Jacaylbaro Posted September 2, 2008 hadhwanaag 2008-09-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa,(HWN):- Qaybtii u horeysay ee qalabkii loogu tallo galay hawsha diwaan-gelinta codbixiyayasasha doorashooyinka ayaa maanta ka soo degay gegida diyaaradaha ee Egal International ee Magaalada Hargeysa. Qalabkan oo isugu jira agabka laga samaynayo Kaadhadhka Aqoonsiga iyo ka Codbixiyaasha. Gudoomiyaha Guddida Diiwaan-gelinta ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Md: Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in qalabkani yahay kii ugu horeeyay ee lagu bilaabi lahaa hawsha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay daba socoto oo bishan 14-keeda ay soo dhamaan doonaan qalabkii loogu tallo galay codbixiyeyaasha Doorashooyinka si dhakhso ahna loo bilaabi doono. Gudoomiyaha guddida diiwaangelinta waxa uu xusay in qalabkan ay ka yimaadeen wadanka China iyo Hindiya isla markaana ay waday shirkada Copenhegan Election oo ay kala wareegi doonaan tijaabintan. Ugu horayna isaga oo qalabkan faahfaahin ka bixinaya waxa uu yidhi "Qalabkan soo degay waxa weeye "Stationery" iyo waraaqihii adkaa ee laga samaynayay Kaadhadhka aqoonsiga iyo ka codbixiyeyaasha Doorashooyinka markaa 90% alaabtii lagu isticmaalayay goobaha Doorashooyinka weeye qalabkan noo soo degay imika. Waxa kale oo iman doona bishan 14-keeda qalabkii Electronic's-ka ahaa sida Koombuyuutaradii kuwii wax lagu daabacayay iyo Kamaradihii oo isku rakiban oo hal sadnuuq ku wada jira, markaa qalabkaasi markuu soo dego xabadxabad ayaanu u tijaabinaynaa waxaana noo sameeyay qalabkan shirkada la yidhaahdo ECIOL. Anaguna Company Maraykan ah ayaan yeelanay oo ku takhasusay ilaalinta tayada qalabka si ay u eegaan in alaabtani tahay mid tayo leh oo ah tii aanu dalbanay anaguna waanu tagnay oo waanu soo eegnay alaabtaasi, alaabtaasina waa tii u horaysay ee hawlahan diiwaangelinta lagu bilaabayay waxaana siday Diyaarad Chek ah. Alaabtan qaarkood waxay ka timid Chinaha iyo Haydaro baad oo ka mid ah dalka Hindiya waxayna markii hore yimaadeen Dubia oo markii hore diyaaradani ka soo qaaday. Wixii guur guur ah iyo rarid ah waxa qaabilsan shirkada la yidhaahdo Copenhegan Election oo ninka agaasimaha ka ahi uu la socdo alaabtan imika oo uu keenay lanoo soo dhiibay. Shirkadan Copenhegan Election waa shirkad shaqadeedu tahay in alaabtaa meelaha kala duwan lagu sameeyay ay soo qaado oo ay ilaaliso. Mar wax laga waydiiyay meesha ay ka keeneen lacagta ay ku soo iibiyeen alaabtan waxa uu ku jawaabay "Lacagta lagu soo iibiyay waa lacagtii Komishanka la siiyay ayaanu qandaraas ku bixinay dad aanu qandaraaskaas aanu siinayna ayaa alaabtan noo keenay markaa AU-da iyo wadamada Denmarka, Sweden iyo Norway iyagu lacagta ayay na siiyeen lacagtii ayaanu markaa qandaraas ku siinay shirkadahaas. Shirkad walba wixii ay noo keenaysay waanu u tilmaanay, markaa wakhtiga ayaa la gaadhay wixii la bilaabi lahaa tan ayaana u horaysa". Sidoo kale waxa wax laga waydiiyay shirkada Copenhegan Election oo dad badani ay ku sheegeen inay tahay shirkad aan jirin oo ay Komishanku heshiis la galeen waxa uu ku jawaabay "Shirkadan Copenhegan Election iyadu shaqo kuma laha Doorashooyinka kamana shaqayso, shaqadeeduna waa rarista qalabka. Shirkadani wax samaysan ayay soo qaadaa oo ay meeshii looga baahnaa keentaa waana shirkad wayn oo laga yaqaan Denmark". Quote Share this post Link to post Share on other sites