Sign in to follow this  
Dhubad.

Ciidamada Ethiopia oo xarig ku bilabey shacabka Puntland

Recommended Posts

Dhubad.   

Wararka naga soo gaaraya dhanka Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Puntland ay maanta ka dhex qabteen gudaha magaaladda Galkacyo oday weyn oo lagu magacaabo Foore Cabdi Cali.

 

Ninkan oo markii la qabanayey ku sugnaa meel taleefoonada laga dirsado lana xirirayey sida loo sheegay shabakada Garowe Online dad eheladiisa ah oo ku sugan dibada ayaa la xaqiijiyey in Ciidamada Ethiopia oo ay horkacayaan niman Soomaali ah ay halkas ka qabteen ulana kaceen dhanka Xerada ay ka degan yihiin Galkacyo.

 

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta ninkaas ay Ciidamada Ethiopia u kaxaysteen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Mamulka Puntland iyo Ciidamada Ethiopia oo ku saabsan xariga ninkaan.

 

Sida ay shabakada Garowe Online u xaqiijiyeen dad ninkan aqoon dheer u leh ayaa sheegey in uusan wax siyaasad ku shaqo leheyn isla markana dhawaan ka yimid Magaaladda Wardheer oo ah meesha uu u dhashay.

 

Arrintaan ayaa cabsi weyn ku beertay dadweynaha ku dhaqan Gudaha Puntland ee u dhashay Gobolada Ismaamulka Soomaalida (******).

 

Maamulka Puntland ayaa ka badbaadey 15 sano ee la soo dhaafey faragalinta ciidamada Ethiopia ay ku hayeen qaybaha kala duwan ee Somalia.

 

Garowe Online, Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Nin katirsan Ururka ONLF oo Puntland Gacanta u galisey Itoobiyaa.

 

Maamulka puntland ayaa maantay nin katirsan ururka ONLF waxay gacanta u galiyeen Ciidamada Itoobiyaanka ee kusugan magaalada galkacyo oo baryihii u danbeyey gaaf wareegayey magaaladaasi.

 

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo kusugan magaalada galkacyo waxaa subaxnimadii sakay ay gacanta ku dhigeen ciidanka booliska ee magaalada galkacyo nin lagu magaacabo C/raxmaan yuusuf cashir oo ahaa nin meherad ganacsi kuleh magaaladaasi balse markii ay qabteen ciidanka puntland waxay sitoos ah gacanta ugu galiyeen ciidanka Itoobiyaa ee kusugnaa mal maharani halkaasi.

 

Ninkaani lagu magacaabo C/raxmaan cashir waxaa uu kamid ahaa dadka ku nool magaalada galkacyo ee shacabka ah islamarkaasina aan wax danbi ah ka galin maamulka puntland waxaana uuna ahaa nin ganacsade ah wallow uusan ahayn ganacsigiisu mid weyn ilaa iyo iminka lama garanaayo maamulka puntland waxa ku kalifey inay qof Somali ah oo muslim ah inay gacanta u galiyaan nin gaal ah oo hadana si gardaro ah ugu yimid wadankiisa taasi oo hadal haynta u weyn ku noqotey gobolada puntland .

 

Maamulka puntland ayaa dhowrkii bari ee aynu soo dhaafney waxay xabsiyada dhigeen dad shacab ah oo ay ku eedeynayeen inay gacansaar la leeyihiin midowga maxakiimta iyo waliba ururka ONLF oo ah urur udagaalama xoreynta wadankooda mudo dhowr bari laga joogo ayey ahayd markii ciidanka amaanka ee magaalada boosaaso ay cagta mariyeen xaflad lagu xusayey sanad guuradii la aas aasey ururkaasi dadkii halkasi kusugnaana xabsiyada dhigey.

 

Somaliwayn

 

Iidle Macalin Cumar

 

Iidle_007@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Let us hope dadka deggan Puntland inay ka dhiidhiyaan waxaan oo kale. Xamar siday saan oo kale u ahayd yaa laga saaray magaaladii daba dhilifka xabashida with the help of all somalis from all corners of the country including many from Puntland itself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this