Gabbal Posted December 24, 2006 Dagaalo ka socda Matabaan iyo diyaaradaha Ethiopia oo qasaaro geeystay War deg deg ah Mogadishu 24, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Diyaaradaha ciidamada dowladda Ethiopia ayaa bambaanooyin ku soo weeraray saakay magaalada B/weyne, halkaasi oo ay ka geeysteen qasaaro naf iyo maalba leh, iyadoo dagaal qaraar uu ka soconaya deegaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan Diyaaradaha ciidamada Ethiopia ee saakay soo weeraray magaalada B/weyne ayaa Ilaa 4 bambaano waxa ay la dhaceen xerada tababarka iyo dhaqan celinta, xilli halkaasi ay ku jireen maxaabiis iyo dad la dhaqan celinayay, inkastoo aysan geysan qasaaro ayaa hadana maxaabiistii laga saaray halkaasi. Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee Ethiopia ayaa waxa ay bambaanooyin ku tuureen tuulooyinka Ceel-jaalle iyo kuwo kale oo ay ku sugan yihiin qoysas ka barakacay fatahaado, iyadoo halkaasina ay ku geeriyootay gabar yar. Lama oga wali diyaaradaha Ethiopia qasaaraha ay u geeysteen tuulooyin ay dagaan dad xoolo dhaqato ah oo ay garaaceen. taliyaha ciidamada maxkamadaha ee gobolka Hiiraan Abu Salmaan ayaa waxa uu sheegay in ay jabiyeen ciidamada Ethiopia, ayna dib ugu riixeen deegaanka feerfeer. Sidoo kale diyaaradahaan oo tiradooda lagu qiyaasay 8 xabo ayaa waxa ay bambaanooyin ku weerareen deegaanka Mattaabaan ee gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasi ay sidoo kale soo weerareen ciidamada Ethiopia oo ku socda dhulka, waxaana dagaal kula jira maxkamadaha islaamka Somalia. Shabelle Media Network Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted December 24, 2006 Dayuuradaha dagaalka ee Itoobiya oo Bambooyin culus ku garaacay bartamaha B/weyne & Matabaan Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhoweyd diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya, gaar ahaana kuwo Miigaga oo u socda afar afar in ay madaafiic ku garaaceen gudaha magaalada B/weyne, waxaana goobaha ay duqeeyaan ka mid ah saldhiga magaalada B/weyne, xarun ay isku diiwaangelinayeen dadka ka qeybqaadanaya dagaalka u dhexeeya ciidamada golaha maxaakiimta & Itoobiyaanka. Dayuuradaha Itoobiyaanka ayaa sidoo kale meelaha ay duqeeyeen waxaa ka mid ah deegaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaasoo dayuuradaha Itoobiyaanku ay ku xusuuqeen dad xoolaleey ah & xoolahooda. Saraakiil ka tirsan maxaakiimta oo ku sugan gudaha magaalada B/weyne ayaa ugu baaqay dadka degan magaaladaasi in ciddii hub haysata ay hubkeeda la soo baxdo, waxaana sidoo kale banaanbax isugu soo baxay magaalada B/weyne dadweyne ka careysan duqeynta ciidamada Itoobiyaanku u geysanayaan magaalada B/weyne. Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Coloow Posted December 24, 2006 Horn, what say you? Are you still on the side of the TFG? Reports from Beledweyne indicate that women and children have been murdered from the air. This was not an attack on military position but on the town. Is cadeey sxb. This is no longer a war between somalis. It is a war on somalis by Ethiopians. The location is somalia. I want to read your opinion not some kind copy and paste articles. Tell us where you stand; Amxaaro yuuble's or the innocent somali child in Beledweyne. I will be waiting the whole night to read what you have to say. Quote Share this post Link to post Share on other sites
bambo Posted December 24, 2006 Banaanbax looga soo horjeedo ciidamada Itoobiyaanka oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. December –24-006 Bananbaxyaasha maanta oo u badnaa Haween iyo Carruur sida Kitaabka Quraanka kariimka ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku taageerayeen ciidamada midowga maxkamadaha Islaamka ee dagaalada kula jira ciidamada Itoobiyaanka. Banaanbaxyaasha maanta ayaa socod dheer ku soo mareen gudaha magaalada Kismaayo iyagoo ku hakaday xarunta ciidamad midowga maxkamadaha Islaamka ee Jubbooyinka halkaas oo Haweenka hormuudka u ahaa banaanbaxaas ay ku sheegeen inay doonayaan inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhacaya gobolka Bay ee jihaadka ah. Banaanbaxan socodka dheer ahaa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli xiisad dagaal laga dheehan karo magaalada Kismaayo oo indhahaaga qabanayaan boqolaal mutadawaciin ah oo iyaga u soo hub qaatay inay galaan jiidda dagaalka kuwaas oo hor dhoobnaa xarunta ciidamada golaha maxaakiimta Islaamka ee gobolada Jubbooyinka. Inkasta oo banaanbaxii maanta uu ahaa mid aan loo xirin goobaha ganacsiga ee magaalada Kismaayo ayaa haddana waxa uu u muuqanayey mid xoogan mana jirin wax mas’uuliin maxaakiimta ah oo ka hadlay marka laga reebo Haweenkii soo abaabulay banaanbaxaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites