Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Buur Madow Talks to Garaad Jaamac

Recommended Posts

Here is Boqor Buur Madow talking to Garaad Jaamac about the latest developments ...... just quoted the concerned parts:

 

 

Waxaan Jecelahay oo beryahanba aad maqlayseen shir Niarobi ka dhacay oo uu Hoggaaminayay Aniga nin abtigay ah oo aan ku faano oo aan ku ixtiraamo saldanadda uu huwan yahay halka ay ka soo jeedo. Aad iyo aad waxaan uga xumahay hadalo Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac aan ka maqlay dadka kale ee hadlay wax qiimo ah oo aan u yeelay ma jiro, inaan u jawaabana igama mudna.Anigoo haddana aan jeclayn inaan u jawaabo Abtigay haddana waxa ii muuqatay hadalka Garaadka magaca uu leeyahay iyo dhibta uu geystay ama geysan doono waxaan doonayaa inaan u caqli celiyo oo aan idhaahdo abti ka joog dagaal. Waxaan aad iyo aad uga tacsiyadeynayaa abtigay inuu isagu sheegto daraawiish. daraawiishi waxay ahayd saldanaddaasi qiimaha leh ee uu isagu ku fadhiyo Garaad Cali wuxuu ahaa garaadkii ay daraawiish iyo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan sida foosha xun u dileen una googooyeen waxaan xasuus nahay gabay uu adeerkay Cali Jaamac Haabiil ka tiriyay oo aanan jeclayn inaan soo qaado. Waxaan qabaa saldanadii sanadaha badan soo jirtay ee faca weyn cidii dishay inay ahayd daraawiishtii.Garaad Cali wuxuu ahaa ninkii u horreeyay ee ka soo hor-jeedsaday afkaartii daraawiishta”

“Waxaan leeyahay Garaadka xilka culus ee uu qaaday hidihiisa inuu dib u raaco,waxaan qabaa Garaad Cabd-qani iyo Garaad Cali labaduba inay dadkan Somaliland oo dhan Garaad u wada ahaayeen.Garaad Cali wuxuu ahaa ninkii ka soo hor-jeedsaday markii Somaliland iyo Somalia ay midoobayeen ee la yidhi laa yaa garaad.hadalka Garaadka ka soo yeedhay mid laga filayay saldanada ma aha. Maalintii Garaadali-gan hadlayay Laas-caanood lagu caleemo saarayay Somaliland cid u kala hadhay ka qeyb galkiisii iyo dhismihiisii may jirin.waxaan ummadda reer Soamliland uga tacsiyadeynayaa hadalkaa ka soo yeedhay Garaadka.waxaan qabaa dilalka iyo ifafaalaha ka dhacay ee ka bilaabmay Laas-caanood inaanay Abti taariikhdaasi kugu qormin oo aanad noqon nin dhib ka shaqeeya. Anigoo ku hadlaya magaca Isimadda Somaliland wax colaad ah oo ka dhacda mandaqada kama qeyb qaadan doono.Abtigay haddii uu qoriga qaato waxaan leeyahay Abti wali dhiiqadda faraha maad gelin ee ka joog.Somaliland-na waxaan leeyahay arrintaasi waxba ku burburi mayso.”

Boqor Buur-madow wuxuu sheegay in haddii aanu Garaad Cali Garaad Jaamac ka noqon arrinta uu wado inay dhici karaan tuur-tuurmo yar iyo jab-hadayn waxaanu xusay inaanay Somaliland arrintaasi waxba yeeli karin. Boqorku wuxuu Somaliland iyo Put-land mid walba ugu baaqay inay dhinaceeda nabad-gelyadeeda ka ilaashato oo ay ka feejignaadaan wax uu ku tilmaamay aafooyinka ku soo kordhay manqada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Buur madow wax aan macno badan sameeneen ayuu ku hadlay, hadii uu rabo inuu nabad ka shaqeeyo, haa la hadlo maleeshiyaadka snmta ee soo duulay dad iyo dhul aan laga rabin, oo haduu daacad yahay xaqa haa ka hadlo ama haa iska aamuso, waa inuu kula taliyaa maamulka qabiilkiisa iyo maleeshiyaadkooda inay dadka nabadgaliyaan iyo inay dadka dhulkooda iyo guryahooda uga soo baxaan, hana u sheego inay ka joojiyaan gardarada iyo xaqdarada ee dadka muslimka ah ku hayaan.

 

Garaad Jaamac laba sano oo dhan ayuu ku adimayey, marna hoos marna kor wax ugu sheegayey marna u tusaaleenayey, nimanka waalan ee gurigiisa ku qayilaya, inay si nabad ah guriga ee xaqdarada ku qabsadeen usoo baneeyaan, ayadoo la xaq dhowrayo dhiiga ummada muslimka ah. markaa cidna wax muu yeelin

 

Garaad waxaa uu ka codsaday nimanka soo duulay inay deegaanadoodii iyo guryahoodii ku noqdaan,si loo tixgaliyo nabada,jaar wanaaga, iyo calaaqaatka kale iwm

 

Garaad waxa uu ku hadlay waa kalmad ee xikmado ku dhantahay, oo waa hadii aan kuu digay kuma dilin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

DALMAR

 

somaliland is wanted and welcomed its those power hungry refugees abroad that are not wanted, thats why they howling from far away lands, because reer sool kicked them and their pirateland rubish out

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqorku sii fiican buu uu hadlay wuxu ula hadlay si isim si wanaag ku jiro siday salaadintu uu hadlan taarikh kobaan buu ka siyee xata garaad jamac awoowgiisi labaad ,, garaad cali ay darawishtu dileen. Nabbada na ina la ilaaliyo labbada dhan somaliland iyo koonfuria dee dan ummada ka dhaxaysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this