Sign in to follow this  
SOO MAAL

Cali Geeddi�13-ka Bishan wixii ka dambeeya waxaan u soo guuraynaa Jowhar iyo Baydha

Recommended Posts

SOO MAAL   

Cali Maxamed Geeddiâ€13-ka Bishan wixii ka dambeeya waxaan u soo guuraynaa goobihii Barlamaanku uu go’aamiyay ee Jowhar, Baydhabaâ€

 

Ra’isul wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, ayaa sheegay in ay jirin cid fashil ku keeni karta dowlada Federaalka Somalia, isla markaana, ay ka howl galayso gudaha Somalia 13ka bishan wixii ka dambeeya, oo aaney ka baaqsan doonin goobihii Barlamaanku uu go’aamiyay ee Jowhar, Baydhaba, iyo xafiis laga furayo magaalada Muqdisho, in kastoo hadalka Geeddi uu yahay midka muranka badan ka dhex dhaliyay xubnaha Labada Gole.

 

Waxa kale uu intaasi ku daray in iyaga waa dowladda KMG ahe iyo Kenya ay isku afgarteen in la soo afjaro sii joogista dowlada Soomalida ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo oo la siiyay buu yiri xubnaha dowlada ee jooga Nairobi dhaqaale ay isku sii dabari karaan, wixii markaa ka dambeeya ay u ambabaxayaan gobolada dalka, oo la magacaabayo gudi kormeer oo aan madax ka ahay ayuu yiri oo u kuur gala howlaha nabada ee ay bilaabaan, waxana uu meesha ka saaray in ay jiraan xadgudub loo geystay shaqsiyaad ka tirsan dowlada oo Nairobi meelihii ay deganaayeen laga saaray.

 

Ra’isul wasaarahu waxa kale uu sheegay in Kenya ay casuumaad u fidisay xubnaha dowlada ka tirsan ee jooga magaalada Muqdisho, si ay uga qayb qaataan munaasabada lagu soo sagootinayo dowlada Soomaliya, isagoo markii ugu horaysay kooxda muqdisho ugu yeeray xubnaha labada gole ee ku sugan muqdisho, waxana uu intaasi sii raaciyay in boqolkiiba sagaashan iyo sided 98% ay ku shaqeynayaan siyaasada dowlada, laakiin arrimaha muqdisho yaala ay sidoo kale u baahan yihiin in xaqiiqda laga sheego.

 

Waxa uu ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya xubnaha gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo uu sheegay in gudoomiyaha barlamaanka Soomaliya loga baahan yahay in uu howshiisa ka soo baxo, anigana waxaan ku taaganahay ayuu yiri fulinta xilka aan qaranka soomaaliya u hayo.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this