Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: African Oil Corp delegation arrive in Puntland

Recommended Posts

Wafdi ka socda shirkadda Afrika Oil Corp oo soo Gaaray Puntland(Sawiro)

Last Updated::2007-11-22 16:32:59

 

Garowe:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland weftiga ka socda

Africa Oil Corp

Weftigan oo uu horkacayo Madaxa Africa Oil Corp Mr Rick ayaa waxa ay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso,ka dibna waxa ay Garowe ku yimaadeen safar dhulka ah.

 

 

Weftigan ayaa waxa Tuulada Sunijiif kaga hortagey xubno ka tirsan Maamulka dowladda Puntland oo uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

 

 

Weftigan ayaa waxa ay isu qaybiyeen labo qaybood,labo xubnood oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Africa Oil Corp Mr Rick Schmitt iyo Mr Ken Watson ayaa waxa loo soo gelbiyey xarunta Madaxtooyada Puntland halka ay qaar kalena u ambabaxeen ceelka konoko ee la rabo in mustaqbalka dhow laga soo saaro shidaalka.

 

 

Hadaba mas’uuliyiinta shirkada ee loo soo gelbiyey dhinaca madaxtooyada ayaa waxa ay kulan kula qaateen saddex geesood ah madaxda sare sare ee Puntland,Isimada Gobolka nugaal iyo weftiga shirkada.

 

 

Mas’uuliyiinta dhinaca Puntland ka qayb gashay ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse xirsi,Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Xasan Daahir Maxamuud,Guddoomiyaha golaha Wakiilada Mudane Axmed Cali Xaashi,wasiirka Maaliyada Maxamed Cali Yuusuf(Gaagaab),wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta,dhaqanka iyo dalxiiska C/raxmaan Maxamed Saalax(Bangax),wasiirka waxbarashada Axmed Siciid Aw Nuur,wasiir ku xigeenka Ammniga Ibraahim Cartan (x.Bikiin).

 

dhinaca isimada waxay ahaayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed,,Suldaan Siciid Maxamed Garraase.

 

dhinaca shirkaddana waxa ahaayeen,Mr Rick Schmitt- President &CEO,Mr,Paul Colyer-Drilling Manager,Mr John West-Geophysicist.

 

 

Hadaba ugu horrayntii waxa hadalka furay Madaxweynaha DGPl Mudane Maxamuud Muuse Xirsi wuxuuna yidhi waxaanu aad ugu faraxsanahay booqashada wadata waxqabadka ee aad noogu timaadeen waxaan idin leenahay marka hore ku soo dhowaada Puntland,intaasi ka dibna ayaa madaxweynuhu waxa uu sheegay ujeedada ay weftigan u yimaadeen iyo waxa ay wadaan oo ah in ay soo eegaan Ceelka shidaalka ee Konoko sidii ay uga soo saari lahaayeen shidaalka ku jira mustaqbalka dhow.

Intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii qaatay Madaxa Afrika Oil Corp, Mr Rick wuxuuna warbixin dheer ka bixiyey sababta ay rabaan in Puntland shidaalka uga soo saaraan,khibrada uu u leeyahay shidaalka gaar ahaan Afrika oo uu muddo 30sanno ah ka soo shaqeeyey shidaalka,waxana mahan wax fudud oo markiiba si dhakhso ah loo soo saaro,sahaminta iyo baaridda muddo ayey qaataan,haddase innagu waxaan gaarnay waqtigii wax soo saarka hadana waxaan u nimid sidii aan qalabka u keeni lahayn.

 

Intaasi ka dib ayaa waxa kulankaasi saddex geesoodka ah hadalo ka soo jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garraase oo labadooduba sheegeen in ay shidaal baa la soo saarayaa ay maqli jireen iyo shirkado ayaa imanaya in ay ilaahay mahadii tahay haddaad leedihiin

 

Wixii aad dhegta inta badan ka maqli jirteen ayaad maanta arkaysaan taas oo uu in badan Madaxweynah DGPl uu noo sheegi jiray uuna jecel yahay in dadkiisu ay helaan dhaqaale ay kaga baxaan dhaqaale xumida haysa dadka,waana idin soo dhowaynaynaa,waxaan kaloo idiin sheegaynaa in aanu annagu nahay madaxdii dhaqanka iyaguna yihiin madaxdii Dowladda,iyagu waa ay isbedelaan laakiin annagu isbedelno,geerimooyaane,waxaana idiin balanqaadaynaa haddaan nahay isimada Gobolka Nugaal in aydaan wax dhib ah kala kulmi doonin,siiba dhinaca ammaanka,annagga iyo dowladuna waa isku xiranahay waana isla soconaa.

Kulankii ka dib ayaa weftigan shirkadda Afrika Oil Corp waxa ay isla galabta ka dhoofeen garoonka Konoko ee Caasimada Puntland ee Garowe.

 

 

Isha warka Puntlandgovt.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this