Sign in to follow this  
General Duke

Isolated Eritrea leaves IGAD

Recommended Posts

Eretrea oo ka baxdey Ururka IGAD

Last Updated::2007-04-22 13:56:18

 

Asmara:-Xukuumada Eretrea ayaa maanta ka dhawaajisey in ay Banaanka ka joogto Xubin ahaanshaheeda Ururka IGAD.

 

Ka Bixitaanka Urur ay Shuraako ku yihiin Todobo wadan oo ku yaal Bariga iyo Geeska Afrika oo lagu magacaabo Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), ayaa waxaa ay u sababeysey Eretrea in Dhawrka wadan ee IGAD ku bahoobey aysan waxba ka qaban Xaalka Soomaaliya.

 

Sida Maanta lagu soo Daabacey Website ay leedahay Xukuumada Casmara waxaa lagu sheegey in arintaan lagu kalifey in ay Qaado Talaabadaan, ka dib markii Xubnaha IGAD ay ku guul dareysteen in ay Islaaxiyaan Nabad Gelyada iyo Deganaanshaha Deegaanka.

 

Waxaa Muuqata in Eretrea ay ka bixitaankeeda uu yimid ka gadaal markii ay Ethopia ay oga fir fircoonaatey Arimaha Amaan, Siyasad, iyo Istiraatijayadeed ee Gobolka, waxaana Jirtey Kulan ay yeesheen wasiiro IGAD ka tirsanaa in Gudi loo saarey khaladaad ka yimi Dagaal dhex marey Labada Wadan ee Eretrea iyo Ethiopia, sanadihii 1998 iyo 2000.

 

Dhawr jeer oo hore waxaa eedeymo u soo jeediyey labada wadan ee Soomaaliya iyo Itoobiya wadanka Eretrea waxaana ay ku eedeeyeen in Eretrea ay Magan geliso kooxo ka soo horjeeda DF Soomaaliya, waxaana ay Itoobiya ay si gaar ah ugu eedeysey Eretrea in ay hoy iyo Gabaad ay siineyso kooxo Argagixiso ah.

 

Eretrea Dhinaceedana waxaa ay Dhawr jeer oo hore ay ku eedeysey wadamada Mareykanka iyo Itoobiya in ay Deganaansho Darro ay ka wadaan wadanka Soomaaliya, waxaana ay sheegtey in waxii dhaca ay labadaasi Dal ay mas’uuliyadeeda ay Dusha u ridanayaan.

 

Wadamada Ku Bahoobey IGAD ayaa waxaa ka mid ah Wadamada Soomaliya, Itoobiya, Kenya, Uganda, Djibouti, Sudan, waa wadamada kale ee kula bahda ah wadanka eretrea Ururka IGAD.

 

Waxaana warka ah in Eretrea ay ka baxdey Ururka Igad ku dhawaaqey wasiirkeeda Arimaha Dibada .

 

Mohamed Ali (Dalmar)

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eriteria oo ka baxdey IGAD

22 Apr 22, 2007 - 5:51:02 AM

 

Dowlada Eritrea ayaa maanta shaaca ka qaaday inay gabi ahaanba ka baxday xubinimadii ururka IGAD kadib muran xoogan oo iyada iyo dalka ay cadowga isku yihiin ee Ethiopia ku dhex maray kullankii horaantii bishan IGAD ay ku yeelatay magaalada Nairobi oo sababay in Gobolka uu kala qeybsamo.

 

 

 

"Dowladda Eritrea waxaa lagu qasbay inay qaado tallaabadan, ayada oo eegeysa qaraaro dhowr ah oo soo noq noqday, islamarkaana qeyrul mas'uulnimo ah, kuwaasi oo wax u dhimaya nabadda iyo ammaanka gobolka oo IGAD uu isku raacay" ayaa lagu yiri bayaan ay Dowladda Eritrea soo dhigtay Website-keeda.

 

 

 

Kullankii Urur Goboleedka IGAD uu laba toddobaad ka hor ku yeeshay dalka Kenya ayaa noqday mid dagaal kulul oo dhinaca afka ah uu ku dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia, oo weli ay ka dhaxeyso caddaawadii ka dhalatay dagaal dhinaca soohdinta ku dhex maray labada dal intii u dhaxeysay 1998-2000, waxaan hadda muuqda waxa ay dad badan u arkaan in dagaalkooda ay usoo rareen Somalia.

 

 

 

Eritrea ayaa ku eedeysay Mareykanka iyo Ethiopia inay si mas'uuliyad darro ah u fara geliyeen arrimaha Somalia, kadib markii Addis-Ababa iyo Dowladda KMG ah ee Somalia ciidamadeeda ay xukunka ka tureen Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed, daba yaaqadii sanaddii tagtay.

 

 

 

Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa ku eedeeyay Eritrea inay qaribeyso Dowladda KMG ah, iyada oo taageero siineysa kooxaha wax iska caabinta ee ku lugta leh dagaalkii ugu xumaa ee Somalia ka dhaca 15 sanno.

 

 

 

Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa xubin ka ah Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, Sudan, Somalia iyo Eritrea oo maanta ka baxday.

 

 

 

Tarjumaada: Cabdi Fatax Axmad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this