NGONGE Posted September 23, 2010 ^^ I resent the mention of my name every time someone wants to measure the strength of their Somali. Idaaya, nacal digaagak (that's chicken, Duke ). Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 23, 2010 Originally posted by NGONGE: Idaaya, nacal digaagak (that's chicken, Duke ). Ngoonge, I am from east London so I know the NW "Dee..Walaal" Lingo , however you should have said "Waar dee, idaaya nacalaa Dhooro" for Sayid to get the jist of your point.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted September 23, 2010 Ngonge sorry saxiib, i was just trying to trigger that innate gene in Duke that won’t allow him to be trumped by secessionist Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted September 23, 2010 ^^ And I was helping you along. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 23, 2010 Now lads this topic is not about Dhooro, or Digaag... So lets get back.. Xasuuq Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 23, 2010 Dhaawacyada in ka badan 80 ruux oo maanta la dhigey Isbitaalka Madiina. Muqdisho: (Sh. M. Network) Dhaawacyada in ka badan 80 ruux oo ku dhaawacmay dagaalo Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa saacadihii ugu dambeeyay la dhigay isbitaalka Madiina oo ay horay u buuxdhaafiyeen bukaano kale oo ku dhaawacmay dagaaladii hore. Xili saacadihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dagaalo iyo duqeymo is bar bar socda islamarkaana geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ayaa qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladaasi waxaa la gaarsiiyay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Isbitaalka oo maanta ay Shabelle booqatay ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa la gaarsiiyay dhaawacyo kor u dhaafaya 80 ruux oo 10 ka mid ah dib loo celiyay markii gurmad caafimaad loo fidiyay halka 2 kalana ay ku geeriyoodeen gudaha isbitaalka sida idacaada Shabelle ay u xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Dhaawacyada la geeyay isbitaalkaasi ayaa isugu jiray Caruur Haween iyo dad da’a ah oo ku soo dhaawacmay duqeymihii iyo dagaaladii maanta ka dhacayay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana dadkaasi intooda badan ay ku soo dhaawacmeen Madaafiic ku dhacday Suuqa Bakaaraha. Saraakiisha Caafimaadka ee isbitaalka Madiina oo gudaha isbitaalka kula hadlay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in saacad saacad isbitaalka loo soo gaarsiinayo dhaawacyada dad rayid ah oo ku soo waxyeeloobay madaafiicda iyo dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho. Marka laga soo tago dhaawacyada 80-ka ruux ee isbitaalka Maanta la gaarsiiyay ayaa isbitaalkaasi waxaa horay ugu jiray bukaano kor u dhaafaya 280 ruux kuwaasi oo ku dhaawacmay dagaaladii iyo qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 23, 2010 The civilians pay the price for the folly[/i] Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted September 23, 2010 Originally posted by General Duke: Ngoonge, I am from east London so I know the NW "Dee..Walaal" Lingo , however you should have said "Waar dee, idaaya nacalaa Dhooro" for Sayid to get the jist of your point.. Masha'Allah, sifiican baad isugu daayday, balse laba wax oo aad u yar baa khaldamay - tusaale: "War dee, idaaya nacalaa dooro". waan arkay in aad xataa saxday magaca 'thread'kaan - taladaydii kadib. nin dhega nugla ah baad noqotay - sidaas ku soco. wax badan baad baran markaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 23, 2010 Originally posted by Sayid*Somal: Masha'Allah, sifiican baad isugu daayday,wax badan baad baran markaas. Thanks my brother, we all must strive to improve ourselves.. Now back to the topic... Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted September 23, 2010 Originally posted by General Duke: Thanks my brother, we all must strive to improve ourselves.. Now back to the topic... Haa, waa sidaas. ana af soomaaliga aan ku baro - adna i bar sida wax loo gogoyo dibna laysugu dhejiyo markii lala doodaayo kuwa gooni-isu-taga-aaminsan so saas ma aha? - halkaas baan kaga baxay marka - adna halkaas kasii wado howshaada. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted September 23, 2010 ^Ma sidaasaad Duke kusaxday? Ciwaanka kore makula saxsanyahay Afsomali ahaan? Macalinimaa iska ba'day, Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted September 23, 2010 ^magacaa ba'yaye ma adiga ila af ah Originally posted by Sayid*Somal: @ "Qosolkii dhacay xasuuq ka dambeysay" Mudug waxaa laga yidhahdaa: Qosolkii dhacay xasuuq baa ka dambeeyay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted September 23, 2010 ^Bayayey ma ahan horta, kow dheh Magacaa jiryee ma adigaa macalinimo sheegtay? Adigoo leh 'congrats for correcting the title for correcting the title as I instructed you' ayaa ujeeday. Markaa Title grammatically sax ahna ma aanan arag. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 23, 2010 ^^^The "teacher" is being taught lol. Anyhow ........................................................... Qasaaraha ka dhashay dagaalada ka socda Muqdisho ayaa sii kordhaya , iyadoo qasaaraha ugu badan ay gaareen dadka rayidka . Ugu yaraan 20-ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay halka 70-kalana dhaawacmeen kuwaasi oo xaaladooda qaarkood si weyn u liitaan . Dagalaadaan dhex maraya ciidamda dowlada oo tageeero ka helaya Amisom iyo islaamiyiinta ayaa waxaa bar bar socda duqeymo Amisom geysanayaan kuwaasi oo inta badan Suuqa bakaaraha marti u noqday . Guud ahaan isu socodka dadka ayaa ka xayiran magaalada , iyadoo ay adag tahay in dadka dhaawacmay cisbitaalada lala gaaro . Dagaaladaan ayaa soo baxaya xilli dowlada bartanka kaga jirto dhibaato siyaasadeed oo ugu dambeyntii keentay in xilka uu macsalaameyo ra`isul wasaarihii dowlada . Maryama (Umu Shureem) seymuun@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 23, 2010 30 qof oo ku dhintey dagaalo ka dhacey Muqdisho 23 Sep 23, 2010 - 11:22:35 AM Ugu yaraan 30-qof oo u badan rayid ayaa ku dhintay, 75-qof oo kalena way ku dhaawacmeen, dagaalo maanta ku dhexmaray Muqdisho DF, AMISOM iyo xoogaga mucaaradka ah ee ka horjeeda. Madaafiic ku dhacday suuqa Bakaaraha ayaa geystay khasaaraha ugu badan ee ka dhashay dagaalka, waxaana madfac ku dhacay agagaarka Masjidka Abu-hureyra ku dhintay 19-qof oo shacab ah, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar ka baxsanayay dagaalada. "In ka badan 20-qof oo dhimasho ah ayaan ku arkay Bakaaraha iyo hareerihiisa, waxaa ku jiray hooyo iyo cunug ay dhashay, kuwaasoo madfac uu kula dhacay suuqa gudihiisa, dagaalka maantana wuxuu ahaa mid aad u daran" ayuu yiri ruux goobjooge ah oo la hadlay Garowe Online. Goobjoogahan, ayaa sheegay in madaafiicda ku dhacaysay suuqa ay u badnaayeen kuwa qoriga PM-ka loo yaqaano ka dhacayay, isagoo sheegay in ganacsiga guud ee Suuqa Bakaaraha uu maanta ahaa mid xiran, dagaalada awgood. Madaxa Ambulance-yada Muqdisho dhaawacyada ka qaada Cali Muuse ayaa sheegay in dhaawacyadii ay maanta qaadeen ay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee ay maalin qura qaadeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay. DF iyo mucaradka ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, iyadoo koox walba ay sheeganayso inay kooxda kale ka adkaaday, waxaana dagaalka uu bilowday markii ciidamo ka tirsan DF iyo AMISOM ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay Xisbul Islam iyo Al-shabaab kag sugnaayeen Muqdisho. Dagaaladan oo ka dhacay degmooyinka waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay tiro ka mid ah ciidamada dagaalamayay, waxaana Al-shabaab ay sheegatay inay dhowr dagaalayahan uga dhinteen, balse goobjoogayaal ayaa sheegay in tirada dhimada ee labada dhinac ay ka badan tahay 15-qof. Weli waxaa laga maqlayaa Muqdisho hugunka madaafiicda culus ee ay dhinacyadu u adeegsanayaan dagaalada socda, waxaana madaxda Isbitaalka Madiina ay xuseen in 50-qof oo dhaawacyo qaba lasoo gaarsiiyay isbitaalka. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites