Cowke Posted March 4, 2010 Shirkada Golis Telecom Somalia oo Maanta Soo Bandhigtay Telefoono Tamarta Qorraxda Ku Shaqeeya Boosaaso, (RBC Radio) Shirkada Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia ayaa maanta soo bandhigtay telefoono mobile ah oo ku shaqeeya tamarta qorraxda. Shir jaraa’id oo maareeyaha guud ee shirkada Golis Aadam Sheekh Doon Cali uu ku qabtay xarunta shirkada ayuu shaaca kaga qaaday in shirkadu ay soo kordhisay telefoonadan gacanta lagu qaato oo ah nooc loo adeegsanayo awooda qorraxda (solar system), taasi oo qofka adeegsanaya uu kaga maarmayo inuu u baahdo koronto marka uu dabka ka dhaco telefoonka. Maareeyaha shirkada Golis Aadam Sheekh Doon Cali waxaa uu sheegay in telefoonkan uu noqonayo mid si weyn wax uga tara baahida macaamiisha gaar ahaan kuwa ku nool dhulka miyiga ama tuulooyinka ee aan had iyo goor heli karin koronto. Waxaa sidoo kale baahida telefoonkan xitaa dareemay dadka ku nool magaalooyinka maadaama uu yahay mid si fudud isu kaarikeynaya. Maareeyaha guud ee Golis oo ka hadlay dadaalkii ay shirkadu u gashay keenista telefoonadan gacanta ayaa sheegay in telefoonkan uu ku yimid dalab ay shirkada Golis sameysay, iyadoo qiimaha ay hadda ku iibineyso uu yahay mid aad uga hooseeya midkii ay shirkadu ku soo iibsatay, taasi oo muujineysa sida shirkada Golis ay u daneyneyso inay bulshada ka horumeriso dhinaca adeega isgaarsiineed ee ay faraha kula jirto. Shirka jaraa’id ee uu qabtay maareeyaha shirkada Golis waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay telefoonada cusub ee ay shirkadu keentay, iyadoo saxaafadu la tusay qaabka uu u shaqeynayo telefoonkan. Cumar Ciise Faaruuq oo ah madaxa suuqgeynta iyo ganacsiga ee shirkada Golis oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in telefoonkan uu yahay mid ku shaqeynayo simcard-ka shirkada Golis oo kaliya. Wuxuuna Cumar Faariiq intaa ku daray in telefoonka uu yahay mid aad u qiime jaban oo dadka oo dhan ay iibsan karaan. Madaxa suuqgeynta ee shirkada Golis waxaa uu sheegay in keenista telefoonadan ay timid ka dib markii ay soo baxday baahi dadka ku nool meelaha fog ee miyiga ah kuwaasi oo in badan ay ka soo yeereysay cabasho dhinaca dabka ah. Iyadoo ay maanta si rasmi ah shirkadu u daah furtay telefoonkan cusub ee nooca qorraxda ku shaqeeya ayaa haddana waxaa durba laga dareemayey gudaha xarunta shirkada dadweyne tiro badan oo isla markiiba bilaabay inay iibsadaan telefoonadan cusub si ay uga baxaan dhibaatada ay dhinaca dabka ku qabeen, taasi oo mararka qaar sababi jirtay in qofka uu ka lumo telefoonkiisa. Shirkada Golis ayaa haatan u muuqata mid horey ugu sii talaabsaneysa inay ka jawaabto baahi kasta oo dhinaca isgaarsiinta ka jirta iyadoo la jaanqaadeysa horumarka dunidu ka gaartay technology-ada. Waxaana dhamaadkii sanadkii hore ay shirkadu furtay adeeg casri ah oo macaamiisha u suuragelinaya in telefoonka ay ka dhex furtaan hab fudud oo lacagaha ay ugu keydsan karaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites