Cowke Posted July 2, 2010 Ardeyda Iskuulada PL oo gali kara Jamacadaha Ethiopia 1 Jul 1, 2010 - 11:18:38 PM GAROWE ONLINE, Abshir Cabdulahi Wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland Cabdi Farah Sicid (Juxaa) oo haatan jooga magaalada Nairobi xarunta wadanka Kenya ayaa Radio Garowe uga waramey safarkiisa kasoo ka bilaamay caasimada wadanka Ethiopia Adisababa. Md. Juxaa waxaa uu sheegey in safarkiisu uu labo arrimood isugu jirro kuwaas oo kale ah; 1. Aqoonsi uu wadanka Ethiopia uga halley manhajka waxbarashada Puntland ka dib balan horey uga dhaxeysay isaga iyo xubno sar sarre oo ka tirsan dowlada ka tirsan la kulmey. 2. Arrimo caafimaad oo uu tagey wadanka Kenya caasimada Nairobi . Cabdi Faarax (juxaa) waxa uu sheegey in dowlada Ethiopia si rasmiya u aqonsatey Manhajka Waxbarashada Puntland,ka kadib markii uu la kulmey xubno uu ku jirro Wasiiru Dowlaha waxbarashada Ethiopia iyo madax ka socotey wasarada waxbarashada ee dalkaas. . “Waxaan ugu bishaareynayaa bahda waxbarashada Puntland in xilligaan wixii ka danbeeya aqoonsi buuxa aanu ka haysano dowlada Ethiopia taasi oo noo aqoon u sahleysa ardey badan oo Reer Puntland ah iney Waxbarashadooda ka dhigan karraan Jaamacadaha, Macaahida & Iskuulada ku yaal wadanka Ethiopia,”ayuu yiri Md. Juxaa oo u waramayey Barnaamijka Qoromada habeenimo ee Radio Garowe. Wasiirka ayaa intaa ku darey in ay jirreen ka hor intii Dowlada Ethiopia uusan ka hellin aqoonsiga Manhajka Waxbarashada Puntland shuruudo ay usoo gudbiyeen, kuwaas oo ay wasaaradiisu uga soo baxdey si wanaagsan, sidoo kalena Mr. Juxa waxaa uu sheegey in ay jirto deeq waxbarasho oo ay ka dhowrayaan Dowlada Ethiopia, Taasi oo wax ka tari doonta ardeyda dugsiyada sarre dhameysta ee aan awoodin bixinta in jamacado banaanka ah aadi karin ama aan iska bixin karin kahrashadka waxbarasho. Horey waxaa aqoonsi u siiyey Manhajka waxbarashada Puntland wadamo ay ka mid yihiin Yemen & Sudan, islamarkaana wasaarada Waxbarashada Puntland ardey u dhoofisey, kuwaas oo isugu jira ardey hellay deeq Waxbarasho iyo kuwo aqoonsi la siiyey Manhajka waxbarashada Puntland ku dhigta jaamacadaha iyo macaahida wadamadaasi. Wasiirka wasaarada waxnbarashada Puntland ayaa tan iyo intii uu xilka hayey dib u habeyn balaaran ku sameeyey hanaanka waxbarsho ee maamulka Puntland. The audio can be heard Here Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 2, 2010 Great Development by the Puntland Education minister. This is now the second university to recognize puntland high school certificates as "entry" points into sudan and ethiopian universities. Lets take it to another level juxa. Egypt and Yemen Next!!! Another great victory for puntlanders and our respected education facilities which are clearly the best in somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 3, 2010 Nairobi:Puntland & Ethiopia oo heshiis dhanka Waxbarashada ah wada gaaray. 2. juli 2010 Nairobi:(Allpuntland)-Wasaarada Waxbarashada ee dawlada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Federaalka ee Dalka Ethiopia ay si toos ah u aqoonsatay manaahijta Waxbarasho ee ardada Puntland ay qaataan,islamarkaasna qofkii aqoonsiga ka bixista dugsiyada sare ee Puntland haysta uu si fudud wax uga dhigan karo jaamacadaha waaweyn ee dalka Ethiopia & Machadyada Waxbarasho ee dalkaas. Aqoon sigan ayaa yimid kadib markii Wasiirka Waxbarashada ee dawlada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uu kulan rasmi ah la qaatay Wasiiru-dawlaha Waxbarashada ee Ethiopia,waxaana kulankaas oo saacado badan socday kadib ay labada dhinac islaqaateen in si toos ah loo mataaneeyo Waxbarashada labada dhinac islamarkaasna ay ardada Puntland si fudud wax uga dhigan karaan jaamacadaha waaweyn ee dalka Ethiopia. Wasiirka Waxbarashada ee Dawlada Puntland ayaa Warbaahinta usheegey in Ethiopia ay shuruudo adag ku xirtay Aqoonsiga waxbarashada Puntland,wuxuuse sheegey in si fudud ay uga bexeen dhamaan shuruudahan islamarkaasna ay Ethiopia si kal & laab ah u taageertay hor'umarka Waxbarasho ee dawlada Puntland islamarkaasna ay kaalinteeda ka geysan doonto sidii loo sii siyaadin lahaa. Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) wuxuu u hanbalyeeyey dhamaan ardayda Puntland oo uu sheegey inay tahay tani tilaaabo wanaagsan loona baahnaa,islamarkaasna ay horay u arkeen ardayda Puntland oo jeclaanlahayd inay dalkaas u Waxbarasho tagaan,balse ay maanta guul ka gaarin howshaas,wuxuuna sheegey in Wasaaradiisu ay horay heshiisyo noocan oo kale ah ula gaartay Dawladaha Sudan & Yemen. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites