Sign in to follow this  
miles-militis

Puntland’s Golis Telecom - success but discriminatory

Recommended Posts

Other than Galcom and PunTel which dominate the southern regions of Puntland such as Nugaal and Mudug, and SomTel which recently began its business operations in Lascanod, it would seem Golis, a rather young Telecom company relative to its competitors has managed in such a short period of time to attain a considerable market share within the Telecom industry, and not only concentrating in Bosaso but also reaching out to places like Badhan & Carmo.

 

Brilliant economic strategy and shrewd business acumen on the part of the shareholders to diversify into other utilities and electric sector providing duly needed services whilst expanding its core business lines of providing phone services, mobile as well landlines.

 

However, I do not quite understand as to the exclusivity as to the suggested employee selection criterion of ONLY retaining men for employment on the basis of gender discriminating against women. This might be an incorrect observation on the part of the author who is known to be an ideological antagonist, or might even be an actual fact which ought to be addressed, and amended accordingly. Could a company in a competitive private sector afford to alienate almost more than half of its potential workforce on such flimsy gender basis? How long could it sustain its market share, client base, or maintain business and economic growth with the implementation of such policies? More research into the nature of the matter is required so as to suss out the motives behind such twisted company policies?

 

Or am I in the wrong here?

 

Cheers.

 

Read the whole article.

 

Maxaad ka taqaan Shirkada Isgaarsiinta Golis? Bosaaso, [MOL] 21 August 2003-Waa shirkad isgaarsiineed oo xarunteeda u wayni ku taalo magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso Waana shirkadii u horaysay ee keenta qalabka mopilka casiraga ah ee GSM qiimo jabana ay ku qateen dadwaynaha reer Puntland. shirkadu waxay ka mid ahayd shirkadihii ugu horeeyay ee u fududaysay macaamiisheeda helitaanka akhbaaraha isku dirsashada iyadoo la maraayo habka adeegsaga Interneetka oo isna ah mid wax wayn taray dadka ehelkoodu ku kala firiqsanyahay dunida daafaheeda, waxaa kaloo interneetka laga helay faa'iidooyin badan sida waxbarashada, helitaanka akhbaarta caalamka iyo dalka, xog baris kasta ama tijaabooyinka teknoolajida aduunka u danbeeyey.

 

Shirkadu waxay ay ku guulaysatay in ay Puntland oo dhan ka dhigto hal xaafad oo la iska maqlo waayo waxay xarumo isgaarsiineed ka furatay magaloyinta iyo tuuloyinka Puntland, waxaa laga furay oo la geliyey landline iyo mopilka Qardho, Garoowe, Gaalakacayo, Baran, Carmo, laascaano, Sheerbi iyo Waaciye oo hada si toos ah laysagala hadlo iyadoo si khad "Local" ah la maraayo waxaana taasi u sahashay dadkii u soo safri jiray telfoonada awgood in ay ku helaan si sahala ah iyagoo meeshoodii jooga. dhinaca kale waxaa u fududaaday gancsatada iyo danyartaba inay si joogtaa ugu xirnadaan qiimaha ascaarta halka wax marayaan magaalooyinka Puntland oo dhan. Mopilka aad ka qaadataa Boosaaso deegaank kasta oo shirkadu joogto waad kaga hadli kartaa. guusha horumarkaas ayaa dadka reer Puntland iyo raga ka miro dhaliyey hawshaasi waxay u tahay farxad iyo horumar aayatiin fiican oo ku dayasho mudan. Magaalada Boosaaso waxay maanta kahor marsantahay xaga isgaarsiinta magaalooyin ama caasumado dawlado ay ka jiraan oo dunida ka mid ah bil mataal Kenya, jabuuti iyo Itoobiya waaxaana xaga isgaarsiinta kaga jaban Puntland.

 

Shirkada Golis waxaa kaloo ay ka hirgelisya Boosaso Matoor dabdhaliye ah oo shaqeeya 24 saac si joogta kasoo ay ka faa'iidaystaan dadka leh meherdaha ganacsiga iyo xaafadaha degaanku oo ay kaga haqab baleen helitaanka korantadii marna la waayi jiray marna imaan jirtay. Shirkadini waxay ka duwantahay shirkadaha kale ee ka jira dalka Soomaaliya waayo waa shirkada keliya ee aan qaadan qof dumar ah oo shaqaale ah qorshana aaneyba ugu jirin, dhanka shaqaalaha waxaa kashaqeeya rag dhalinyaro ah oo reer Puntland ah oo aan lagu qaadan qabiil eex iwm balse ku tegay imtixaan iyo aqoontooda eebe siiyey waxaana ka hawl gala warbixinahii ugu danbeeyey ee aan helay in ka badan 250 rag ah oo midkiiba gacanta ku hayo qoysas uu saameeyey burburkii somaaliya. dhanka macaamilka shirkadu waxay caan ku noqotay soo dhowayn iyo xushmad ay siiso dadka ay u adeegayaan waxaa shirkadu u qaybsantaa qaybo kala duwan mid kastaana ay gaar u leedahay mamulkeeda iyadoo misna ay korka leedahay maamul guud oo kantroola shaqada habsami u socdkeeda.

 

Shirkada hal mar ayaa hakad galay hawsheeda shaqo tasoo ahayd intaan shirkadu ka soo go'in shirkadii Barakaat oo Dawlada Maraykanku ku soo rogtay Xayiraad lagalana wareegay waxii hanti u tiil shirkadaas Dawladaha reer Galbeedka iyo Wadamada Carabaha. khasaaraha intaasi le'eg oo haleelay hantiilayaashii shirkada intii ay ka mid ahaayeen Shirkadii Albarakaat ma dhaxalsiin inay siidaayaan shaqaalihii u shaqayn jiray ee waxay u sabreen una dhabar adaygeen sidii mar kale loo furi lahaa shirkada waana ku guulaysteen ka dib markii ay gooni isu taageen lana baxeen Golis iyadoo markii hore la oran jiray al Barkaat. mar xaflad loo sameeyey furitaankii Xarunta Qardho oo ay igu casumeen masuuliyiinta shirkadu ayaan waydiiyey maamulaha guud Axmed food Cade qorshayaasha mustaqbalka ay higsanayaan waxuuna sheegay in ay ku talo jiraan in ay isku xiraan soomaaliya oo dhan. foodcade waxuu sheegay in shirkado kale oo ay bah yihiib iyana hawshaan oo kale soo wadaan koonfurta iyo waqooyiga somaliya waxaana mar hore laascaano soo gaaray qaybtii waqooyiga oo aan arkay mar aan halkaasi booqday bishii hore. magaalo kasta oo xarun laga furo waxaa shirkadu siisaa ganacsatada xarumo yar yar oo qofku gaar u leeyahay lagana siinaayo lacagta uu soo xereeyo shirkada jentawaale ama khidmad. Haweenay fac ah oo aan wax ka waydiiyey faa'iidda ay ka heshay talefoonka gurigeeda ugu jiray oo shirkadaasi u gelisay wax ay ii sheegtay oo ugu sahalsanaa; goor habeenimo ah ayaa waxaa soo weeraray kox burcad ah oo rabay in ay dhacaan hantida xaafada taal, xiligaasi keligay baan ahaa markii aan dareemay sharqanta iyo qoryaha muuqaalkooda ayaan si yare ah u wacay booliska oo halkaasi gurmad ii soo fidiyey oo lagu qabqabtay tuugaddii, dhanka kale ahelkayga meelkasta oo ay joogaan waan la xiriiraa xataa kuwa aan gaari waayo oo magalada igula nool.

 

Shirkadaani waxay markii u horeeysay ku hantiday macaamiisha tiradaasi leh si bilaasha ah oo qofku kirada keliya isaga bixinaayo halka shirkadaha kale ay gelitaanka keliya yiraahdeen 50$ doolar maanta magaalada Boosaaso keliya waxaa laga sitaa 3000 kun oo mopil ah halka magaaloyinka kale laga filaayo tiro intaasi u dhiganta. Taleefoonada caadiga ah ee gurayaha ku jira ayaa iyana dhaafay illaa 6000 oo Line magaalooyinka kalena si la mid ah ama tiro u dhow ayaa ku jira. telafoonada shirkadu waa kuwa xiligaan dadka laga soo waco qurbaha ay inta badan ku kalsoonyihiin dhinaca soo gelitaanka hawada iyo maqalkaba.

 

Nin ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi oo aan wax ka waydiiyey inuu xog kooban iga siiyo mustqabilka fog iyo kan dhow ee shirkadu tiigsanayso ayaa yiri; waxaa qorshaysan in ay mar dhow isku xirto Xamar hargysa ilaa raasi casayr (Networka).

 

Maamulaha shirkadaasi Axmed Food cade oo ka hadlaayay warsaxaafadeed ay ku qabteen huteel Huruuse Boosaso ayaa sheegay in aaney lugu ku lahayn waxyaalihii lagu edeeyey, waxuu saxafada goobtaasi ugu sheegay in shirkadan Golis ay leeyihiin Ganacsato reer Puntland ah shirkadii Albarkaatna ay kala baxeen garyaqaana loo qabtay sidii lokala saari lahaa.

 

Waxuu kaloo sheegay in sheerka(share) shirkada ku soo biiristu ay u furantahay shaqsi kasta oo reer putland ah isagoo sheegay inta sheerka lagu noqon karo.

 

Shirkadu waxaaney weli isku dayin in ay u kacdo dhanka degmooyinka gobolka Bari marka laga reebo Qardho waayo Qandala iyo Caluula oo ay ku noolyihiin shacab aad u tiro badan ayaan weli la gaarsiin adeega shirkada. Mar sii horaysay Mar aan wax ka waydiiyey mamaulaha shirkada sanadkii 2000 kun inay gayndoonaan taleefonada degmooyinkaa ayuu yiri Sanadka soo socda Qorshaha ayeey noogu jiraan balse weli fari kama qodno.

 

Shirkadaani waxaan xasuustaa markii ay wadanka timid in ay isticmaali jireen taleefoonadeeda dadka danyartaa oo u raacay gelintii bilaashka ahayd xiligaasi lakiin waxay akhirkii isu bedeshay siyaasad ganacsi oo ay shirkadu dheeraatay shirkadihii tar ranka kula jiray sidoo kale waxaan xasuutaa magaalada Boosaso oo daqiiqdii talefoonka ahayd lagu dirsan jiray 17 doolar halka ay maanta daqiiqadii tahay 70cen$ doolar oo u dhiganta 18 kun oo shilin soomali ah.

 

Qiimaha interneetka saacadii ayaa markii hore shirkadu ku bilowday 4$ doolar halka uu maanta maraayo 2$ doolar oo weliba iminika ay socto shirkad kale oo wada hawsha interneetka oo laga yaabo inay kan sii jebiso qiimaha si ay u gasho tartanka gancsi oo hadda sii kululaaday.

 

Dhanka korantada waxaa bishii xaafadaha iyo meherdaha sida joogtada u siticmaal ay ka qadaa shirkadu $0.40 oo dhiginta shilin soomaali 7000kun oo keliya magaalada Baran ayaa sidoo kale shirkadu ay ka hirgelisay mashruuc koranto ah layr ah oo shaqeeya 24 saac oo dhan xaafadaha oo dhana la geliyey lagana qadaa qiimo isticmaalkoodu yar yahay iyadoo shirkadu ay siisay qof walba saacad soo saaraysa isticmaalkiisa, Sidoo kale magaalooyinka ay ku jirto oo dhan ayaa si joogtaa looga helaa dab joogto ah oo ay shirkadu siinayso qofkii raba inuu helo koronto joogta ah.

 

Shirkadaani ma laha gaadiid ay ku rawaxaan shaqaalaha u shaqeeya halka shirkadaha kale ay leeyihiin gawaari qaasa sidoo kale maamulkeedu ma wataan gawaari, waa rag lugta jecel wallow ay dadka qaar ku tiriyaan dad dabada ku haya diinta oo lacagta jecel sidoo kale shaqaalaheedu ma laha dirays looga garto dadka caadiga ah. marka aad dhex joogto xafiisyadooda saacadaha tukashada oo kale waa xirantahay halka shirkadaha kale ay joogan shaqaale aan saacadna xirin oo midkasta markuu soo tukado kan kale salaada aado lakiin Golis waa shirakad iyadu wadata habraaceeda shaqo waxaana dadka dhaliila ay ku xantaan in raga badankiisa ka shaqeeyaa ama dhamaantood ay yihiin asxaab diimeed rag isku bahaystay lakiin ma aha wax cad oo dadka shacabku qabaan, aniga qormadaan qorayaana aanan ku arag wax cadeeynaya eedaymahaas.

 

Dhanka dawlada waxaa xiliyadii hore laga dareemi jiray qaar ka mid ah masuuliyinta dawlada in ay kuunyaan horumarka baahsan ee shirkada balse iminka waxaa muuqda daah fur iyo xiriir wada shaqayn oo ka dhex socda laamaha dawlada iyo shirkada waxaana jira in shirkadu ay u samayso dawlada khidmad iyo tanaasulaad badan oo dhanka isgaarsiinta ah tasoo ah waxqabad wayn dhanka socodsiinta hawlaha shaqada Dawlada.

 

Waxaa intaasi dheer shirkadu waxay samaysay nambaro kala gaar ah oo ay qaar leeyihiin shacabka qaarna dawlada qaarna shaqaalaheeda si lagu kala garto oo aan la usugu khaldin, waxaa intaasi dheer shirkadu meelaha lagu hayo ama u shaqeeya danaha shacabka sida saldhigyada boliiska, Cusbataalada iyo Iskoolada waxay siisaa igaarsiin bilaash ah oo deeq ah.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this