markaasna ay ka digtoonaadaan kuwa mar walba la doonayo dibin daabyada oo uu sheegay inaysan dooneyn in dib uu u soo laabto qarankii Soomaaliyeed.

 

 

Kulankan taageerada ah oo si weyn bulshada ku dhaqa Muqdisho ay uga qeyb qaateen ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Max'ed Xasan Cabdi, Cabdi Xaaji Goobdoon, Muxyadiin Baare Gacal iyo Max'ed Seeraar Cali Danan oo dhammaantood sheegay in loo baahan yahay in wanaagga la taageero, xumahana laga fogaado, waxayna xuseen in loo baahan yahay in waqtigan wixii ka dambeeya aan loo dulqaadan kuwa hortaagan shacabka ee aan dooneyn in la helo kala dambeyn iyo nidaam dib u soo noqda.

 

Gabagabadii kulankaasi waxaa isna halkaas ka hadlay Caaqil Max'ud Cali Jimcaale (Koogaar) oo ah ruug caddaa weyn oo siyaasadeed, wuxuuna ka warramay dhibaatada ay dowlad la'aantu u leedahay shacbiga Soomaaliyeed iyo dhibaatadii gaartay shacbiga muddadii 15ka sano aheyd iyo halyeeyadii dalka wax tari lahaa, oo lagu waayay, haatanna ay jiraan kuwo doonaya inay dhibaatadaasi dib ugu soo celiyaan shacabka, wuxuu sidoo kale sheegay Caaqil Koogaar in kulankan maanta lagu qabtay gurigiisa uu yahay mid jebiyey khadkii cagaarnaa, wuxuuna xusay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Banaadir aanay wax colaad ah dhex oollin, kulankanina uusan ahayn kii koowaad ee la qabto, balse ay jiri doonaan kulano xiriir oo lagu taageerayo sidii lagu heli lahaa dowladda Federalka Soomaaliyeed inay dalka ka hana qaaddo, isagoo xusay in kulankan kiisa xigana lagu dhigi doono Villa Somalia, kan xigana lagu dhigi doono KM5, kan xigana lagu dhigi doono Hotel Ramadan iyo meel kasta oo leysla garto, si loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed waxtarka dowladnimada iyo xumaanta dowlad la'aanta iyo in shacbiga uu garto danahiisa.

 

Kulankan oo ahaa kulan si weyn qaban qaabadiisa iyo isku imaadkiisaba si weyn loo sii qorsheeyay ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo aan cidina ka maqnayn sida Muqdisha ay u deggan yihiin.

 

Maxamuud axmed xasan (xuurshe)

 

xuurshe114@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Taageerayaasha Wasiirka arimaha Gudaha DFKGS oo shir ay ku taageerayaan DFKGS ku qabtay Magaalada Muqdisho

- Thursday, May 19, 2005 at 17:50

 

Muqdisho (AllPuntland)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay leeyihiin taageerayaasha guddoomiyihii hore ee ururka USC/SNA haantanse ah ah wasiirka arimaha gudaha iyo raysulwasaare kuxigeenka DFKGS.

 

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin uu kamid ahaa kusimaha Xuseen Caydiid xafiiskiisa Muqdisho Abuukar Ganay , Odayaal dhaqameedyo, iyo ganacsato kala duwan.

 

 

 

Waxaa lagu jeex jeexay kulankan sidii loo taageeri lahaa DFKGS isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa imaatinkeeda dalka Soomaaliya.

 

 

 

Kusimaha Xuseen Caydiid, ninka lagu magacaabo Abuukar Sheekh Cismaan (Ganey) ayaa halkaasi ka jeediyay hadal dheer oo dhinacyo kala duwan taabanayay, Abuukar wuxuu sheegay inay aad u taageerayaan Go’aankii ay gaareen golaha baarlamaanka DFKGS 11 May isla markaana aan loo baahnayn in laga hor yimaado.

 

 

 

Go’aankaasi ayuu ku tilmaamay mid ay u dhammaayeen xubnaha baarlamaanka inkastoo qayb ay Muqdisho joogto hase ahaatee uu ansaxmay kulankii 11 May Caalamkuna aqoonsaday.

 

 

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan ayuu usoo jeediyay Codsi kusaabsan inuu dawladda Soomaaliyeed ka daayo kala fogaynta isla marakaana uu hawsha dawladda si caadi ah u wato.

 

 

 

Duqowdii kulankaasi kasoo qaybgashay oo wajigooga ay Qiiro kamuuqatay ayaa sheegay in 15 sano aysan dawlad arag ee ay mar u baahanyihiin inta aysan toodu galin inay arkaan dawlad shaqaysa oo dalka si caadi ah uga shaqaynaysa.

 

 

 

 

CC.Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this